RAQ-BA WAA KU RAGEEDDA!!!!

RAQ-BA WAA KU RAGEEDDA!!!!
Waxan maanta maqaal-kan doonayaa bal in yar ka idhaahdo goobta uu
taagan yahay gudoomiyaha XUSBI MUCAARIDKA ugu weyn ee KULMIYE, MR AXMED
SIILAANYO, hada-ba waxan jecela-hay inta aanan bilaabin, in aan cadeeyo
anigu in aan ahay dhex-dhexaad oo aanay jirin xusbi, nin,beel gaar ah
oo maamusha MADAXAN i saaran, daacad-na aan ka ahay oo aan rabao in
SADEX-DIINA ku loola-maaya kursiga in kii uu ummadan khayr ugu jiro
ILLAAHAY uu isagaa oge nagu ilhaa-miyo oo noo dooro, intaas dabadeed
waxan lee-yahay MR AXMED waxad ka mudan tahay reer somaliland
sharaf,qadarin, ixtiraam,, waxad istaahi-shaa, awood iyo xaq-na aad u
lee-dahay in lagu saaro kursiga oo aad fuushid maadaama aad tahay kii
isaga iyo raggii la mid ahaa ay hadh cad soo dhacsa-deen, uguna
badhee-dheen markii ay ku jirtay ADOONSIGA KOONFU-REED ee ay sida geela
ciinka daaqday, noqotay nin leh-hoow ku doono, markii nacas iyo
fulay-ba ay ka maageen ee dib iskaga taageen, ee ay ku dhici waayeen
qaar kuula simani oo imika la moodo AARKII-DABOOLE, waase yeelka-doode
AFKU-XOOGLE-YAASHA dhuuma-naayey markii dubur karin ka gashay, noqotay
YAA-MAALI-JIRAYEEY, runtaa wacane may ahayn in ay ku xagxag-taan ee in
MUQUUNO laguu siiyo marna ha noqotee bay ahayd ALLE-SE ma qadarin
cayn-kaas.

Haddiise uu wakhti keenay in ay ku dambayso sida aan kor ku sheegay oo
siddii INAN GUUR doon ah rag badani ay ilqoolaa-diyeen, gocor iyo geesi
u soo tafa-xayteen oo GUUR iyo GAABSI nin-ba wax ku dayey, weli-na uu
socdo haasaa-wihii iyo xodxoda-shaddii, waxa lagaa filayey AXMEDOOW in
aad noqoto kii odhan lahaa allaha-yoow nabad ku guri-gee ee maad ahayn
kii halka aad iska taag-tay imika afka soo marin lahaa, ninka ku
dhibaa-tooday maaha in uu ka taliyo GAWRA-CEEDDA oo aad eegto wixii
kaala soo kulmay, mar walba-na aad siddii ay u xasili lahayd facil-keed
gashid, xaaladda ay ku sugan tahay in aad ka debcisid baa kuu ekaa, ee
in aad qoolka ku sii roori-sid buuga kuma oolin, adiga-na lagaa-gama
fadhiyin dhiig-rooris in aad ku maasho, haddii ay labaddii XUSBI,
KOMISHANKII, IYO INTERPRICE isla garteen mudo kordhinta oo ay noqotay
in laga gaadh-siin waayey, wakhtigii hore loogu qabtay, oo ay sabab uga
dhigeen waa cilad farsamo ( run iyo been kay doonto ha ahaatee) in aad
badbaadin-teedda, sama-bixin-teedda, wanaag-geedda baxnaa-niso bay ku
jirtay haddii ay lexe-jeclo kaa hayso oo ay ku gubayso xumaan-teedu,
haatan-na RAGA-NIMO MEEL CIDHIIDHI AH BAY KU NOOSHA-HAYE haddii aad u
soo cabtay KAADI-DAADDA maaha in aad imika aad noqotid RIDDII la yidhi
markii ay dhashay ee la is lahaa manfac bay soo kordhisay ayaddii dib
isu jaqday.

Ujeediyo haatan waxa tahay oo la rabaa in aad GUDUNTA iyo DAABKA kala
saartid, halka aad ka garaacay-sidna aad hoos uga dhigto oo aad yeeshid
siddii ay kugu-la taliyeen wufuuddii ISWIIDHAN iyo INGIRIISKU, ee ay ku
yidhaaheen ka tanaasul majarahan adag ee aad tiiradda sii fuulayso,
raac-na dhabadda ay mareen inta kale oo xaalka ku soo dabaal nabad,
jooji hanja-baadda iyo dhaartan joog-tada ah oo saxeex go’aanka ay
qaateen inta kale, ilayn iyaba way kula qabaane, qayla-dani wax ay soo
kordhi-nayso, qaba-nayso ma jirto in aad ina maqa-shiiso caalamka way
ishays-taan, iyo sumcad xumaan mooyaane, sidaas awgeed waa in aad ka
degtaa FARAS-KAN aad kooray-say ee siddii GEEN-YADDII BUREEQA hawada
sii fana-naysa ee daruura-ha la gashay labaddii qoob ee hore, kuwii
damba-na meel dhexe ay sabay-nayaan siddii qori daad wato.

*N.B Ruqo nin lihi daba hayaa ma kacdo !!
waa abdirahman jama ahmed,
abdi shotaly..

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: