HAMBALYO KUSOCOTA AROOSKA JAMAACIGA AH EE HARGEISA KA DAHCAY IYO TELESOM

HAMBALYO KUSOCOTA AROOSKA JAMAACIGA AH EE HARGEISA KA DAHCAY IYO TELESOM

HAMBALYO KUSOCOTA AROOSKA JAMAACIGA AH EE HARGEISA KA DAHCAY IYO TELESOM

Hambalyo kusocota arooska jamaaciga ah ee Hargeisa kadhacay iyo TELESOM

Marka hore waxan ugu tahniyadaynayaa guurkaasi sida wanaagsan loosoo agaasimay una dhacay sida sharafta leh ducadii Rasuulka (S.C.W) ee ahayd “Baaraka ALLAHu laka wabaaraka calayka wajamaca baynakumaa bilkhayr aw filkhayr”

Intaasi dabadeed waxan mahad ballaadhan usoo jeedinayaa shirkadda TELESOM oo iyadu isuxilqaantay qabsoomidda hawshan qiimaha badan leh ee lagu aas aasay 21-ka qoys ee Muslimka dhidibadana loogu taagay reero kusoo kordhay bahwaynta islaamka ah iyagoo dhammaantood kasoo kicitimay xaaladdii dhallinyaranimo unasoo gudbay xaalad SAYNIMO, waxan leeyahay shirkadda TELESOM waa hormuudka nolosha sannadkan 2009 iyadoo aan wali xaflad sidan oo kale ahi kadhicin wadanka hadana waxan kuniyad waynahay inay tan iyo kuwo badaniba kadhici doonaan wadanka haddii ALLAH idmo.

TELESOM iyo madaxdeeduba waxay ku amaanan yihiin waxqabadka baahsan ee ay kawadaan wadanka gudihiisa iyo horumarka ballaadhan ee ugu jiraan geedi socodka nolosha muwaadiniinta iyadoo aanay kukoobnayn waxqabadka shirkaddu xafladdan ay u qabteen shaqaalaha shirkadda balse ay yihiin kuwo kucaan baxay hufnaanta shaqo iyo adeega dalka guud ahaan.

Waxan ammaan aan lasoo koobi Karin ujeedinayaa SULDAAN MAXAMMAD XASAN iyo CABDIKARIIM MAXAMMAD IID iyo dhammaan madaxda kale ee shirkadda waxana leeyahay waad kumahadsan tihiin daryeelka shaqaalaha iyo abaalka wanaagsan eed u gasheen guud ahaan ummadiina iyadoo waliba aad tihiin ilaha kaliya ee wadanku manta kutashado hadday tahay meel looshaqo tago iyo meel dadka tabaalaysaniba doorka raadinayaan iyo waxtar.

Waxana leeyahay waxad noqoteen hormuud iyo meel lahiigsadee wada howlaha samafalka ah iyo waxtarka bulshada reer Somaliland eed calaamadda u tihiin idinka iyo shirkadaha idinla nooca ah ee DAHAB SHIIL ,TELECOM iyo STC oo dhammaantiin noqda kuwa xadhigga u haya dhalinyarada iyo guud ahaan ummadda reer Somaliland.

Dhallinyarada guursatayna waxan ALLE u waydiinayaa inuu u fududeeyo masuuliyadda ay dhabarka u riteen hana garansiiyo waxa Dantoodu kujirto ifka iyo aakhiroba.

Waxan kusoo koobi lahaa waxa farxad ballaadhan ah in maanta shirkadaha waaweyn ee waddanku fahmeen macna guurka iyo dhismaha bulshadu iyadoo aad moodo inay moogan tahay hoggaanka wadanka iyo masuulka ugu sarreeya ee wasaaradaha ay qusayso arrimaha noocan oo kale ah ee lagu kobcinayo muwaadiniinta laguna horumarinayo tirada dadka reer Somaliland.

Markale TELESOM waxan leeyahay noqda kuwii ALLE garansiiyo XAQA iyo XAQUUQDA shaqaaluhu iyo bulshaduba.

Cabdirizaaq Xassan Cabsiiye

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: