AWR KALA GUURTAY UURAR KALA GUUREY BAA KA XUN……………

AWR KALA GUURTAY UURAR KALA GUUREY BAA KA XUN……………
Hadii siyaasadda lagu kala baydho maaha in dalka haadaan laga tuuro.Damacaaga hogaamineed maaha ku durduri dadka iyo dalkaba.Dabinada aad xidhaysaana maaha dumi dimuqraadiyada curdinkaa. Dabaylaha siyaasadeed ee ay UDUB iyo KULMIYE hurgufayaan allahayow doobir doobir doobir,dadweynahana uurarkooda walaalee.

Dalkan Somaliland ee soo maray daadadkii siyaasadeed ee xajiimaha badnaa,rabbi iyo raggna u kacay ee raysku u soo baxay, ma laga yaabaa lixda (6) nin ee shaashka libaaxa iska kiciyaa inay shacabka siigo ku kiciyaan.Waa 3da UDUB, Riyaale,Ahmed Yusuf,Cawil iyo 3da KULMIYE,Siilaanyo,Muse Biixi iyo Gaboose. Maxaa ka horjooga inay si miyir qabta damacooda siyaasadeed u dalandooliyaan ee ay dhamacda kulul dadweynaha ugu dhex daadinayaan.Maxay dib inoogu celinayaan dayrkii beelaysnaa ee aynu dayr hore ka guurnay. Waa maxay is-daba yaaca beelaysan ee Burco dadweynaha lagu kala soocayaa,ka horna Berbera beelaha loo kala qoqobay.Hadaan lixdaa nin layska qaban meel dheer ayaa laga raadin.Waxan la hadlayaa inta danaysa dalkan iyo dadkan ee inuun dareen waddaniyadi qalbigooda ku hadhay.

Dadyahow waxaad tihiin waddaniyiin siman,dan guud ayaa dunta isugu kiin xidhay,siyaasi dan gaar ah wataa yaanu dib idiin celin,haku kala durkina damaca xisbiyada ee kala duwan.Waad aragtaan dhibaatooyinka ka soo ifbaxaya Komishanka doorashooyinka,xisbiyadan xaalkoodu noqday mudac mudac ku taag,waad aragtaan ayadoyna gaadhin goortii ololaha durbaanada ay gobolada ka tumayaan,intaa waxay u dig iyo dam leeyihiin waa codkaaga,dalka dan kama laha,doontooda ayay maal iyo muruqba doonayaan inay ku meel mariyaan. Dhawaaq kale ayaa baxaya,waa dhinaca Xamar,midba ka kale ayuu ku xajiimaynayaa,macal cune muuqan doonaa,xisbiga u hanqal taagaya dhinacaas hortiina ayuu iman,haku degdegin ee codkaagu inuu dayr kaa xooro.Deganaansho iyo miisaan u yeel kala doorashadaada danta guud.
Doorasho xalaal ah ku dadaal inay dalka inooga qabsoonto,kana digtoonow dabanida laguu daadinayo. Waxa doorkan muuqda xisbiga UCID inuu baal dahab ah yeeshay,kana fayaw-yahay dibindaabyada dalka loo gaysanayo.Dadweynahuna waxay u baahanyahay isbedel dhab ah,taasina waxay ka muuqataa siyaasiyiinta cusub ee aan dalka hore wax xil ah uga soo qaban.Waxaana haboon,danta guudna ku jirtaa inuu dalku xisbigaa UCID tijaabiso.Waa xisbiga keli ah ee aynu ognahay ku dhiganaanshihiisa qaranimo,kana fog laabashada dhinacaa muqdisho.Dani waa seeto ee qaranimada Somaliland xisbiga UCID ayaa u dan ah.

Gudoomiyaha komishanka ayaa dantii guud maanta dushiisa saarantahay,interpeace waa hay´ad u adeegta soo celinta midnimada Somaliyeed,danta ay Somaliland ka leeyihiina maaha xaqiijin gooni isu taageeda ee waa mid gobol,waxay ka mid tahay mashruuca ay u dhiibeen deeqbixiyaasha innaga taageeraya habsocodka dimuqraadiyada ee gobol,talo-galkooduna yahay mashruuc guud oo ay ugu talo galeen dib u soo celinta midnimada Somaliya,waa dabin qarsoon oo loo baahanyahay inaad iska garataan. Waa mid looga baahanyahay komishanku inuu taa fahmo, hawshana isagu gacanta ku dhigo,una daba fadhiisan interpeace. Kala soocida diiwaangelinta waa qodobka ay doorashadu ku xidhantahay,markaa komishanku waa inay si miisaan leh u hubiyaan ku shubida serverka iyo kala soocida danbe ee serverka soo saari doono,waa inay hubiyaan kana baaraan degaan intaanay shacabka u soo gudbin. Gacmo wada jir bay wax ku wada gooyaan.

Dadweynahana waxan uga digayaa hadaad kala raacdaan lixdaa nin ee aan tilmaamay ogaada Awr kala guurtay uurar kala guuray baa ka xun.Dalkuna maanta waxuu u baahanyahay uurar nabad u wadayaal,iskuna dann ah.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: