Dadkan waashay meesha lagu wado wallee waa yaab!

Dadkan waashay meesha lagu wado wallee waa yaab!

Marka hore waxaan aad u salaamayaa dhamaan umada reer s/land inta caafimaadka qabta ee aan cuqdadu hayn.
maanta waxaan jeclaystay bal in aan wax yar ka idhaahdo hawlahan qallafsan ee ka taagan dalkeena hooyo.
oo maalmahan dad badan ay wax ka qoraan ama ra,yigooda ka dhiibtaan
hadaba waxaa wacan qofka bini aadamka ahi hadii uu hadlaayo inuu ka fiirsado oo dhuuxo hadalka uu odhanayaa inuu yahay,
wax xaqiiq ah oo caddaaladi ku jirto oo bulshada akhrisanaysaa wax ka faa,iidayso
oo aan ku salaysnayn nin jeclaysi reer jeclaysi xisbi jeclaysi laakiin cida aad dhaliilayso ama aad wax ka sheegayso waxaad ka sheegtaa wixii run ah ee ilaahay kugu ogyahay
waar waxaynu nahay dad muslim ah ilaahay waa ku waydiinayaa qofka bini,aadamka ah waxaad ku sheegasyo,

kelmada aad tidhaadaba malagyaa qoraya.
waxaa mushkilad ah hadii uu qofku garanwaayo waxa munaasib ka ah ee lagu hadli karo ee aan ilaahay lagaga fogaanayn,
iyo waxa baadil ka ah, oo aan hadalku sida xaarka isaga kaa qaban illeen hadii uu sida xaarka kuu qabto waa mushkilad oo aad iska siidayso,
waxaan la yaabay oo aan walaahay ku qoslaa qaar aan is idhi malaa ma miyir qabaan marka ay waxan qorayaan,
oo iimaankooduba ma joogo mise tolaw dadkaasi waa Faqash ka hadhkii oo waa kuwii rag badan oo kulmiye ka tirsani aabayaashood laayeen,
mise quruumo hoose iyo jinbaa kulmiye isaga soo dhiga oo ku yidhaahda kulomiye ayaan ahay oo dagaal baan ridayaa,
illeen maalin walba saxaafada waanu akhrinaa noocay tahayba oo maanaan arag meel kulmiye ku yidhi dagaal baan rabaa
iyo caruur iyo dumar la kicinaayo oo ay leeyihiin kaca,
illeen dadka caafimaadka qabaa ma arkaan meel uu kulmiye ka leeyahay waan dagaalamayaa waxaan ahayn cadaalad iyo doorasho.

waxaa hadal ugu dambeeyey hadalkii uu jeediyey godoomiyaha kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamuuud (Siilaanyo)
Mar uu ku sugnaa machadka future oo arday shahaadooyin lagu gudoonsiinaaye hadaan kelmado ka mid ah soo qaato hadalkiisii waxaa ka mid ahaa,
anagu dhibaato iyo aflagaado kale midna gaysanmayno
Markaa annagu waxaanu leenahay umadda dagaal gelin-mayno, Nabadgelyada dalkana waanu ilaalinaynaa, wadajirka umadda iyo midnimadooda waanu ilaalinaynaa, Dimoqraadiyadda waanu ilaalinaynaa.
masuuliyiinta sidaas mawqifkooda u cadaystay ee aan nabad gelyo darro wadin ayaa qaar munaafiqiin ah oo aan ilaahay aqoonin ay odhanayaan kulmiye ayaa dagaal wada. waar hoy ilaahay ha laga cabsdo oo beenta la qoraayo halla iska daayo iyo maalaaayacniga iyo naxliga
ilaahay na ha idiin soo hadeeyo oo dadka qaar baa cudur aan ogahay hayaaye ilaahay ha bogsiiyo
amiin amiin
Jaamac Cabdi Biixi
amiir_002@yahoo.com
Nederlands

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: