CARRAB DALAB LEH WAA LA GARTAA, UUR DADBANSE LAMA GARTO

CARRAB DALAB LEH WAA LA GARTAA, UUR DADBANSE LAMA GARTO

Siyaasiyiintu ha ka waantoobaan ololaha ku salaysan danahooda gaar, haka daayaan dalka xaalad abuurka maldahan ee ay saxaafada u adeegsanayaan.Afka Somaliga ayuu qoranyahay dastoorku,mana aha sida ay iyagu jecelyihiin inay u jiifiyaan ee waa sida ku qeexan dastoorka. Hadaynu soo qaadano saddex siyaasi hadalo ay saxaafada soo mariyeen,tilmaana ay kaga bixinayaan aragtidooda iyo siday jecelyihiin muranka siyaasadeed ee ayagu ka masuulka yihiin waxa inoo cad inay nuxurka distoorka u rogayaan la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan.Weedho kooban ayaan ka soo qaatay war-saxaafadeedyo ay siyaasiyiintu ayaamahan ku hurgufayeen dadweynaha ka daalay danaysiga xag-jireenka ah,waana sidatan:

1.Madaxweynaha iyo ku-xigeenka waxa lagu bedeli karaa uun geeri iyo Madaxweyne iyo ku-xigeen doorasho ku yimi,distoorku sidaa ayuu qorayaa,sidaa waxa yidhi wasiirka maaliyada Mudane Cabdillahi X.Ducaale mar uu saxaafada la hadlaayay.

2.Wixii Shuruuc ah ee laysku qabto ama lagu murmo ee Dastuurka ku jira fasiraadooda u xilsaaran tahay Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah, go’aanka ugu dambeeyana Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa iska leh.Sidaa waxa ku dooday wasiirka qorshaynta Mudane Cali Ibrahim,mar ay waraysaty hadhwanaagnews isagoo ku sii jeeda shir lagu qabanayo dalka Jabuuti.

3.Golayaasha sharci dejintu haka taliyaan cidii dalka doorashada gaadhsiin lahayd kadib dhamaadka muddadii madaxweynaha iyo ku-xigeenka oo ku eg 06 April 09,sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Mudane Ahmed Mohamed Siilanyo.

Murakan haatan ka aloosan muddada u dhaxaysa dhamaadka 06 April 09 oo uu dhamaanayo sannadkii ay golaha guurtidu u kordhisay Madaxweynaha Mudane Riyaale iyo ku-xigeenka Mudane Ahmed Yusuf ilaa 31 May 09 oo ah maalinta ay komishanku u cayimeen doorashada madaxtooyada. Waxa hadaba laysla qirayaa komishanku inay ka masuul yihiin muddayntan ay ku dhawaaqeen inaanay xeerin dhibta ka dhalan karta hadiiba ay daacad ka ahaayeen.Waxaanay abuurtay muran culus oo distoorkana hays u yeeshay.Hadaba hadii siyaasiyiintu mucaarid iyo muxaafidba leeyihiin afka Somaligu waa mergi oo hadba dhinaca la doono ayaa loo jiidiyo, waddaniyiinta dalka lexojeclada ka qabaana waxay leeyihiin distoorku wuu cadeeyay ee halaga daayo xeeladaha xaglaysan,Shacabkana halaga daayo lurta iyo lugooyada. Erayada iyo weedhaha uu adeegsanayo qodobkan 39 ee distooriga ah waa sidatan:

GOLAHA WAKIILADA

QODOBKA 39AAD

TILMAANTA GUUD EE GOLAHA

Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakil ah dadweynaha; waana Qaybta laad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka.

Waxa qodobkan erayada ugu danbeeya caddaynayaan inay golaha wakiilada xil ka saaranyahay ogolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hogaaminta dalka.

Bal qodobkan 83 (3),(5) isagana erayada iyo weedhaha uu adeegsanayo waa sidatan:

QODOBKA 83AAD

HABKA DOORASHADA

QODOBKA 83AAD

HABKA DOORASHADA

1. Waxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Iagu dooranayaa qaabka doorashada guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah iyaga oo isku lammaan.

2. Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa Ia qaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.

3. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed.

5. Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto

Qodabkaa (5) ayuu cuskaday golaha guurtidu markay 1sanno u kordhiyeen Madaxweynaha iyo ku-xigeenka,ba-qabsoo may jirin nabadgelyo darro dalka ka taagnayd balse habsocodka danta guud ayaa sidaa loo yeelay.Hadaba qaybta (3) ayay ku doodayaan xisbiga UDUB,waana halka muranku ka taaganyahay.Balse kani waxuu ka tarjumayaa muddada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka loo doortay inay dalka hogaamiyaan oo ah 5sanno,loona dhaariyay,markay shantaasi dhamaatayna ee 1sannadka guurtidu u kordhisay way ka baxsantahay muddada dhaarta madaxtooyada oo ah 5ta sanno ee codayntu shacabku u xaddiday.

Muddada xilka hogaaminta ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenka waxa inoo qeexaya qodobkan:

QODOBKA 88AAD

MUDDADA XILKA

1. Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka bo dhaariyo.

2. Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.

Waxaa halkaa si cad qodobkani inoogu qeexayaa muddada shacabku ku doorteen

codkooda Madaxweynaha iyo ku xigeenku inaanay ka yarayn kana badnayn 5sanno,iyo inaanay wax ka badan 2jeer hogaanka qaban karin.

Hadaba erayada iyo weedha qodobkan 88(1) waxuu qeexayaa meeshana ka riixay kana saaray inay

madaxweynaha iyo ku xigeenka uun ay bedeli karaan madaxweyna iyo ku-xigeen doorasho ku yimi.

Waxaa sida cadceeda inoogu cad dhamaan qodobadani inay is-wada sharxayaan si fiicana u qeexayaan xalka maanta muranku ka taaganyahay,hadaan aanay jirin xaalado kale oo u xaglinaya dhinacaa muqdisho.

Waxan u soo jeedinayaa 3da xisbi qaran inaan distoorka muran la gelin,lagana dhigin mergi sida ka

muuqata hadalada aad ku hurgufaysaan saxaafadda dalka.Waxaana loo baahanyahay qasabna idinku ah siduu shacabka xilka nabadgelyada hayaa rabo oo ah inay 3da xisbi qaran iyo komishanku si dhakhso ah fadhi wada hadal u yeeshaan,dhinacna isaga riixdaan damaca siyaasadeed ee aad sida qaloocan u kala jiidanaysaan,dalkana haadaan ka tuuri karta,xooggana saartaan danta guud iyo wejiga ugu deggan ee xalka muddadaa yar ee labada goorood u dhaxaysa isula meel dhigi lahaydeen.Waa hadii labadiina dhinacba inuun lexojeclo dalka idinka hayso,ogaadana marxaladaha qaarkood inaanay shacabka ka suurta galayn inay danahiina gaarka ah ka hormariyaan dalka,waa habeen xalay tagay ee taa haku riyoonina. Xad ayaa jira shacabku aanu dhaafi karin.Markaa dalka dejiya oo ka daaya hagardaamada iyo loolanka sida gurracan ee aan dani dalka ugu jirin isugu oorinaysaan.

Waxan ku soo afjarayaa una sheegayaa 3da xisbi qaran iyo komishanka:
Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama gartoþ.

Somaliland guul.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: