TAHRIIBKA , RIYOOYIN BEEN AH IYO HALAAG DHAB AH

TAHRIIBKA , RIYOOYIN BEEN AH IYO HALAAG DHAB AH
TAHRIIBKA , RIYOOYIN BEEN AH IYO HALAAG DHAB AH
Salaamu laahi caleykum

Ilaaheybey u sugnaatey mahad oo idil , kaas oo inaga dhigey umad islaam ah ,

Intaas ka dib . marka hore waxaan halkan salaam iyo hambelyo ugu dirayaa dhamaan bahda war baahinta , iyo shacab weynaha Somaliland ,
Umaan qaadan manta qalinka sheeko malo awaal ah iyo waliba qoraal ku saabsan wax aan jirin se waa sheeko dhab ah oo dhacda maalin walba,
Waxey aheyd 15 March 2009, goor habeenimo ah salaadii maqrib ka dib ayaa aniga iyo laba ardey oo kale u ambo baxney in aanu soo eegno guri ku yaal magaalada Khartoum oo lagu soo dajiyo dadka tahriibka ah ee beegsanaya yurub , kuwaas oo habeen walba iyagoo tiro ah soo gala sudan , waxaanu u soconey in aanu soo eegno dad ay ehel yihiin ardeydii aanu wada soconey oo joogey iyagu guriga kana mid ahaa dadkii soo galey saddex habeen ka hor Khartoum,
Muddo markaan sii saarneyn basaska shacabka gura ee ka dhex shaqeeya caasimada khartoum ayaanu gaadhney gurigii , tilmaam ayaanu ku soconey muddo markaa deydeyney ayaanu helney gurigii,
Waanu garaacney waxaana naga furey nin waashmaan ahaa oo aanu la socodsiiney in aanu dooneyno dad ehelada ah , waanu noo sii daayey,
Horre ayaanu u soconey gurigo waa afar qol iyo daarad aan sidaas u weyneyn , dhamaan qololka waxaa ka buuxa dad , afarta qol midkood waxaa ku jira haween ka mid ahaa dadkii tahriibayey una badan hablo aan dadoodu saas u weyneyn , saddexda kale se rag baa ku jirey , midkood wey ku qeylayeen iyagoo cunaya qaadka oo wadanka koontarabaan ka ah se si qarsoodi ah loogu soo galiyo, intii aan joogey sudana aanana arag habeenkaas ayaana iigu horeysey qaad iyo meel lagu qeylayaba,
Waxaan mid mid u galey qololkii anoo eeg eegaya bal in aan cid ka garto, waxaan gartey laba nin oo aanu isku xaafado aheyn magaalada hargiesa oo soo galey laba habeen ka hor,
Salaam iyo wareysi ka dib waxey ii sheegeen in ay soo galeen habeen ka hor se isla arroornimadii ay qabteen ciidanka booliska ee sudan , kuna xidheen jeel ku yaal badhtamaha magaalada Khartoum kuna jireen habeen , wax dhibaato ah kamey sheegan askartii sudaaniyiiinta aheyd ee xidhey marka laga reebo qaar dadkii ka mid ahaa oo la yara garaacey ficilo ay sameeyeen jeelka dhex diisa mooyee ka dib Markey buuqeen , waxey ii sheegeen in la geeyey maxkamad , si wanagasan ay ula dhaqmeen iyagoo ku xukumey qof walba 50$ kuna amreen in ay muddo afar cisho gudahood ah ay wadanka sudan kaga baxaan ,
Waxyaabihii aan guriga ku arkey ee iigu yaabka badnaa waxey aheyd haweeney aad u da a weyn oo ku jirey dadka tahriibayey , waan salaamey se hadal badan lamaan yeelan anigoo ixtiraamayey shucuubteeda , sidoo kale rag aad u da weyn ayaa ku jirey dadkii habeenimadaa joogey guriga ,
Waxaa kale oo aan la yaabey dhalinyaro ka mid aheyd dadkaas oo cabsanaa khamri , iyagoo qaar ka mid ahaa ay u muuqdeen qaar ay imika ugu horeysey cabista khamrigu,

Sida lala wada socdo dadku ka soo ambo baxa Somaliland safarkoda ugu horeeya waxey soo maraan Ethiopia , iyagoo qaar dadkaa ka mid ahaa ay ii sheeg in laga qabtey xuduuda sudan iyo Ethiopia ka dibna lagu celiyey magalada Togwajaale ee xuduuda Somaliland ee Ethiopia ka dib Markey ku xidhnaayeen jeel ku yaal xuduuda sudan iyo Ethiopia muddo dhawr iyo toban cisho ka badan , lagana qaadey lacag dhan 300$ qof walba , qofkii lacagtaa bixiyana la sii deynayey ,
Markii ay soo galeen sudan ayaa qaarkood waxa qabtey niman burcad ah oo baadhey goor habeenimo ah iyagoo ka qaadey wixii ay siteen ee hanti aheyd , sidaasna ay ku soo gaadheen khartoum,
Laba habeen ka dib ayaa dhamaan dadkii aanu guriga ugu tagney oo dhamaan ilaa 80 Qof u ambo baxeen xagaa iyo wadanka liibiya iyagoo sii watey safarkoodii,
Sida caadada ah dadku Markey soo gaadhaan magalada Khartoum waxaa la dajiyaa guriyo ku yaal magalada oo ay leeyihii dad mukhalisiin ah , kuwaas oo ay joogaan ilaa weeg inta ay isku diyaarinayaa safarkooda saxaraha u dhaxeeya liibiya iyo sudan , ka dib dadku waxey sii iibsadaan wixii ay u baahan yihiin ee cunto iyo cabitaan ah iyagoo qaata cuntada qasacadeysan sida kaluunka daasadaha ku jira iyo biyaha caagadaha ku jirra,
Waxaa lagu qaadaa dadka gawaadhi waaweyn oo ka saarta magalada Khartoum , kuwaas oo inta badan gaadhsiiya gawaadhi kale oo u sii qaada ilaa liibiya,
Waxey aheyd uun bishii horre markii mid ka mid ah gawaadhidii dadka sidey ee u ambo baxdey Khartoum uu ku qalibmey goor habeenimo ah meel u dhaw caasimad sudan , taas oo ay ku dhinteen dad ka badan toban qof kuna dhaawacmeen toboneeyo kale , waxaan la iloobi karin sidii wanaagsaneyd ee ay dadka ula dhaqantey ciidanka amniga ee sudan kuwaas oo markii lagu soo war galiyey shilka dhacey dadkii dhaawaca iyo meydka ahaa ku soo gurey gawaadhi keeneyna dhakhtarka weyn ee Khartoum hospital iyagoo u fidiyey dhaawicii daaweyn bilaasha ah iyo waliba inta uu bogsano jiif iyo dawo bilaash ah, iyagoo intii dhimateyna si wanagsan laagu aasey magaalda Khartoum ,

Waxaa dadku inta badan ku jiraan saxaraha u dhaxeeya liibiya iyo sudan muddo weeg ah iyagoo mar marka qaar dadka ay gawaadhido la jabto taas oo ay dhibaato la kulmaan ,
Gawaadhida dadka sudan ka qaada sidey dadka u sii sidaan waxey geeyaan xuduuda sudan iyo liibiya halkaas oo uu kala wareeego nin ay soomalida tahriibka ahi ula baxeen MA GAFFE (oo ay macnaheedu tahey mid aan waxba dhaafeynin) ninka sida aan maqley waa general horre oo ka tirsan ciidanka wadanka liibiya waxaa uu leeyahey beer weyn oo uu dadka ku xareeyo waxey wada shaqeeystan dadka mukhalisiinta ah ee halkan sudan dadka ka gurra , ninkaas inta aan ogahaye wax dhibaato ah dadka uma geysto oo aan aheyn isagoo dadka ka qaada lacag madax furrasho ah oo dhan ilaa 500$ , qofkii aan lacagtaa heysana waxaa uu leeyaha telefoono isagoo ka codsada in uu dadkiisa iyo eheladiisii la hadlo si ay ugu soo diraan lacagta madax furashada ah, qofku halkaas ayuu ku jiraa ilaa uu lacagtaa bixiyo , waxaa caado noqotey in uu dadku Markey Khartoum soo gaadhaan ay ku sii tallo galaan lacagta magaffe , ka dib ninka waxaa uu dadka u qaadaa si toos ah caasimada wadanka liibiya ee Tripoli , mar aan xidhiidh la sameeyey dhalinyarro sudan ka ambo baxdey oo liibiya joogta waxey ii sheegeeen in ninkaas si wanagsan ula dhaqmey intoodii lacagta bixisey , inta kale dadkan ay kaga yimaadeen beertii inta ay lacagtu u imaneyso , waxaa caado ah in dadka aan lacagta heysan ay la hadlaan ehelkoodi ka dibna dad ay wada shaqeeyaan oo jooga liibiya lacagta loogu shubo , sidaasna uu dadka u geeyo Tripoli,

Waxaa beryahan danbe soo shaacbaxeysey silsilada dad mukhalisiin ah oo isku xidhan laga soo bilaabo Addis ababa ilaa dadka marka doonta la saarayo , taas oo qoloba qolo u sii gudbiso, tani waxey u eegtahey qarnigii horrre bilowgiisii ganacsigii dadka ee ka soo shaacbaxey afrika ( slave trade)
Sidoo kale waxaad moodaa in laba wadan ee sudan iyo liibiya ay raali ka yihiin dadka tahriibiya ee wadamadooda ku soo galaya sifaha sharci aan aheyn iyagoo ka war haya dhamaan dhaqdhaqaaqyadooda si aan wax dhibaato ah u geysan sida Ethiopia oo kale oo iyagu dadkey ku qabtaan xuduudahooda ku celiya xuduuda Somaliland,

Dadku wey kala nasiib wanaagsan yihiin qadarka ilaaheyna waa halkiisa , qofba waxbuu la kulmamo waa wax ilaahey agtiisa ka qoran ,
Mar aan wareysey dadka tahriibayaal ah oo aanu ku kulaney Khartoum waxey ii sheegeen in ay sahey ka soo dhigteen qaarkood lacagtii ay ka urursadeen markii ay socotey diwaan galintii doorashooyinka somaliland ,taas oo ay ka mid ahaayeen dadkii ka shaqeynayey diwaan galinta , qaar kale waxey ii sheegaan in ay lacag ugu jirtey shirkadii fadhi ku dharag ee lacagteedii la dhacey, ka dib wax yar oo ay heystaan ku soo dhaqaajiyeen Markey arkeen sida uu xaalku yahey ,
Dhamaan dadka waxaa ka muuqda daal iyo dhibaato wajiyadooda , iyagoo mar walba kaa wareysanay wixii aad ku dhaanto inta uga hadhey safarkooda,

Guntii iyo gabo gabadii , tahriibko waa aafo qaran oo heysata wadankeenii iyadoo aad moodo in intii u badneyd ee dhalinyarado maanta ay yihiin qaar tahriibey iyo qaar niyada ku soo haya in ay soo baxaan ,
Waxaa kale oo culus ay ku hayaan dadka tahriibayaasha ahi ardeyda reer Somaliland ee sudan wax ka barta , iyadoo Markey dadku halkan soo gaadhaan dadku ay is heybsadaan waxaa dhacdey in tirro ardey halkan wax ka baran jirey oo ku kala jirey jamacadaha kala duwan ee sudan ay saameyn ku yeesheen dadka meesha soo marayo iyadoo qaar badan ay ku sii lug dareen dadka qulqulaya,
Marka aad weydiiso qofka maxaa dalkaagii hooyo ka keeney waxaa ugu horeeysey oo uu kugu odhanaya waa in aanu jirin wadankii shaqo sidoo kale ay jirto wadankii busaarad taas ayaa ugu badan dhibaatoyinka dhalinyaradu kaga yaacayaan wadankooda hooyo,
Hadaanu nahey ardeyda reer Somaliland ee sudan dhalinyaro badan ayaa u soo bandhignaa fikrad ah in ay halkan wax ka bartaan se qof ay meel u cadahey meel kale ka madow,

Waxaan talo ugu soo jeedin laha dhalinyarada tahriibka ku tallo jirta intaani soo bixin in ay wareystaan dadkii ka horeeyey ee manta yurub galey kuwaas oo xaalkoodu yahey YAA HARAGEEDII NAGA CELIYA, kuwaas oo dhibaatooyin badan ku heysato kaammaka qaxootiga ee wadamada yurub,

Waad mahadsantihiin

Dr: Fuaad Cabdisalaam Xasan Xaaji
Alzeima Alazhari university
Public And Environmental Health
Khartoum
Sudan
National04@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: