WASIIRKA MAALIYADA KA DHAB MIYAA IN DADKII LA DHACAY LA CAAWIN DOONO?……

WASIIRKA MAALIYADA KA DHAB MIYAA IN DADKII LA DHACAY LA CAAWIN DOONO?……

Wacan oo wanaagsan bahda Shebekadaha.

Inkasta oo Gudida doorashooyinku ay sheegeen in aan weli sharciyan la gaadhin guda-galka u ololaynta loolanka Doorashada Madaxtooyo,ayaa hadana ay muuqata in Xisbiga Udub u bilaabay si aan qarsoodi ahayn. Wasiirka Maaliyada Mudane Cawil Cali ayaa dad waynahii budhcadu ku dhaceen Hargeisa ugu bushaareeyey in ay dhaaqaale kaabid siin doonaa Xukumada ahaan doorashada ka dib. Taasi oo macnaheedu yahay marka hore codkiina na siiya,ka dib ayaanu idiin kabi doonaa dhibka idin saameeyey. Runtii waa ku digasho hadalka Wasiirku,waayo,haddii ay dhab ka tahay oo dhibaatada dadawaynaha soo gaadhay iyo xaalufka dhaqaale ay Xukumaddu danaynayso, maxaa doorashada loo gadaalaa marinayaa Kaaalmada Wasiirku sheegay.? Miyaanse macnahu u ekayn “aan qiyaamada ku-barro’e horta-Hashaada ii-lis.?

Waxaa Wasiirku moogyahay in dadwaynahu bisilyihin siyaasiyan,si fududna aan loo qaldi karin xiligan. Waxaa kale oo uu halmaansan yahay Wasiir Cawil in Bulshada S/land aanay guud ahaan xiiso u haynin udub oo talada dalka dib ugu soo laabta maadaama ay guud ahaanba ku fashilmeen hogaamintii dalka,rejo dambena aan laga qabin

.. Haddii Wasiirka Maaliyada ay dhab ka tahay ama uu leeyahay naxariis iyo garasho uu bulshada taageero ugu fidiyo, waxaa uu u gurman lahaa ,kana xarayn lahaa Goboladda Bari ee S/land lacagta Giin-baarka loo yaqaano ee Maamulkii siyaad Barre ka tegay ee guud ahaan tabaalaysay dhaqaalahoodii,meel ay ula ciirsadaana la’yihiin ilaa hadda oo S/land tahay dal madax-banaan oo lacag iyo astaan u gaar ah leh 18 Sanno. Taasi awgeed, dadwaynaha budhcadu dhacday waa in ay ka fiirsadaan hadalka wasiirka ka soo yeedhay oo ah ku xod-xodhasho codkooda ay udub ku siiyaan,isla markaas xasuusnaandaan in aanay sal lahayn ballan qaadka ah dhaqaale kaabid ayaad naga heli doontaan marka aydin codkiina nagu caawisaan.

Waxaa kale oo Wasiirka Maaliyadu ku guuldaraystay doorkan baajinta shirkii ugu qabsoomay Magaalada Burco Beelaha wada dega oo uu u xilsaarnaa burburintiisa, ay ahaydna sida la sheegay sababbaha uu uga soo hadhay safarkii Madaxwaynaha. Dhacadan oo keeni karta in Cawil Kursigiisa ay saamayn ku yeelato,kuna waayo. Waayo kama soo bixin xilkii Madaxwaynahu u egmaday, Beelahiina shirkii guul ayuu ugu dhamaaday.

Gebegebe, dadwaynaha S/land waxaa la gudbnoon in ay codkooda u sahamiyaan doorkan,kana fiirsadaan cidda ay talada dalka ku aaminayaa. isla markaas ka taxadiran cod dambe iyo Xisbiga Udub ee aan la mahadinin hogaankiisa,kuna tacadiyey dalka iyo Bulshadaba mudadii dheerayd ee uu haatan Kursiga Madaxtooyo gacanta ku hayay.

Mohamed Adan omer.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: