MUJAAHIDIINTII AW SANCAANI EE KA HILAACAY CAASIMADA SOMALILAND 1988 KII

MUJAAHIDIINTII AW SANCAANI EE KA HILAACAY CAASIMADA SOMALILAND 1988 KII
Sidaaynu lawada soconaba Maanta waxaan donayaa Inaan Halkan kaga hadlo Mujahidiintii ugu horeysaay ee ka hilaacdaay Magaalada Hargaysa sandkii 1988kii kuwaaso, habeen madaaw furtaay, Xaruuntii Hubka faqashta ee Birjeex Mujahidiinta habeenka Hogaaminayaay waxaa Ka mid ahaa Mujaahid maxmuud haybe godhaah, cabdi weraar, Waxaa ka gabayaay mujaahid Loodh oo wakhtigaa ku sugnaa wadan greec, gabay uu kaga hadlaayo, sanadkaa 1988kii markii aay mujahidiinta sancaani ka hilaaceen istoodhkii hubka faqashta kana furteen, cidamadii faqashta ayaa wuxuu loodh shegayaa libinta usoo hoyataay Snmta.

Kufikire fayaankaay cunaan faraca reer sheekhe
miseey filaan Inaan faqirin fiiro gaabyada
ku fikire quruun faasido filiqsan weyaan
miseey filaan qoryaha foraara idinku fiiqnaan
ku fikire furaash baydun dhigan fooq rag leyahaay
miseey filan xerta faydatee fanata buuraha
ku fikire waaydun furan Nimankii aduunyada ugi filroona
miseey filaan fariidyadii birjeex fiidka weraaraay.

Habeenkaas waxaay ahayd habeen aay dhiradeen mujaahdiinti Snm waana habeenkii aay lugaha ku qateen faqash iyo wixii soo raacdaay, Hadaba mujaahid maxamuud haybe godhaadh, oo isla habeenka ku geriyoodaay hawl galkii lagu jabsadaay istoodhka birjeex ayaa habenka waxaa isna halkaa ku geriyoodaay mujaahid cabdi weraar,

Habeenka wixii ka danbeyaay waxaa dhiranaadaay, inaay iyaguna soo galan hargeisa mujahidiintii 12aad iyo 4aad oo iyagun kala weraaray warshadii hargaha iyo saamaha, iyo qaybta, Hadaba mujaahidiintan tariikhda iyo magacweyn ku leh somaliland.

Miyaanaay ahayn shacab iyo dawladba In la xuso habeenkaas,guusha laga soo hooyooy cidamada faqashta , cali banfas ayaa isaguna ka gabayaay habeenka aay xogaaga snm jabasadeen faqashta isagoo wakhtigaa isna ku sugnaa sonahaa ethopia qaybta aay somaliland ka degaan, wana kii lahaa.

heshiiskii uu doraad galaay daalinkii afweyn shaxdu degaay midba oo degaay mala daraantiise, doqonkii oagdeenku waa kuwaa degeladiisye
ethopia dal uma haysaniyo saynka lagu duugaay
inuu yahaay dilaal buu uqiraay dulaankii shalaaye
xabashigu dantiisu arkaye tayda muu dayine
anigaba durkii laygu wadaay dabac isu rogaaye
hadaydaan daf soo odhan habeen idinka oo duubaan
sikaloon ku doono xornmo nama daweysene
dab wiixi onkodaay iyo wiixii danab is dhafayaay
dushiinaanu soo halabsanaay iyo doontii nebi nuuxe

haday malintaa nala degto oo ruux duriyada shegaan
duligaan ku nolaan lahayn marnakama darteen.

khadar xasan maxamed
daafac_qaran@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: