MAANSO DUCO ABWAAN AXMED C/LAAHI FARTAAG

MAANSO DUCO ABWAAN AXMED C/LAAHI FARTAAG

Maansada Duco waxaan u tiriyey
Xaaji Duuliye iyo Marwdiisa Dagan
oo dhawaan Arooskoodu kadhacay Brco
By Abwaan Axmed Cabdilaahi Fartaag

dayaxoo iftiimaay
dunxariira iyo shaal
inaad tahay duriyadii
isagaa daliishoo
daahaba ka qaadee
dahaboy ogsonow
ninka duur xulkiisii
dadba kaa xushee adi
dumar kaala soo baxay
aqal laba daryaanlaa iyo
dadabta kuu dhigay
diir nimaa wadaagtaan iyo
daris kaaga weeyaan
halka doodu taaliyo
marka damasha loobaxo
raga doorka joogaba
deeqsigii uwaynaa iyo
duliyaa ku guursaday
adiguna dagmooy garo
doodayda maansada
dulucdiyo u jeedada
waxaan uga dan leeyahay
ayaan laysku kiin dirin
doqontiyo ma gartada
dab dhexdiina la shidin
waa iga dignin culus
waa iga dar daarane
daadihiya caashaqa
shaydaanku dumarkuu
yara doco doceeyaa
ha dareemin cadhadoo
dulqaad yeelo waligaa
dudmo yaanay kuu iman
digrigiyo salaadaba
dabaduun isugu hay
duug male jacaylkuye
duco weeye maansadu
allaa dunida nuurow
daayinkii na uumoow
waxaan kaa dalbanayaa
daahir iyo ducaaliyo
kuwii danabo wiil dhala
dariiqii rasuulkiyo cwm
dalkoodiyo dadkoodaba
kuwii diinta daafaca
danbi dhaaf allow sii
duleedkii tog dheer iyo
buuhoodle dacalada
dunidaba wixii nool
ayaa kuu dabaal dagay

waa duco allow naga ajiib
aamiin aamiin

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: