RAG CADAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC.MAXAA KA HADHAY XUBNIHII GUDIDA FULINTA EE KULMIYE?

RAG CADAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC.MAXAA KA HADHAY XUBNIHII GUDIDA FULINTA EE KULMIYE?

RAG CADAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC. Ilaahay baa mahad leh,nebigeenii suubanaa naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato. Akhristoow weli si qoto dheer ma ugu kuur gashay dildilaaca siyaasadeed ee sida tusbax furmay uga socda gudaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye?, Ma aragtay muranka dahsoon ee Kulmiye ku heshiin la’yahay, hogaaminta iyo hagida mabaadii’da siyaasadeed ee Xisbiga dhexdiisa?, Ma isweydiisay sababta wakhti kasta ay xubnihii miisaanka lahaa ee Kulmiye ku tabcay uga dareerayaan xisbiga?, Maxaase ka hadhay guddidii fulinta ee xisbiga talada u goyn jirtay? Akhriste adiga oon meel fogba ka dayin jawaabaha kala gedisan ee maskaxdaadu ka bixinayso su’aalaha kor ku xusan, bal ii yara kaadi aan dib kuu xusuusiyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray xisbiga Kulmiye iyo baarqabyadii miisaanka lahaa ee xisbiga u sahlay inuu si dhib yar uga soo mudh baxo ururadii badnaa ee siyaasada. Nasiib darro baarqabadaasi haddii aynaan taariikhda been ka sheegayn may helin abaalkoodii, waxay ku tacab khasaareen dadaalkoodii.. waxaana dhicisowday himiladii ay la damacsanaayeen inay xisbiga Kulmiye gaadhsiiyaan, taasoo ay markhaati u tahay qaabka aan xilkasnimada lahayn ee hogaanka xisbigu ula dhaqmay, iyo sifooyinka casabiyadnimo iyo kalitalisnimo ee uu ku ababiyay xubnihii golaha dhexe ee xisbiga ku jiray. Taasi waxay horseeday in sidii tusbax furmay ay ruug cadaayadii xisbigu mid mid uga dareeraan habeen madaw, bal maskaxdaada dib u celi mee gudoomiyihii gobolka Hargeysa ee xisbiga Kulmiye Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi)? oo isagu shirweynihii labaad ee xisbiga u taagnaa musharaxa madaxweyne ku xigeenka, muxuu kaga dhiidhiyay inuu sii joogo? bal dhadhanso ereyadii uu sida cad uga dhawaajin jiray intaanu xisbiga ka bixin ka hor (Distoorka halagu dhaqmo, xeerka xisbiga dib ha loogu noqdo, qabyaaladda iyo kooxaysiga hala iska daayo), ereyadaasi waxay ahaayeen digniinihii faraha badnaa ee cismaan-hindi ku celcelin jiray isaga oo ay u muuqatay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii aan nidaamka iyo shuruucda xisbiga la raacin. Cismaan Hindi waxa uu ahaa tusaalihii koowaad ee ay ku daydeen ragii kale. Maxaa u cuntami waayay? 1. Muj. Abdiraxmaan Aw Cali oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore, una taagnaa jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye, hadh cadna iskaga dhaqaajiyay markii uu arkay cadaalad xumo iyo wax isdaba marin 2. Dr. Axmed Xuseen Ciise : oo ahaa musharaxii madaxweynanimada ee xisbiga u taagnaa shirweynihii labaad, sidoo kalena ahaa xog hayihii hore ee arrimaha dibada ee kulmiye. 3. Cabdirisaaq Ciyaalle: Gudoomiyihii golihii dhexe ee hore isla markaana ka tirsanaa xubnaha firfircoon ee Gudida fulinta 4. Prof. Siciid Axmed Xasan: Xubin firfircoon oo xisbiga ka tirsanaa balse damiirku siin waayay inuu sii joogo. Prof. Siciid waa gudoomiyaha Jaamacadda Golis oo ku taalla magaalada Hargeysa. 5. Xil. Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi: miisaan culus oo ka baxay gudida fulinta. Xil. Maxamed waa gudoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha wakiillada. 6. Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne): Mujaahidkii mujaahidada, 7. Xasan Kooshin: Maskaxdii garabka isbedel doonka xisbiga Kulmiye. 8. Deyr Maxamed (xiniinyo dheere) oo golaha guurtida hortooda ka hanjabi jirey isagoo halhays u lahaa inuu beerka iyo kelyahaba Kulmiye ka yahay. 9. Doctor Cabdi Aw Daahir oo ay ku dhacday “meeshaa maroo muuqaa lawaa” Markuu kulmiye ku biiray ayaa sumcadiisii siyaasaddu geeriyootay. Hogaanka kulmiyena markay arkeen inaanu dad iyo duunyotoona soo kordhinayn muraayadaha ka dalacday. 10.iyo Mujaahid Cali guray oo ah xubintii ugu danbaysay ee damiirkiisu siin waayay inuu sii joogo gegida lagaga dareeray, ku darsoo waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga Kulmiye dhidibada u taagay balse uu hogaanka xisbiga Kulmiye ka soo dhawaystay xubno aan hore uga mid ahayn xisbiga. Isku soo wada duuboo isweydiintu waxay tahay side ayay umadda xasilooni raadiska ah ee reer Somaliland ugu aamini karaan masiirkooda xisbiga siyaasadiisu jahawareersan tahay, een isagoon weli dhalan kelitalisnimo astaan u noqotay? Shacabka reer Soomaalilandoow mustaqbalkaagu gacantaaduu ku jiraa. Wabilaahi tawfiiq. Jaamac Ducaale jaamacducaale09@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: