WAA GEF IYO WAXBA KAMA JIRAAN DANTA S/LAND AYAA KU JIRTA COLAADA KOONFUREED

WAA GEF IYO WAXBA KAMA JIRAAN DANTA S/LAND AYAA KU JIRTA COLAADA KOONFUREED
Wacan oo wanaagsan bahda mareegaha warbaahinta.

Warbaahinta qaar ka mid ah ayaa sheegay in Mudane Madaxwayne Daahir Reyaale Kaahin yidhi ” Rejadda Somaliland waxay ku jirtaa mushkuladda Soomaliya oo sii jirta ama sii murugsanaata.” Maan rumaysnayn ka hor shallay oo idaacadda VOA dood qiimo leh oo ka socotay lagu cadeeyey in eraygaasi sugan yahay, kana soo baxay Afka madaxwaynaha Jam. S/land Mudane Daahir Reyaale.

Runtii waa aragti qaloocan oo ku liddi ah dadnimada, islaamnimada, iyo soomalinimada intaba,waana eray gef culus ah in rejoda soomaaliland lagu sawiro mid ku jirto dhibaatada,dabka iyo holac halakeeyey ummada muslimiinka ah, isla ah walaalaheen soomaaliyeed ee Koonfureed.

Waxaa iyana culayskeeda iyo godobteedaba leh in uu ku dhawaaqoay Madaxwayne la doortay oo Dal iyo Ummad karaamadooda iyo magacooda huwani. Waa kii u gurman lahaa,kana qayb qaadan lahaa dadaalka dalalka Africa iyo Caalamku ugu jiraan deminta Colaada riiq-dheeraatay ee aafaysay Soomalida Koonfureed.

Madaxwaynaha weedhiisu, waa arrin mudan in a raali gelin ay ka bixiyaan Waxgaradka, Xisbiyada Qaran iyo Culima-u-diinku somaliland,walalaheena Soomaali-koonfureedna loogu duceeyo in eebaheen is-fahan siiyo,colaadana ka qaboojiyo.

Danta Soomalilandna waxa ay ku jirtaa Koonfurta Soomalia oo dawladd iyo xasilooyini ka hana qaado insha allah,ka dib si hufnaan iyo walaaltinimo ku jirto loogu kala baxo wixii dano ah ee ay lagama maarmaan tahay in laga wada hadlaa mustaqbalka,caliguna shaqeeyo.

Aragtidan Madaxwaynahu waxay ka turjumaysaa garashada gaaban ee Madaxtooyada iyo hogaanka dalka,waxaana bulshada soomaaliland looga baahan yahay in ay ka feejignaadaan in Xisbiga Udub ku noqdo Kursiga shan sanno oo dambe maadaama uu yahay hogaan fadhiida ah oo ku fashilmay taladdii dalka ee loo egmaday dhinac kasta. Waxaana murti soomaliyeed ah “Mar i-dage-alle ah dago-marlabaadse aniga ayaa is-dagay.” Taasi oo macnaheedu yahay in dadwaynoow haddii mar dambe codkiina Udub Kursiga dib ugu fadhiisto in idinku is-dagteen.

Waxaanan u rejaynayaa in Bulshada Somaliland ilaashato nabadgelyada iyo horumarka Eebawayne ku manaystay,kuna xamdiyaan,kana taxadiraan xeelahada Xukumadda ee ah qaybi oo Xukun iyo beel-beel ku dhufo si cimri-dherar Kursi u sii jiro.

Mohamed Adan Omer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: