BARRE WARSAME IYO MAXAMED SHUGRI MIYAANAY AHAYN KUWII LAHAA ANAGAA HARGEYSA ISKA LEH REER BURCO….

BARRE WARSAME IYO MAXAMED SHUGRI MIYAANAY AHAYN KUWII LAHAA ANAGAA HARGEYSA ISKA LEH REER BURCO….

Marka hore waxa aan salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah bacda salaan qaali ah, waxa aan todobaadkii ina dhaafayba aan la socday oo aan si fiican uga dharagsanahay wararka ka imanaayay dalkii gaar ahaan waxa aad ii soo jiitay ama aan u xiiseeyay oo ii cajab galiyay markii aan arkay ciwaanada ku soo baxaayay shabkadah ee sheegaayay in uu shir u furmay beelaha wada dega magaalada Burco, gaar ahaan galbeedka Burco iyo Bariga magaaladaasi, isla markaasina uu shirkaasi ku soo gabo gaboobay is afgarad iyada oo labada reer ee wada dega magaalada Burco ay soo saareen baaq wada jir ah.

Horta wax xumaan ahi kuma jirto hadii ay dad magaalo wada degani ay inta ay shiraan ay aayahooda ka tashadaan oo ay ka shaqeeyaan wanaagooda iyo mustaqbalkooda isla markaasina ay isku duubnaadaan taasi waxa ay keeni kartaa deegaankooda oo wanaagsanaada iyo iyada oo wax badan loo qabto dadkooda, hadaba markii aan eegay shirkii Burco oo aan dhuuxay waxa iiga soo baxday in uu ahaa shir la majaro habaabiyay oo la siyaasadeeyay, tusaale ahaan waxa shirkaasi ka soo qayb galay dad ayna waxba ka khusaynin oo rabshad iyo buuq uun u socda oo beenaalayaal ah, taasi oo markii aan darsay ama aan waraystay waxa dadkaasi ugu wacan inta ay deegaankooda ka yimaadaan ay deegaan kale oo u baahan wax qabad ay ugu dul ciyaaraan.

Hadaan u soo dhaadhoc dulucda maqaalkaygan, waxa aan la yaabay raga gobolka maroodi jeex ee Hargaysa ka yimid, ee magaalada Burco shirka kaga qayb galay ee galbeedka Burco sheeganaya ee danahooda gaarka ah ku wata in ay waxani sameeyaan, kuwaasi oo maqaaladayda danbe aan si gaar gaar ah ugaga hadli karo gancasiga iyo siyaasada la is dhex dhigaayo, taasi oo aanan hada ka dhawaajinaynin ee aan ka hadli doono markale.

Maxamed Shugri iyo Bare Warsame, waxa ay ahaayeen ragii xiligii doorashadii golaha wakiilada lahaa Hargaysa nin galbeedka Burco u dhashay iskama soo sharaxi karo oo Hargaysa cid aan anaga ahayni iskama soo sharaxi karto, taasi oo uu Maxamed Shugri uga baxay UDUB, oo uu ka ahaa xubin mihiim ah, taasi oo uu taageero kaga haystay Suldaan Xasan Bare Warsame iyo inmada yar yar ee uu horboodaayo oo danaha gancsi uu maan habaabiyay, waxa iga daadagi wayday sida ay u suurtoobayso ama ay caqligooda u siisay nimankani lahaa Hargaysa anaga mooyee cidkale iskama sharaxi karto ay maantana u yidhaahdaan angaa galbeedka Burco matalayna oo reeraha dega shir la galayna oo heshiis la saxeexanyna, taasna waa in ay ogaadaan Maxamed Shugri iyo Bars Warsame in ay ku jiraan khalad ay ka galayaan dadka wada dega magaalada Burco.

Aniga oo qormadayda danbe kaga hadli doona raga uu Kulmiye gancsi dhaqaale u sameeyay oo lagu soo kiciyo ama diro umada in ay wax yeeleeyaan waa laa ilaa sadex nin oo aan mid mid ugu soo qaadan doono maqaalkayga labaad, waxa aan ku soo gabo gabynayaa qoraalkayga Bare iyo Maxamedoow waanu idin ognahay u jeedadiina ama Burco been ka soo sameeya ama Hargaysa anagaa isla leh oo cid aan anaga ahayni iskama soo sharaxi karto dhaha waa wax idiin yaala wax kasta oo aad kasbataan la idinkamana saamaxi doono.

Siciid Faarax
Saudi Arabia
siciidfaarax99@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: