JAWAAB KU SOCOTA YAASIIN JIMCAALE!

JAWAAB KU SOCOTA YAASIIN JIMCAALE!

Waxa la yidhi nin ambaday halkuu maray way ula ekoonayde, yaasiin ma istidhi waad biyo batalaq-satay, siddii ma yeedhaanka, aniga maaha ka qabyaa-ladda wax ku wadaa, ee adaa midyo aad boodh ku gasaan-gasayso hoosta ku wata, aniga maaha ka qabyaa-ladda aad ku sheegtay, ee haday cidi ku dhaqan-tay agtaada bay taal, weligay ma caayin siilaanyo, waxna ma odhan, nin aan galab-sana kuma aflagaa-doon, ina biixise horta isagu ha is xoreeyo, oo naf-tiisa runta haw sheego, hadaad ka xun-tahay in waxa laga sheego, isaga gacanta ka qabo oo ka daa ku dheh, bannaan baad orday-saaye, miyaanu ahayn kii lahaa ANIGOO WAX DILI KARA DUCO QAADAN-MAAYO’E DEBCI QORIGU HAYFARO, MIYAANU AHAYN KII WIXII LA OGAA SAMAY-NAAYEY EE WELI-BA ISAGU BILAABAY, WIXII KA DHACAY DALKA, KII UJEEDO GAAR AH KA LAHAA,OO SI GAAR AH REERO KHAAS AH DAGAAL KU WADAY, KA DAMQADAY EE AY DAARTAY MAADAA MISE WAA ANIGA.

Siilaanyo waa hogaamiya-hayga aan u qadariyo qayro caadi,laakiin anigu ma ihi sidaadda xag jir khalad iyo saxba barbar taagan ee marka uu sax yahay waan taageerayaa, khalad-kana waan u sheegayaa beryahan dambe dhawr khalad buu ku jiray haddii aad ku raacayso iyo haddii kale,weli aniga oo ina kahin, dhego weyne, ina mire,laba tole wax ka sheegeeyaa khalad ay ku kaceen iyo aflagaado, miyaad argtay, hadana iyaba way ku jireen dagaalkii sokeeye, laakiin ceeb, af xumo, cadaawad kale, iyo is nac ay dhex dhigeen umada may jirin, isagu ilaa imika buu xaar faraha kula jiraa, ilaa uu ka baxo KULMIYE-na ha u fadhiyin in xusbi-gaasi meel gaadho aniga oo jecel AXMED SIILAANYO in uu ku guulaysto doora-shadan soo socota.

In aad adigu tahay qabiiliis-taha ugu weyn baan kugu cadaey-nayaaye, dhego u yeelo waana tan ee ku dhufo indhaha,

-saciid sulub waxan ka qoray maqaal ah… laguma dhaamo ee dhaqaaq,
-bulaali-hii dhintay alle ha u naxariisto’e……. jaantaa rogan,
– cawil ……… iska dhabaso xoolaha,

RIYAALE OO KELI AH waxan ka qoray intan maqaal ee soo socota,

-kaba-toloow ma halkaas baad ka baxday,
nimaan aabihii maaali jirin looma aamino’e,
kuma ilaawin ee ogaaw, waan soo sodaa,
reer ba.oow yaa ku leh,
indho adakaa ma bacaadaa,
allaa ku yaqaan abeeso il-weyn, waanse kuu talin,
naaleeye habac-sane hirdaa ku dhacday,
waraabe iyo waadaali haloowday kala war la’
allay kaa baday,
Intaas iyo qaar kaloo badan, oo ciidaa camayray ah, maxaad u odhan wayday waad ku khaldan tahay ee kan ina biixi uu kuu damqay hadaanad ahayn qabii-liis sidiisa, waax baa ku qudhunsan ee orod is dawee, waxa la yidhi WARAN KUGU SOO NOQON DOONA LAMA RIDEEYO ee gafuurka ma dhigay hadaba adiga iyo ina biixi,

waa la hayaa ragga i xoreeyey halka ay ka dagaala-meen kuwaas oo ah

ina koodbuur,
maxamed mooge liibaan,
ina kaahin,
ina mire,
dhego-weyne,
ian aw cali,
lixle,
harag-waafi,
xuseen dheere,
ina saleebaan weyne,
tukaale,
ina habane,
haabiil,
maxamed cali,
ina koosaar,
aadan shiine,
haybe laambad,
ina askar,
ina macalin haaruun iyo weli-ba qaar kaloo badan,

Ka aad la koodhaa-dhaysaa wuxu ahaa mid kamaradda isu dhiga inta uu habeen soo dhukuso, weli meel uu lib ka keenay lama hayo, waana lugta uu ka waki-naayo KULMIYE ee la hadhay, halkee buu guul ka soo hooyey, ceeb mooyee, iyo dharaqaan uu cunaha is qabto mooyee, soo akhriso kitaab-kiisa, waad hadraysaaye. ragga ha isku darin uma dhimo mid qudha inta kor ku qorane.

WAXA LA YIDHAHAA IMIKA “RAGGII MA ADIGAA KA HADAY”

RAGGII hogaami-naayey waxay ahaayeen, Alle ha u naxariisto’e,

ina sheekh madar, duqsi, ina sh.cali jimcaale, koosaar, axmed siilaanyo, cabdiraxmaan tuur oo ugu dambeeyey ahna kii dalka soo galay ee qabtay, ina biixi kii inta ba ka hor yimi miyaanu ahayn, kii ay ka LEDI-WAAYEY qaskiisii labaddii madax-weyne ee hore miyaanu ahayn CABDIRAXMAAN AXMED CALI IYO MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL Alle ha u naxariisto’e ee marku arkay ficilka qabyaa-ladda uu ku kala fogeeyey isaaq, oo uu yahay qof buka, oo is nac iyo cadaawad abuur ah ku dhaq-maayo, ujeedo kale-na uu ka lee-yahay waa kii ka saaray maamulka , ka dibna fadhiistay berbera ee halkaas ka soo caayi jiray,lays-kama hadlo oo cay iyo ansha xumo laguma hantaa-taco ee wax micno ah la kaalay oo farta gacanta u geli , kana istaaq-furalayso, oo xaqa taageer, marka ay khaldan-yahiina ka qabo, jooji hadaaqa iyo warka aan sal iyo baar midna lagu ogayn, edeb drao-na haw la iman ragga ee xidh af-kaagga.

Ku darso oo sidoo kale jooji diradi-raalaha aad iska hor-keenayso sida saaxiibkaa dadka ,
AXMED SIILAanyo, WAA NINKA ANIGA II SHARAXAN, EE AAN RABO IN UU GUULAYSTO,laakiin hoos WAXA u jiidaaya raggii ma adigaa ka hadhay, oo uu ka dhaqaaqi kari la’yahay.

*N..B. ninba habar baa habeen ducatoo waa halyey tidhi.
abdirahman jama ahmed.
abdi-shotaly.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: