MAANSO LA YIDHAA (BARBAAR) ABWAAN C/LAAHI XASAN GANAY

MAANSO LA YIDHAA (BARBAAR) ABWAAN C/LAAHI XASAN GANAY
Salama calaykum waraxma tu LAAHI.

MAANSADANI WAXAY KA HADLAYSAA ARIMAHA BULSHADA WAXAY DHIIRI GALINAYSAA DHALINYARTA MAGACEEDUNA WAA:—-

BAR-BAAR WAXAY KU BILAABANTAA SIDAN :—-

By: Cabdilaahi Xasan Ganey

Biixidayda dheer iyo
Barri aayahaygiyo
Dhalintiyo barbaartaay
Baadi doonka noloshiyo
Higsashada barwaaqadu
Yey buuro dheeriyo
Kaa tuurin boholoo
Balo yaanay kugu ridin
Bartii aad u dhalatiyo
Baydka yaanay kugu dirin
Buun laguu afuufiyo
Baaqiisa shaydaan
Haka yeelin bara kaca
Barakadiyo khayrkaad
Booramiyo hargaysiyo
Beerihii wajaaliyo
Barbariyo sheekhiyo
Burco aad ka waydeen
Waa been ninkii yedhi
Biljamkuu dhexyaalaa
Ama Paaris iyo Holand

Biixidayda dheer iyo
Barri aayahaygiyo
Dhalintiyo barbaartaay
Dhulku wuxu kugu badiyaa
Marka badarka lagu shubo
Lagu bilqo tamaandhada
Babaygiyo lafoolaha
Bu’da unuga loo mudo
Baradhadiyo geedaha
Iyo basasha dahabka ah
Lagu aaso boodhkee
Biyo lagu talaalee
Baabaco la aamino

Wadankuna barwaaqiyo
Wuxuu barako yeeshaa
Marka beerka hoosiyo
Boga laga jeclaadee
Baryadaa ilaahay
Lagu ladho bilaawee
Bisin xooga lagu daro

Arladuna badbaadiyo
Abaal waxay u bixisaa
Hadba beer nugaylkiyo
Sidaad ugu sad burisaa

Dhirtu waxay bilnaataa
Bilicdeed wacnaataa
Khayrkeedu badan yahay
Mar ka baadka laga jiro
Birtan lagu gumaadiyo
Balbalkiyo dab lagu shido

Bulsho waxay samataa
Sharaf biri ma gaydiyo
Beekhaan lahaataa
Markay dhaqanka bogatee
Waligaa bar baareey
Boqorkiyo dhaclaha iyo
Dhaantadiyo boodada
Hida baadi soociyo
Golxadkiyo bilaawaha
Haka bidin wax jaan iyo
Been ay kuu sharaxayaan

Biixidayda dheer iyo
Barri aayahaygiyo
Dhalintiyo barbaartaay
Bud dhigeena koowaad
Halka laga bilaabmiyo
Barta lagu dhaamaadiyo
Halka laga bogsoodiyo
Halka baawar laga helo
Baro waa afkeene
Dhalintiyo bar baartaay
Aduu kaagu baylahay
Yaan basiid laguu galin
Barashada shisheeyaha
Dhalintiyo barbaartaay
Alifkiyo ba’ deeniyo
Buun buuni keenoo
Erey bixin u doondoon

Bilis xaawalay iyo
Bilcaantiyo dhabeeshiyo
basra iyo ugbaadeey
xishoodkaa haween bila
Hablahana buruud iyo
Waxa bilic u hidin kara
Baydh-baydh sanaantiyo
Basarkiyo afgaabnida

Bal qabsoo jamaadeey
Burcad lagu xinaystiyo
Cusburkaa bidhaantiyo
Dheehaaga baayaca
Buufiskuna sun weeyaan
Iyo boog xanuun kulul

Gamaankaygan baydari
Walow budulka fagaxdiyo
Orodkiisa loo bogay
waxan faraska boorka ah
Jeedal daabka biro ku le
Boqontiisa ugu xagay
Haka badiyo weeyaan
Budlaw heesahaygiyo
Boor boorin taydiyo
Baanta iyo gabayguna
Bulshadadeenu deeqaw
Haka badiso weeyaan
Xumihiyo balaayadu
Haka baydho weeyaan
Samihiyo barwaaqadu
Ha balaysimaanoo
Ha bilnaato weeyaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: