RAG HADUU ILMAADEER YAHAY URUURKU WAAW DOOREMARSE HADDII AAN ATTACK LAGA BAXAYN KALA AWAARE

RAG HADUU ILMAADEER YAHAY URUURKU WAAW DOOREMARSE HADDII AAN ATTACK LAGA BAXAYN KALA AWAARE
Waxaan Maanta aaynu kawada dheregsanahaay, halka aay taagan yihiin masuuliyiinti xisbiga, kulmiye maanta waxaa iska casilaay mujaahid cali guraay, wuxuu sheegaay in xisbigu uu ku xidhanyahaay dhalinyaro aaminsan qabyaalad Masuuliyiinta xisbiga kulmiye, talada ma go,yaan waxaa talada gooya wilaal yar yar oo qurbaha jooga, waa nasiib daro weyn oo ku habsataay xisbiga,kulmiye lagamana filaayn, dhanka kale maanta hadaaynu si ueegno xaaladan uu dalku ku jiro waay qalafsan tahaay xag dhaqaale lakiin siyaasada xaga arimaha dibada waxaa laga gaadhaay horumar la taaban karo, waayo wadama badan ayaa jira oo u olooleeya ictiraafka somaliland sida dalka french, uk,kenya tanzania, 7sano ka hor dalkeenu hor umarkaas muu gaadhsiisanaayn, waxaa kale oo inagu soo kordhaay diwaangalinta oo laga gaadhay iyana guul weyn waayo sanadkii ugu horeysaay ee aaynu ku taalaabsano horumar waxaay ahaayd sandkii 2001kii markii aay shacabka somaliland ucodeyeen, 79% horumarkii labaad ee aaynu gaadhnaay wuxuu ahaa, markii la sameyaay habka xisbiyada badan,oo sababteeda lahaa xisbiga hada talada hayaa UDUB, horumarkii sadexaad waxaaynu ku talaabsanaay, doroshooyinkii kal danbeyaay tii madaxweynaha, golaha degaanka, barlamaanka, iyo tan udanbaysaay, ee diwaangalinta, Hadana sidaas aay tahaay wax ictiraaf ah oo dalkeenu helaay ma jiro, lakiin hadii aaynu sabirno waan hubaa in ln layna ictiraafaayo, waayo indhaha bulshada caalamku maanta dalkeena ayaay soo egayaan, dadkeenu 7sano ka hor waxaay aad u hadalhayn jireen qabyaalada oo ah cudur xun, lakiin imika waa laga gudbaay waxaana layskugu biyo shuubtaay qaranimo, iyo dadkii oo fahamaay maanaha aay dimuquradiyada, waxaan kaloon halkan uga hambalyeeynayaah xisbiga Ucid oo kaalin muhiima ah ka ciyaaraay ictiraaf raadinta somaliland, wali lama arag engineer faysal cali waraabe oo ka sheekaynaayah qabiil, ama la shiraaya beel, marwalba oo uu ka qaybgalo munaasibad wuxuu ka hadlaa horumar wuxuu leyahay tanaasul iyo hal adeeygnimo, hamigiisa iyo himiladiisu mahaa kursi doon, lakiin waa qaranimo doon waxaanu jecel yahaay sidii aay shacabka somaliland Aqoonsi uga heli lahayeen caalamka, dhinaca kale hadii aan ka faloodo ama aan usoo dego dulucda ujeedada maqaalkaygan, Xibsiga kulmiye inoo dan mahaa hadaan ayuu Inaga turayaa, dimuquradiyadeena curdinka ah ayuu bohol ku ridayaah,Nimanka masuuliyiinta ah ee damiirka leh ee xisbiga ku jira waxaan ugu baqaaya Inaay Inaay ka diga rogtaan iskuna dayaan Inaay ku biiraan xisbiga talada haya Udub ama Ucid waayo waa ka daacad jiritaanka dalka, waxaana dhab ah sida uu shegaay mujaahid cali guraay,waxaanan rajaynaayah In ilahaay ku guleeyo talada dalka labada xisbiga dimuquradiga umadaha bahoobaay, ama Uruurka cadaalada iyo daryeelka, Ucid.

Xikmad baa tidhaahda Rag haduu ilamdeer yahaay uruurku waa dowre Marse hadii Atacka laga bixwaayo kala awaare hadii lays reer hebel saado umalayn maayo in wax hagagaayan lakiin waa in la kala awaareya oo dimuquradiyada iyo jiritaanka dalka la ilaaliya si,aaynu uga midha dhalino himilada aaynu hiigsanaayno, oo ah aqoonsiga.

Qalinkii:Cabdi Fatax XasanYare
cabdi_fatax@live.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: