IN AAD SAAMO JIIDIYO SANQADH TIRASHO KALA DAA

IN AAD SAAMO JIIDIYO SANQADH TIRASHO KALA DAA

IN AAD SAAMO JIIDIYO SANQADH TIRASHO KALA DAA’

Sida naag marwo ah, oo nin-keeddii mudnaa,

mawd-ku kala qaaday,oo macango liitaa u hadhay,

yeeshay meher-keeda,inay ka meermee-riyaan,magane doonaysa

madoobaa-dayeey xalay miyaay murug-tay laab-taydu.( TIMA-CADE),

Ma dumaalo naaga-ha nin-kay nolol ku dayr-shaane, haddii gabadh inta uu nin-keedu nool yahay ay quudh-sato dumaashi-geed( nin-keeda walaal-kiis), oo ay tii ALLE-BA ku timaado xaaji-geeda, waa habeen-kii xalay in uu dumaal ugu yimaado, sababta oo ah hore bay uga quusatay oo ay ku tasha-tay in aanu MARADA KA ROGIN HEBEL haddii uu ka dambeeyo oday-geeda, oo ay meel kale baadhbaa-dhato haddii ay GUUR DAMBE XIISAYSO, hada-ba waxan haatan u maqaal-kani inoo biyo-dhigayaa, in raga is leh madax-nimadda SOMALILAND idinka bay qool idiinku jirtaa, oo cid kale GARAYSKA kama furi kartoow, waxad ogaa-taan in ay go’aan hore oo la idin-kaga tashaday uu meel yaalo, inta cirku idiin jiro in leeg ama kaba sii fog ay idiin jirto, sababta oo ah, waxa la ogaaday in aydin maamuli karin, oo aydin lahayn-ba dul-qaad-keeda, mansuu-liyadeeda-na awood aad ku xeji-saan aad ka madhan tahiin, bal u fiirsadda AXMED SIILAANYO oo la is lahaa waa raga u damqanaya SOMALILAND, baa bishan 07/03/09 ku dhawaaqay, nin-kani ( waa madax-weynaha’e) gees ha uga baydho kursiga waa dhamaaday wakhti-giisiiye, waxan filayaa in ay tahay hada-lada cayn-kaas ahi ISKA HUNGAACIN ee waxan odhan lahaa ka daa wixii yimaada-ba in aad belo geliso oo aad abuurtid QULQULAD IYO XAMAASAD aad ku kici-naysid quluub-ta dadka.

Miyaanad adiga oo degen wax sheegi karin, sidan u malayn maayo in cidi kugu taageersan tahay, waayo inta badan kelmadda kaa soo baxdaa waa mid ah dagaal gelin, iyo qal-qaalo iska hor-imaad, kacdoon sheegid, xasi-looni daro, xasara-dayn, ceebeey tacaal, wax aad cirka ku shareerto, weerar-gelin aad ummadda ku rido, baqdin, werwer,kala shaki, aaminaad daro, colaad u joog aan marna-ba is dhimayn, dab la sii shido oo intaas dogob la sii saaraayo, weli maan arag adiga iyo kuwo kula xulufo ah oo wax degi-naaya in aad go’a u sii ridaan mooyee, waxa wacan in aad bal u fiirsatid sida aad rabtaan in aad wax u doon-taan, dacaayaddii waa la idin-kaga badiyey, waayo markii wax yimaa-daanba wax ka wadhay-saan qaylo UUN ALLE-ba uu dhega-ha faraha geliyo taas oo keenta jaho-wereer ay ummadu is dhex-qaado naxadin awgeed, sidaa-sina maaha wax loo adkaysan karo, rebshed joogto ah iyo qaylo-dhaan aan mar qudha damayn, waxan kula talin lahaa dib ha isugu noqdo KULMIYE oo ha derso SIYAASA-DIISA ku saabsan beerla-xawsiga ee uu doonaayo in loogu foodo marka ay timaado doorashadu, wuxu u baahan yahay in uu wax weyn ka bedelo oo ka saaro FIDMO-ABUURSITA ku ladhan baaq kasta oo ay soo saaraan iyo hanja-baadan cabsida ka had-laysa, wax kale oo muhiim ah in aanu isku dirin gole-yaasha dhexda ah, hadaad aamini waydaan KOMISHANKA QATANKA SOMALILAND waa nasiib daro, bal imika maxaa laga qaban karaa komishanka MIYAA LA ERYAA? in la saxo oo lala shaqeeyo mooyee, ha la rido goortan caqli maaha ee maskax kale keena, mida kale KULMIYE inta uu ka doodaayo mudada yar ee la kordhiyey BAL IYAKU YAANAY MUDO KALE ISKU SII KORDHIN KA BADAN TAY DIIDA-YAAN.

* N.B. Nin qoyani biyo iska-ma dhawro..
WAA ABDIRAHMAN JAMA AHMED
ABDI-SHOTALY.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: