CALI -GURAY WAA MUWAADIN XALAALA OO MUDAN KU DAYASHO

CALI -GURAY WAA MUWAADIN XALAALA OO MUDAN KU DAYASHO
Cali-Guray Waa Muwaadin Xalaala oo Mudan Ku Dayasho

Waxaan filaayay go’aanka noocaas ah in uu qaadan doono nin uu dhab ka ahaa xaq ku dirirkii SNM. Cali maxamed yusuf (Cali-Guray) ayaay raacday gobonimadii iyo garashadii wacnayd. Cali garshadiisu waxay siin wayday in uu holoc naareed u raro shacabkii uu shalay badbadinayay. Shacabkana waxa wax u ah ninka maalinka ay itaalka daranyihiin lexejeclaysta. Ninka aan baadilka qarin ayaa geesiga ah, xagga alle iyo xagga aadamiba walaalkaa amma xulafadaada kuu doono ha ahaade e.

Wax yaalaha uu muujiyay Cali-guray:

Mabdi’i !Waa wax qaaliya in uu yeesho qofku mabda uu difaaco oo uu ilaaliyo. Qodobkani waa mihiim haduu kalumo qofkana waxa luma dadnimadiisa iyo karaamadiisa. Siyaasigu hadii aanu lahayn mabda amma aragti siyaasadeed waxa kaluma jihada uu u soconayo, kadib waxa ay dabayshu u qaadaa maalinba meel, sida dhacda badi. Muj. Cali-guray waxa uu shacabka u sheegay in mabda’iisu yahay danta dadka iyo dalka.

Geesinimo!geesigu waa ka u hiiliya xaqqa ee uga hiisha saaxiibkii, xisbigiisa, walaalkii iyo cidkasta oo doonta qardo jeex . Hor ayuu ka sheegay intaan la isla gaadhin kursigaba si aan hadhaw loo odhan wax baa loo diiday amma kursi ayuu waayay, sida u dabciga ah siyaasiyiin badan oo marka barbar la iska dhigo qaylo oodda ka soo qaada. Xiligii ay ku haboonayd sixidu, ayuu saxay oo uu soo mandhigay dhibta jirta mana qarin, mana kula soconnin qaladkii oo ma odhan hadhawbaad gadaal ka sheegi.

Lexejeclo! Maxaa mujaahidka ka hadashiiyay? Waxay ilatahay waa nin ogsoon waxii uu dalkan u soo maray xasuusan garanaya burburkii iyo halaagii loo galay dalkan. Taasi waxa ay siin wayday in uu shaqsi kursi raadisa amma shaqsi nacaybkii in uu danta wadankiisa iyo shacabkiisa uu ilaabo. Lexejeclo laba nin kama wada qosliso. Cali lexejolo ayaa kahadashiinaysa uu jecelyahay dalkiisa iyo aragti uu arko halka sahanku ku dhacayo.

Ninka maalika daaqada laga tuuro hadla, ee yidhaah waxbaa qaldanaa, kaasi wax allaale wax uu yahay ma jirto. xaalkiisu waa nin dhuunigii laga jaray oo qayshay uun. Waxaan ku dhiirigelinaynaa siyaasiyiinta kale inay cali ku daydaan oo ay qaataan gobanimada marka ay badka taal iyo inay yeeshaan mabda siyaasadeed oo naftooda ku dhex alkuman.

Alifkii bilawga kaa qaldamaa albaqaruu ku dhiba, kulmiye waa inuu saxaa waxa ka qaldan. Ninka ku saxa markaad wax is bidaysid waa ninka kaa naxaaya, se hagardaamoole waa ka ku amaana ee dhegta kuu saaraaya inaad saxantay weligaaba.

Ninka nin qaldan dadka u amaana ee u tusiya inuu saxsanyahay, si uu midkale uga aargoosto, shacabku waa garanayaa dantaad leedahay iyo ujeedada aad leedahay. Dalba juuqadaaduna wax la dedo ka roon baan leenahay.

Cali Cawaale Cismaan

Toronto, Canada

ccawaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: