CAWIL: HADDII HADDII AAD I DOORATAAN LACAG BAAN IDIN SIIN!!!!!!!!

CAWIL: HADDII HADDII AAD I DOORATAAN LACAG BAAN IDIN SIIN!!!!!!!!

Cawil : Hadii Hadii Aad I Doorataan Lacagbaan Idin Siin!!!

Hadduu daacad hadalku kaa yahay kuma sawaxanteene hor baad ka siinlahayd naqa lacageed. Wasiir cawil waa si wanaagsan in la taakuleeyo dadka tabaalaysan. Hase ahaatee hadal ka wasiirku sida uu u dhadhamayo iyo xiliga uu soo baxayba waa kuwo ku qotoma olole siyaasadeed.

Wasiir intaanad waxba siin dadka la dhacay, aan ku rumaysanee noo sheeg

1. Cashuurtii 2% ahayd ee gobolada bari loo kordhiyay halka ay martay?
2. Shantii sanno ee inna dhaafay xisaab xidhkoodii goorman kaa sugnaa?
3. Lacagta giin baarta ee bariga laga isticmaalo ee qarashkeedii la baasgareeyay goormaad fulinaysaa?
4. Wasiir shacabka budhcadu heshay, maxaad uga war hayn wayday intii laga guranayay lacagtooda illayn waxay ka midtahay airmaha maalilyada e? mise jabbaad la maaganayd.

Intaa hadii aad run ka sheegto tana waa kaa run. Hadii kale waxay tanna gelaysaa liiskii hore. Nebi suleeymaan waxa uu ku yidhi shirbikii warka u sheegay “Waanu eegi warkaagaa, bal in aad run sheegto iyo inaad noqoto beenaale” Annaguna intii uun baan ku leenahay.

Aniga waxay ilatahay inaad ku dheeldheelayso, ku tiiqtiiqsanayso, ka faa iidaysanasid maalinba halka dadku u jilicsanyihiin, eed ku beer laxawsan karaysid. Waayo? Imika waxa laga joogaa muddo arintani markay dhacday. Ilaa intaa maxaad uga hadli wayday xataa samir iyo imaanna maad odhan. Mise imikaad soo maqashayba?

Hadaad cid aad wax siinayso qoladii la gu dhex qarxiyay madaxtooyada wax ma siisay? Iska hadlaw ina higarre. Inkasta ood odhanin waan idin siinayaa illawba illaw. ood shardi ku xidhay ood tidhi, hadii aan ku guulaysanno doorashada.” hadii! Hadii! Hadii!,

Intaa mid ka fudud ayaan kuu sheegayaa. Hadii shacabku ku dooranwaayo, lacagta way kaa saamaxayaane, ma ka degaysaa kursiga.kkk

Dadka la dhacay waxay ka jecelyihiin lacagtaad siinaysid in aad ku bixiso lacagta lagu leeyahay xukuumada ee komishaka dooroshoonku idinku qaanabayaan.

Gebo gebadii, kaadhka uu ciyaarayo cawil waa kii u danbeeyay, meelkale oo uu hud hudo ayuu waayay hala yaabina.

By Cali Cawaale Cismaan

Toronto, Canada

ccawaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: