FASHILKA SHAXDII UDUB IYO FADEEXADAHA QAAWIYEY KOMISHANKA

FASHILKA SHAXDII UDUB IYO FADEEXADAHA QAAWIYEY KOMISHANKA

Arrin kastaaba dhibtiisa iyo dheeftiisa leh.May fogayn qaraxyadii siyaasadeed ee ayaamo ka hor shirkii UDUB iftiimiyay qalooca lagu soo abaabulay xulista ergooyinka iyo duudsiga lagu garba duubay xubno miisaan culis ku lahaa xisbiga dhexdiisa,qaybna dibada aan laga soo xarayn,qayb gudaha isku dayday damacooda musharax inay ku dhawaaqaan lagu yuuriyay kuraastii ay ku fadhiyeen,hadal-na loo diiday inay dibnahooda soo dhaafo.

Muddo dheer ayaa la saadaalinayay inay UDUB qabsato shirkoodii guud ee ay ku soo xulan lahaayeen gudoomiyaha,ku-xigeenka,dib-u-habaynta xeerka.Dalka oo dhan,mucaarid,muxaafid iyo dhexdhexaad-ba waa la dareemay inay jiraan silsilado qarsoon oo xagalaysan,yaa se ka darawal ahaa habkaa qarsoodiga ku soo guray qaysaraanta lala dhex galay xubnahii xisbiga!Yaa se dhigay shaxdaa shir-qoolada xisbiga dhexdiisa ku kala qoqobtay xerooyinka loo kala saaray xaqlay iyo xaq-laawayaal.Akhristow adigaan kuu dhaafay jawaabta.

Habkii iyo hanaankii loo qabtay shirkaa UDUB waxay muujisay himilooyinka Mudane Riyaale iyo Mudane Ahmed Yusuf uga dan lahaayeen,waxaanay shaaca ka qaadeen shaxdii loogu talo galay inay ku guulaystaan labada xubnood ee UDUB uga qayb geli doona tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland.Siraha iyo sansaankii lagu suurta geliyay shaxdaa madaw ayaa dhalisay inay waaxi ka dilaacdo xisbiga. Hab-dhaqankaa guracan ee aan laan-yarina xagan ayaa xisbiga UDUB ku dhiiraday inay kooxda degtay shaxda madaw u gudubto qaybteedii labaad oo ay ugu talo galeen doorashada madaxtooyada ee haatan fooda innagu soo haysa.Waxa se ka qaldamay godkii ay faraska degeen.

Shaxdaa madaw ee UDUB degay hore ayaan maqaal uga qoray,kuna magacaabay”Mudane Madaxweyne Riyaale Ma waxaad rabtaan inaad sidii shirkii UDUB doorashada u maamushaan”. Waxaa laga yaabaa inay akhristayaal badani fahmin waxaan maqaalkaa uga gol lahaa balse waxa ii muuqday qaraxyadan maanta ka soo qulqulaya xisbiga UDUB kuwaasoo ka dhashay qaybtii labaad ee shaxda madaw.Waana taa gantaalihii lagu ganay komishanka haatan qaawisay.Wasiiro iyo ku-xigeeno dhawr ahina waa kuwaa aflagaadooyinka iyo eedaymaha xajiimaysan la dhacaaya xisbiyada mucaaridka ah.Aragtidaas oo ay ku hadoodilayaan shaxda madaw ee ay guul daraysteen ka midho dhalideeda. Bal u fiirsada wasiiradan socdaalada ololaysan ku gaalaa bixinaya deegaanada kala duwan ee dalka ayadoo komishanku dhawr jeer iclaamiyeen uguna digeen xisbiyada inaanay weli gaadhin ololahii doorashooyinka. Waa xeeshii UDUB iyo shaxda madaw ee uu cayaarahu ka yahay madaxweyne ku xigeenku Mudane Ahmed Yusuf.

Komishanka doorashayoonka

Qarxyadii ugu horeeyay iyo dabinadii dheesha shaxda madaw ayaa durba dildilaacay hawshii ugu cuslayd ee ay gacanta ku hayeen Komishanka qaranku.Dhinbiilo dhamac ah ayaa la kala dhex dhigay si ay hawshu u dhutiso.Waxaa la cumaamaday diiwaangelinta,waxaana loo guntay sidii weji kale oo ah kii ay UDUB ku xaradhay shaxda madaw in shacabka loogu soo gudbiyo,lagu dayo,laguna meel mariyo sidii iyo habkii qalqaloocay ee guddida qabanqaabada xisbiga UDUB u qorshaysay qabashada shirkooda.
Bal hada caqligaa u dhug yeesha,serverku ma soo dayn karo wax aan cidi ku shubin,waa mashiin,hawsha aad gelisid ayuun buu kuu dhib yaraynayaa,muddo yarna kuugu dhamaynayaa.Waxa kale oo la yaab leh,tiradan qaldan ee ay komishanku soo daayeen miyaanay hubin intaanay ummada u soo gudbin.Ilmaha yar ee dugsiga hoose ku jira ayaa hubiya dibna u eega waxa uu qoro inay sax tahay iyo in kale,markaa masuulka serverka ku shubay macluumaadkii diiwaangelinta ma waxuu hubin kari waayay bal inuu gobolada dhamaan ku daray 15kii casho ee loo kordhiyay tiradii gobol kasta ka soo baxday,waa qodobka ugu fudud ee uu ka fakiri lahaa.Waxa kale oo aan cidnaba ka qarsoonayn muddadii ay lahaayeen serverka ayaa fadhiya inay ahayd ku talo gal lagu fulinaayo xadhka xidhka shaxda madaw ee UDUB.Waa meel ka dhac shacabka Somaliland loo gaystay,lagana dhigay ummad dhigo xidhan oo garashadooda iyo aqoontooduba hoosayso.
Waxa se haatan haboon inay Komishanku dib isu saxaan,dhexda guntiga ku giijaan,hadh iyo habeen hawsha gadhwadaan,allaah (SWT) iyo ummaduba way arkaan dhibta jirta ee si daacad ah xilka haw gutaan,dalkana ha ka badbaadiyaan hoggan ay ku sii foorarto.

Xisbiyada Qaranka
Xisbiyada qaranku habsocodkooda siyaasadeed ee ku wajahan doorashada waxa haboon inay wejiyada maanta muuqda wax ka bedelaan,danta guudna xoogga saaraan,gaar ahaan xisbul xaakimku waa habdhaqankiisa toosiyaa mar hadii shaxdii madoobeed fashilantay,xisbiga Kulmiye isaguna sidoo kale waa inuu dalka u daneeyaa,kana waantoobaa goloftanka,erayada hanjabaada xambaarsan,iyo mindi mindi ka hor-geeda,
xisbiga Ucid isaguna joojiyo dayaaradan uu isugu geeyay dhamaan madaxdii xisbiga ee dhex wareegaysa xaafadaha europe tiiyoo maanta dalku marayo xaalad adag.
Maanta dalku waxuu u sii janjeedhaa siyaasad xargigan ee waa inay dhamaan xisbiyadu dib ugu laabtaan danta guud ee dadka iyo dalkaba.

Golayaasha baarlamanka
Waxa la yaab leh inay had iyo jeer soo noqnoqdaan dhibaatooyin isku mid ah oo distoorka saameeya.Miyaanay golayaashu ahayn kuwii lagu sugaayay inay si joogta ah u furfuraan qodobada dhibaatada soo noqnoqata xambaarsan,dhamaystiraana hadba dejinta sharciyada distooriga ah,gaar ahaan markay dalka soo marto xaalado hor leh oo aan distoorka si hufan u bayaaminayn.Waxa hubaal ah dhibaha haatan ku habsaday habsocodka doorashada inaanay ahayn mid innagu cusub,waxaana looga fadhiyay golayaasha sharci dejinta inay hore qodobada muranka aloosay u sii furfuraan.Waa hawl ka hoos baxday. Waxan se u soo jeedinayaa inay culayska saaraan wax-ka-qabadka qodobada muranada dhalin kara,kuwa ay haatan ka taaganyihiin iyo qaar kaloo iyaguna u baahan in dib u eegis lagu sameeyo,xilka culus ee ummadu kalsoonida ku siisay golaha sharci dejinta waa inay miisaankooda yeeshaan,dalkana ka badbaadiyaan xadhkaha muruga keeni kara ee ka dhasha loolanka siyaasadeed ee xisbiyada qaranka.

Waxan ku soo afjarayaa mar hadii ummada ay u cadaatay fashilka shaxdii UDUB iyo fadeexadaha qaawiyay Komishanka ee loogu talo galay habsocodka doorashadu inay u hirgasho habkii shirkii UDUB ee lagu qabtay Mansoor hotel inay madaxda xisbigu uga wareegaan weji waddaniyad ku salaysan,si xisbiyada mucaaridka ah iyo shacabkuba xaraarada u dejiyo,loona daba qabateeyo danta guud ee dalkan Somaliland.

Somaliland Guul.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: