WAA MAHAD AL-LEE MUEUQ YEELA-NOO WAAN IS MUUJI-NEE!!!!

WAA MAHAD AL-LEE MUEUQ YEELA-NOO WAAN IS MUUJI-NEE!!!!
WAA MAHAD AL-LEE MUEUQ YEELA-NOO WAAN IS MUUJI-NEE!!!!

Waa mahad al-lee maanta-ba dunida, ka mid baynu-nee,
maga-ceena iyo, madaxeen bannaan,

waa mahad al-lee maatadda kuwii, ka maroorsan jiray,
maanta-ba hadday mayal-kaw qabteen,

waa mahad al-lee maaloo-tigii, meesha daran ka yimi,
maanta-ba hadday, iga mildhaa-bayaan,

Galada-ha ilaahay ka badan geeda-haa baxaye, guulu-huu inoo yeelay baan idin garwaaq-siine,iga gura dad-yahaw murtidan waan godla-nayaaye, waa in aan ka soo qaatay gabay uu tiriyey ninkii la odhan jiray MAD MULLAH( INA CABDALLA HASSAN), isaga oo ka sheekay-naaya nimcadda uu EEBBE inagu mutays-tay iyo sida aan bani’aadamku aanu u qirayn, ee uu indha -ha isaga tuuraayo, iskuna maaweeli-naayo dhalan-teed iyo wax aan SAKAARO ka biirsan, hada-ba waxan u doortay in aan bal barbar dhigno, qiima-ha ay lee-dahay QARAN-NIMADDA SOMALILAND, micnaha ay inoo samay-nayso, halka laga keenay, waxa ay soo martay, cudur, dil, dhac,burbur, xaaqid, xasuuqid, gawrac, qax,bara-kac iyo balanbal,dhiig iyo xinjiro burur lagu fool-dhaqdo oo waa-berya-ba joogta, budhi-fur,kufsad, xaqi-raad, quudhsi la yaso siddii ay ka hoosee-yaan intii kale ee uu inaga dhaxayn jiray magacii lagu sheegi jiray SOMALIYA dhaqaa-lihii ummadda ay lahayd xoolo, duunyo, mood iyo nool inta-ba oo xididka loo saaray, KAAF-IYO-KALA-DHEERIDDII ka taag-nayd, xadhig iyo shaqo ka qaadid lagu sameeyo dadkii u dhashay SOMALILAND oo xataa ka meel ku magacaa-bani aanu lahayn wax awood ah ee uu yahay MAGAC-U-YAAL qaab sawir leh oo dadka REER WAQOOYIGA loo maqaar saari jiray, lana odhan jiray HEBEL IYO HEBEL baa dawladda idiin ku jira ee maxaad rabtaan kuwaas oo askari yari uu farta ugu yeedhi jiray.

lama soo koobi karo wax-yaaba-ha dad-nimo xumaan-ta ah ee ay ka soo dhex siiba-tay ee lama ilaawaan-ka ahaa markii ay qorigga qaada-tay ee ay arag-tay in aanay ka fursan-doonin dagaal lagu hoobto, lagu-na kala baxo, la ogaado wax aan indha-ha laga duwi karin, la is diid-siin karin ee khasab inagu tahay in aan GADOOD-NO, taas oo dhalisay XORNI-MADDII uu ku dhawaaqay ALLE HA U NAXARIISTO’E MADAX-WEYNE CABDIRAXMAN AXMED CALI kaas oo ah SOMALILAND, oo weli-ba halkii aan ka odhan lahayn AL-XAMDU-LILAAH aad moodo in aanay inoo qudh-qudh-sanayn-ba ee aynu nahay AWR-MADOOBI-ABAAR-QOOQ,weli-na uu dhul-dhaceenu aanu ku fadhiyin miisaan culus oo uu yahay nin buka BOQOL-U-TALISAY,waxay soo gebi dhacdo-ba, rafad iyo gurguu-rasho ay jilba-hu jiitan-ka dhulku hoolo-ba, beerka jiido siddii ay tahay xamaa-rato aan cago la hayn ee bogga bacaad kululi dhiig roori-yaba, oo ay mililka nabaradda caloosha iska duug-toba, waxay dugul-madoo-baato dawo iyo dhakhtar la’aan oo sun iyo boog hurgu-mootay ay isku bugsato-ba, waa ILAAHAY-MAHADDII in uu maanta CALAN u taagan yahay, nabad ku daaqayso, oo aan la sinahay aduunyo hore iiiga tagtay waa halkii uu la-haa maxamed saleebaan:-

DHARAARTAN ASAAGAY DHINAC GALAYEE, KU DHERER-SADAY SAW MA SOO DHICIN,
DHARAARTII XAQAYGA LAY DHIGAYEE, LAY DHIIBAAYEY SAW MA SOO DHICIN,

Tii aan is eednay-na( SOMALIYA) ay i soo daba HANGALAY-SANAYSO, oo aan ku lee-yahay HAYGU TIIRSAN LAANGADHE, kolba-na ay halaq laba afle ah uu dalqadda u ridanaayo rjo-na aanay lahayn ee ay dabar go’ ku dhaw-dahay, waa tii uu lahaa TIMA-CADE, waaxyo eebbe kala weeciyaa, malaha waan-waane, shaki la’aan waa run oo ma jirto wanaag ay ku kulmaan iyo wanaag dhex maraa-toona,

Waxan soo guclee-yaba (SOMALILAND), nabsi-bixii waan helay oo waxan u aayey MIINADDII AAN ISKU XIDHAY, hada-ba maanta waxan kol-ba jaran-jaro soo koro-ba, mid ila dhacda, mid ila liicda, qaar ila janjeedh-sada, kuwo aan ka dul boodo, kuwo ila go’a iyo in badan oo aan farsamo ku maro-ba, waxan imi maraxalad aan ku faano, oo MAGAC, MUUQ,TAMAR,TAAG,KARTI, MURUQ IYO MAAL, XORNIMO, DIMUQ-RAADIYAD, DISTOOR, ay maaulo kala duwani ii dhisan yihiin, nina aanan daba fadhiyin, weli-ba sidaas la igu majeerto, hor-moodna aan u ahay kuwa ilaa maanta uu sharciga u soo sameeyo MR KII-MOON( XOG-HAYAHA UN-TU) nin gabayey baa yidhi:-

xamaddi mahad xigaal iyo toliyo,
xidid hadaan yeeshay,
Waa nimco ALLE waana in aan ku shukri naqnaa halka aan ka lisayno iyo horumarka aan ku talaab-sanay oo ah mid aan nina hoos u eegi karin, ee uu cadaw dibnaha uu cunaayo, way jiraan dhaliilo, waase waxa aan ka gudbi karo, ciila kuma qabo ee faraxd iyo niyad wanaag baan ka sii qaadaa marka aan jaleeco QAYR-KAY oo ah SOMALIYA oo qusul hoose ay abeesooyin kala booba-yaan miciyaha soofeeyey, anna maalin-ba-maalita ka dambaysa sare u sii kacyo, waxa-na ugu dambaysay BOOQASHADAN uu madax-weyne MR RIYAALE uu ku yimi INGIRIISKA soona dhaweeyey WASIIRAL-KHAARAJIGU runtiina muujisay qadarinta aan ka lee-nahay caalamka intiisa kale, weli lama arag intii dawlad laga dhadhabay koonfur ilaa ayaantii AF-WEYNE aan erinay, mid qudha oo yimi ama la kulmay madax sare oo ka tirsan U.K marka laga reebo CABDILAAHI YUUSUF oo u iman jiray dhakhtar, isna uu cunay BIISHKU, waxa aan xubin joogto ah ka nahay URUKA BARWAAQO SOORANKA BOQOR-TOOOYADDA INGIRIISKA, iyo hawlo kala oo aad u muhiim ah, kana mid yihiin cadaadis uu saaro wadano aduunka ka mid ah si ay inoo ictiraafaan, sidaas awgeed dadka leh wax lama qaban oo meesha waa la iska fadhiyaa, oo xoolaha ummadda uun baa lagu cunaa waa in ay EDEB samee-yaan
waxaa ay ummadda reer SOMALILAND idin faraysaa haddii aad tihiin madaxdda ku hirdi-maysa KURSIGA, istaaq-fura-laysta oo ILAAHAY ku shukri naqa waad IS OGAY-DEEN XAQI-RAADDA AAD QABTEENE, joojiya qulquladda iyo rebshed abuurka oo si wacan taladda ugu heshiiya, haddii kale miyaa IDINKA BAA CIRKA ROOB KU OG.

*N.B Gurya-samo alaha-yoow, gar-gaar wacan alaha-yoow.
waa abdirahman jama ahmed
abdi-shotaly..

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: