LABADA GOLE MA DIINKII LA YIDHI DAYMADA BUU DHASHIISA KU KORIYAA-BAA?

LABADA GOLE MA DIINKII LA YIDHI DAYMADA BUU DHASHIISA KU KORIYAA-BAA?

Labada gole ee umadu maxay fooda-dan taagan ee ka aloosan UDUB- UCID-KOMISHANKA oo dhan ah iyo KULMIYE oo dhan ah iskuna hayaan doorashada iyo mudo kordhinta madax-weynaha iyo ku/xigeenka la durkiyey u soo dhex geli waayeen, ee loo moodaa in ay ku nool yihiin meel aan ahayn somaliland ee ay isugu eega-yaan, miyaan xil ka saar-nayn oo ayaku aanay qaabil-sanayn sharciga la isku hayo, mise laf-tooda baa la kala safan waa yaabe, oo MADAX MUUQDDA IYO MIJO QARSOON weeye xaal-koodu, oo umada bay tusayaan madaxa oo ah meesha waan joonaa, mija-hana waxay kula kala ciyaara-yaan, ama hoos ula kala taagee-rayaan inta ay dhex taalo muranka aan soo sheegay oo iyaka baaba sacabka u garaa-caaya is haysadka quturan ee ah waran-waran ka hor gee ha is mari waayeene, haddii aanay sidaas jirin oo aanay raaali ka ahayn, maxay u dhici wayday in ay wax kala yidhaahaan, runta-na u kala sheegaan, xataa haddii aanay ahayn wax sharci ah wax la isku hayaa, in ay si deg-deg ah isugu yimaadaan oo sharci hor leh ka soo saaraan miyaanay ahayn oo halkaas lagu af-gooyo carqa-ladan bir labta ku noqotay socodkii dalku uuhore u dhaqaaqi lahaa, gole-yaashu ma waxay meesha u joogaan in ay musha-haaradda ku xasili-yaan oo keli ah.

Waxay u eeg-yihiin XINIIN-YIHII LA YIDHI GALMO-NA KAMA FOGAA-DAAN, WAXNA MA SAMEEYAAN, ee waa jinaabo ku naax, sababta oo ah way joogaan bogcada ay waxni ka dhacayaan, arkayaan, daawa-nayaan is maan-dhaafka xayiray dantii umada, waana ay ka dul qosla-yaan oo barkin weyn bay dhigteen oo shida-naaba shidan, aakhirka bisha uun bay u xaadi-raan inta ah musha-haarada, saw-maaha markaas MAXAA IGA GALAY NIN GEEL BADAN MA GAAJAAN KA CABSA-NAYAA? mise siddii diinka bay eeg-mada ku xallila-yaan oo waxay hays-taan dhen-geddii saaxirka ( magic stick), taas oo ay wax ku kala nadaami-nayaan marka ay ku fiiqaan, sida muuqatase waxay u istic-maalaan ushan in ay ku helaan inta yar ee gunada ah, waa curado baaq-saday oo aan beer baaryey kala jarin, damac haree-reeyey oo intaas miliqsi ay mala–sadaan siddii uu dhac-dhac u soo geli lahaa falaw-geed uun ku mash-quulsan oo aan abdo’ab-dadeed lahayn oo laga quusatay, sida loo fasila-naayo marka la derso xaalka ay ku sugan yihiin iyo muuqa ay bixina-yaan waxa loo qaadan karaa in sunta-ba ay iyaku qoosha-yaan, ilayn dan baa ugu jirta’e, waayo daacad hadday ka yihiin way fara-gelin la haayeen ee waanay rabin cayn-kaas oo waxa iska taagaaya faa’iidaddii ugu jirtay, sidaas awgeed waxay ku dhaqma-yaan QAWDA MAQASHII WAX-NA HAW QABAN ee iska indho tira, iska-na dhiga wax ma dareema-yaal aan ogayn waxa socda ee ah sahqada la idiin igmaday si aan la idiin canaanan.

*N.B.Meesha kama tage-yaal, wax-na kama tare-yaal.

waa abdirahman jama ahmed,
abdi-shotaly.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: