RIBATAYE RABOOW RUGTA NABAD KU SOO CELI!!!!

RIBATAYE RABOOW RUGTA NABAD KU SOO CELI!!!!
RIBATAYE RABOOW RUGTA NABAD KU SOO CELI!!!!

Inaka oo ka war hayna halka uu marayo muranka cakiran ee dhex-yaala KULMIYE iyo inta kale oo sii laba kacaaye, maqaal-kana bal aan ku qaadaa dhigo doono, baa waxan marka hore rabaa in aad xusuus dib u jaleec-daan wakhtigii uu dagaalka sokeeye ka socday somaliland, markii AL-LE ha unaxariisto’e madax-weynihii dhidi-bada u taagay magaca somaliland 18/05/1991 ABDIRAHMAN AHMED CALI, isaga oo ku jira guriga madax-tooyadda ee uu imika MR RIYAALE fadhiyo, ay inamo yar-yari inta ay ka gaxays-teen baabuurkii ay weli-ba cay ugu dareen, baa AL-LE janada ha ka waraabiyo’e abwaankii,geesiggii aan gaban jirin,abwaankii aqoonta, libaaxii ummadda, carrabkii wadaniga, tiirkii suugaanta, AABIHII daacadda, codkii cadaaladda la cabudhiyey, halyey-ggii u ahaa horseedka (WAA QAASIME) ee somaliland amase reer sheekh isaxaaq, uu in yar dabadeed markii uu maqalay in baabuurkii laga gaxaystay MADAX-WEYNAHII abdirahman, uu isi soo taagay, markii ay askartii u sheegtay waxa dhacay, buu isaga oo caga gubyoo-naaya, oo caloosha ka ooyaaya uu CALANKII markaas jiray ee CADAA, DHEXDUNA DOOGADA ahayd inta uu is hoos taagay la hadalay CALANKII isaga oo ka werwe-raaya in uu kana mar kale gacanta u galo KOONFUR, markii uu arkay sida xaal u socdo, abwaan QAASIM tixdan gabay-ga ah oo laga yaqaan in yar, cid wada haysa aan waayey wakhti badana aan ku qaatay in aan wada helo laakiin nasiib daro waan ku guulaysan waayey, intii aan helay-na waa tan isaga oo CALANKA war bixin ka siinaaya marxaladdii markaas joogtay wuxu yidhi:-

Calan-yahaw walha-nayaa, adaan kuu welwela-yaaye,
cadaawa-ha raggii waabin jiray, hooyde waa hore’e,
weeriyo waraabaa ka hadhay, ee waafiggii socoye,
kuwad wehesha-naysaana, waa maato wiiq-yada’e,
waayeel an weyso-ba lahayn, beena werinaaya,
oo welefka laasimay, miyaa waagan tali-naaya,
mar haddii wa sheeggii dhintay, oo wax maqal laalmay,
weyna-haa ku saacidi karee, werdiga dheerayso,
wa-tiin iyo wa-layl-tana u badi, oo wa-duxa raaci,
ana aan wisii-siga ku jiro, ciilka wada-roobay.

CODSI:- waxan si gaar ah uga codsanayaa ciddii haysa wax intaas dheer, bayd keli ahna ha noqotee, in idinka oo mahadsan aad iigu soo dirtaan e-mailkan:- abdigunbuur1@yahoo.co.uk.

Waxa la yidhi i-jiid iyo i-jiid kale waa gacmo daalis, waa hore-na haw socon dibna haw dhaqaaqin ee halkaas qutur-noow siddii qudun dhig lagu xidhay, waa-ta hadaba ka socota somaliland imika ee ay wax wali-ba istaageen, uguna wacan tahay jiitanka MAYALKA adag ee siddii HANGOOL-KII GAR-MA-QAATAHA ahaa ee aan dhana u bixi jirin, labada afba gadhka ku lahaa ee ilaa mid la gooyo aan soo bixi karayn uu xusbiga kulmiye la micne yahay, sababta oo ah wuxu diiday waan-waan kasta oo la wado iyo siddii xal lagu gaadhi lahaa, waxa la yidhi nin baa reer u soo hooday meel ban ah yaala, oo jees ah goor ay fiid tahay, isaga oo dhul dheer ka soo kici-timay,halka uu ku sodaana ay jirto tahan, reerku wax dab la saaro ama dhuunta la mariyo oo biyo ah ma haysto, oo aroorta waaberiga buu dhaan u dirayaa meel laba habeen laga-ga soo noqdo, oday-gii reerka baa ninkii ku yidhi waa naga BILAAHI in aanan haynin wax dheri laguu saaro, meel HEBLAAYO baan waaga u biyo doona-naynaa, ee bal WAXA YAR aan kuu SOLO dhiif gaajo baa kaa muuqata’e, waa cajaa’ibe afadii baa hoos ugu tidhi nin-keeddii, waar goortan wax ma qali karno’e waxad ku tidhaahaa midi-yahii baanu waynay ee iska seexo xaaji.

Markii intaas ay is waydaar-sadeen ninkii iyo gabadhiisii, baa waxa maqlay ninkii martidda ahaa oo u yeedhay labaddii qof ee is qabay kuna yidhi reer-yahaw aan wax qalano iyo midi-yaha aan qarsano ha la kala daayo isma raacaane, waayo haddii wax la biray-naayo waa in la helaa wax lagu gawraco, mida kale xoolaha idiin xaraysani iyana ma bilaa CANDHAA, miyaan wax la lisi karaa ku jirin, intaas markii uu is raaciyey, baa waxay noqotay af-kala-qaad iyo kashi-faad sir-tooddii la ogaaday,
ujeediyo haatan waxa uu KOMISHANKU uu badhka soo taagay, oo uu marada ka xayday, cidla yuurura, gees-na aan u soconayn, hadana ah hasha geela cunta ee cabaada, ciiro iyo boodh isku qarinaaya, kolba gelgeli-maysi jirjir-cadka iska rogaya, oo intu uu iska tumo siigadda weji kale la imanaaya, misana shicibka u caba-naaya siddii laga khaldan yahay, toro-rog iyo wakhti lumis ku jira oo isagu sii dheeray-naaya muda-da uu ka doodaayo ee31/05/09, kolba-na siddii SHIMBIRTII QOOLAYDA ee gidaar la NUURA-DEEYEY oo ay arkayso afka ku dhufan jirtay, dabeed ku soo dhici jirtay dhulka, la mid ah oo indha iska soo tuuraaya, xumaan iyo rebshed abuur, qaylo dhaan, bac-bac iyo kaladh-is-laac uun raba, xal aan keenayn ee la soo fadhiya, dawladda halaga dul abuur mid kale oo MADXA-WEYNUHU iyo KU/XIGEENKU hayska tageen, mid ku meel gaadh ah ha la sameeyo mudadaas yar ee dhawrka bilood ah cayn-kaas ka ku andacoo-nayaa waa XUSBIGA KULMIYE, waayo imisa jeer buu MR AXMED SIILAayo KU CELCE-LIYEY nin-kan way dhamaatay mudaddii loo doortay ee KURSIGA dhan haw dhaafo, miyaan wax is qabta,taliya,is dhaama, macquul ah, isu caqli celiya oo runta is tusa iyo wax lagu dhaqmi karo aanay lahayn XUSBIGAN fal iyo waali-ba doonaaya in kursiga iskaga soo fadhiito isaga oo aan loo dooran, kana haysan kalsooni ummadda reer somaliland, waxan ku lee-yahay caga-dhigo bilaash baad laydha u cabaysaa KULMIYOOW.

*N.B. waad qaboobiye qun-yar soo soco.
waa cabdirahman jama axmed,
abdi-shotaly

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: