U HUBSADA HALKIINAA YAR BAA LA ISKU HAYSTAAYE

U HUBSADA HALKIINAA YAR BAA LA ISKU HAYSTAAYE
Waxa hubaal ah in ay aanay dhacdeen ta maanta taagani, ee la isku mari la’yahay haddii ay nool yihiin raggii ay u soo cuntay shilintu, ee ogaa waxay markisay, mana ay isku qabsa-deen xoolo hunada isku sheeg-sheegaysa in ay yihiin kuwii soo gaadh-siiyey halka ay marayso, waxase keenay wakhtiga markii uu le’day ama dhamaaday halyey-yadeeddii la yaqaanay maxamed cali, lixille, ina saleebaan weyne, aadan shiine, koodbuur iyo qaar kaloo badan, oo ay u hadheen kuwii laga ilaalin jiray sida INA BIIXI oo aan geyin xataa DUMAASHEEDA in uu kufsado mooyee, waa kuwa DHAADH-YEYNAAYA candha-deeda, halka ay ka dhitinay-saana waa halkaas kolba dilaal lugta, iyo adhaxdda taaba-naayo aan naf u haynini, waase iska dhawda-hay haddii ay ka heshiin waayaan in ay ummadda reer somaliland ay ku qaban doonto gacan adag oo laga muquunin doono kuwa IBO-KURYEEYEY ee laga maali kari la’yahay maanta hashii:-

* hashi uu markuu adhigu jabay, aan adhax-dana u quutay,
*ardaa boodhle mooyee, hashaan aqal ka dheeraaday,
*hashii aan aroorida cidlada cugu ugaadhoobay, ( qaaism),

Hashani :- waa ceel dad liq ah, oon fudayd loogu daadegine,
waa duhur togdheer oo rogmoo kiciyey duufaane
waa doonbir lagu oon bixiyo malabki doocaan
waa gabdh da’deed joogta oo guudka loo dabaye,
waa daraya-muuskiyo dhac-laha daado xidhataaye,
waa hal daraatiyo ogayd dakhara-deediiye,
waa hal durbaan-kii latumay diif la soo kacdaye,
waa hal ku diirsa-tay markuu waagu daalacaye,
waa hal aanu duuflaal-kuba geyin oo aanu gara-nayne,
waa gabdh in lihi guursaadaa oo gacan la siiyaaye, (HADRAAWI),

Kuwa doonaya in ay gogol ka dhaafaan, ama docdo-ceeyaan, ee ku jira 3 xusbiba, ee sida caruurta yooyoo-tamaya, waa kuwii dhaxlay reer aanay u soo halgamin ee waxay u hays-taan in ay khamaar ku heleen iyo awgul-waa-nasiibtii la ciyaari jiray ciidaha, raggii ay xaqa u lahaa QAAWANE baa ku soo baxay oo caawa way inaga hoosee-yaan gocor iyo kuwii markii ragu is hayey qaadka u doontay itoobiya ( wixii berigii talaabay-ba waxay yidhaahaan waxan ahayn S.N.M-TII) oo ah kuwii kala dilay laftooda S.N.M-TII runta ahayd, baa hadeer muluq-laynaaya hargaysa iyo burco, raba-na in ay dib ugu noqoto, KOONFUR iyo meel daran, waxa ka sii daranse kuwa arkaaya ee sii dhiiri-gelinaaya, ee kala raacsan ( waa shicibka’e), waxad moodaa in si wacan uu salydda ugu xidhan yahay shicibku, oo ay kala baaya-cayaan beenaa-layaal isku sheega siyaasiyiin kadhan walba ka soo jeeda.

*N.B.. HADAAN LA KALA ROONAAN ROOB MA DA’O,
WAA ABDIRAHMAN JAMA AHMED,
ABDI-SHOTALY.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: