WARAAQ FURAN OO KU SOCOTA SULDAAN CISMAAN SULDAAN CALI MADAR

WARAAQ FURAN OO KU SOCOTA SULDAAN CISMAAN SULDAAN CALI MADAR

Waraaq furan oo ku socota Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar
Anoo runtii ka cudur daaranaya inaan halkan ku soo diro taas oo ay igu keliftay anaga oo Suldaanka wax xidhiidh ah lahayn.

Waxan marka hore salaanta Islaamka ku salaamayaa Suldaan Cismaan Suldaan Cali oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha GalbeedkaBurco dega

Isla markaana uu yahay Suldaanku Salaadiintayda waxan jeclaaan lahaa Suldaan Cismaan Suldaan Cali inaan laba su’aalood waydiiyo.

Balse inta aanan su’aala u gelin waxa jirtay in uu Suldaanku qurbaa soo yara gaadhay khaasatan Gobolkan England magaalo kamid ah oo la yidhaaho Bristol Suldaanku runtii jaliyada magaalada Bristol si fiican oo xushmad iyo karaamo xanbaarsan ayuu ula hadlay.

Sida darteed Suldaanku waxa uu sheegay inuu saddexda xisbi qaran ee ka jira Somaliland inuu u dhaxeeyo oo aanu midna ka mid ahayn iyadoo taasi jirto waxa beryaaba websadyada Somaliland khaasatan kuwa afka Kulmiye badanaa ku hadlaa waxa lagu daabacaayay beryaaba in Suldaan Cismaan Suldaan Cali uu kalin wayn kaga jiro xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye.

Runtii isaga oo muwaadinku leeyahay ikhtiyaar hadana waxa muhiimadu ay tahay Suldaanku hadalkii uu yidhi iyo hadalkan ku qoran websaydada inay iskhilaafayaan
Hadaba aniga oo raba inaan su’aashaa waydiiyo Suldaanka ma nooga jawaabi kartaa 2 daas eray ka run ah?

Su’aasha kale
Suldaan Cismaan waxan waydiinaya inay 2 beelood oo Burco wada degaa shir beryahan danbe uga soconayeen shirkaas oo qodobo lagu soo afjaray bal hadaba qodobadii mid ka mid ah ayaa wuxu dhigayaa inay 2 beelood mid ka mid ahi hadii damaaci siyaasadeed galo inay beesha kale ku taageerto.

Islammarkaana qodobkaas oo sidaa u qoran Suldaan Cismaan Suldaan Cali uu damiina qaaday kuna saxeexan yahay magaciisu.

Hadaba aniga oo runtii muwaadin Somaliland ah oo respect garaynaya manhajka uyaal Somaliland miyaan la odhan karin wuu ka hor imanayaa qodobkaas lagu heshiiiyay ee Suldaan Cismana uu damiino qaaday Dastuurka Somaliland.

Waxan ugu danbayntii ka codsanaya Suldaan Cismana Suldaan Cali haduuu arko waraaqdaydan inuu si buuxda noogu faahfaahiyo aad baan kuu salaamayaa marlabaad Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar

ASC WR WB.

Qalinkii:Mustafe Omar Hussein

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: