KULMIYE OO DAGAAL UGU JIRA BURBURINTA QADIYADDA SOOMAALILAND

KULMIYE OO DAGAAL UGU JIRA BURBURINTA QADIYADDA SOOMAALILAND
Waxaan salaamayaa bahweynta saxaafadda Soomaaliland,waxaan kaloo salaamayaa dhamaan shacbiga soomaliland ee u hiiliya dimoqraadiyadda meel kasta oo ay joogaan.

Muwaadiniinta reer Soomaalilanoow sida aan la wada socono waxa magaalada London ee carriga ingiriiska booqasho rasmi ah ku jooga wefti heer qaran ah oo uu hogaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin.
Waftiga madaxweynaha waxa loo qaabilay si heer sare ah, oo weliba heer qaran ah, marka loo eego dal aan weli aqoonsi caalami ah haysan.waxayna la kulmeen mudanayaasha baarlamaanka ee saddexda xisbi ee ugu waaweyn ingiriiska sida xisbiga Labour-ka,xisbiga Conservative-ka,iyo kan liberal-ka. Waxay kaloo la kulmeen mudanayaal ka tirsan Welsh Assembley oo xaruntoodu tahay Cardif,booqasho sharafna ugu yimid weftigeena qaran.
Dhamaan mudanayaashaas iyo weftiga madaxweynuhu waxay isweydaarsadeen xogwareysiyo, waxayna isla wada garteen sida dowladda ingiriiska ay uga go,an tahay taageero dhinac walba ah ooy isla garab taagaan qadiyadda Soomaaliland gaar ahaan aqoonsi ay ka hesho beesha caalamka iyo weliba ka taageeridda geeddi socodka dimuraadiyadda curdinka ah ee ka hana qaaday dalkeenna.
Waxa kale oo weftigu la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee ingiriiska Md. David Milaband oo ugu horeyn ka hambalyeeyey weftiga madaxweynaha dimuqraadiyadda iyo nabadda ka jirta dal yar oon aqoonsi haysan,lana jaar ah dalweyne ay dilootay badweyn fowdo ah, dagaalo sokeeye, kaladambeyn la,aanina ka jirto. Warbixin dheer oo Md.Millaband ka dhegeystay weftigeena qaran kadib wuxuu ballan qaaday in xaalad kasta oo soo food saarta shacabka iyo dowladda soomaaliland ay garab taagnaan doonaan.Isagoo ku dhiiri geliyey in Hayaanka geeddi socodka dimuqraadiyaddana halkaa laga sii wado, cidii khalkhal inay geliso isku daydana ay meel uga soo wada jeestaan mucaarid iyo muxaafidba. Waxa kale oo Md.Millaband ka tacsiyadeeyey weftiga madaxweynaha iyo dhamaan shacabka Soomaaliland meel kasta ooy joogaanba weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ay kooxaha xagjireenka ahi kula beegsadeen dhamaadkii sanadkii hore goobo ku yaalla caasimadda Soomaaliland ee Hargeysa. Wuxuuna ku tilmaamay kooxdii falkaas geysatey kuwo ka xun horumarka ay ku talaabsadeen shacabka mandaqaddu, xasidayana dedaalka ay reer Soomaaliland ugu jiraan inay noqdaan qaran xor ah oo dimuqraadi ah.
Horumarka weftigu ka gaadhay booqashadoodan midho dhalka ah iyadoon maqaal lagu soo koobi karin,ayaa saaka (axad 08/03/09) qaar ka mid ah mareegaha soomaaliland waxa lagu soo daabacay warar been abuur ah oo xaqiiqada ka fog.
Haddaad eegto shabakadaha: Somaliland.org,Somalilandcentre,Golisnews iyo qaar kalaba waxa ku qornaa maqaalo iyo warar qarandumisnimo ah oo dhamaantood been la buunbuuniyey iyo xaalad abuur ah.
Qoraalada iyo wararka xamaasadda iyo kicinta xambaarsan ee laablakaca ah waxa ka mid ah:
1-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah oo ka soo gurya noqday Burco kadib markuu shirar hoose lasoo qaatay guruub yar oo qayb ka ah beeshiisa,maadaama beesha inteeda badan ( Muuse abokor)ay kalsoonidii kala noqdeen Kulmiye oo ay taageeraan xisbi xaakimka UDUB. Waraysi uu Berbera ku siiyey warbaaahintana uu ku iclaamiyey dagaal haddii Rayaale ka tegi waayo meesha.(Taas oo ah shaqsi weerar qaawan,masraxa siyaasaddana ku ah hadal anshax xumo ah oo kasoo baxay qof aan masuuliyad qaadi karin).

2-xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga kulmiye oo dacwad ka gudbiyey xukuumadda somaliland una gudbiyey xafiiska arimaha dibadda ee ingiriiska.

3-Kulmiye oo eed dusha uga tuuray gudida komishanka doorashooyinka qaranka, kuna tilmaamay qaar aan howshsii loo igmaday aan gudan karin.

Wararka been abuurka ah waxa ka mid ah:
4-kulankii Md.David Millaband iyo weftigeena qaran oo wixii kasoo baxay khalad loo tarjumay iyagoo reer kulmiye yidhi: waa la canaantay madaxweynaha, waxana loo sheegay in ay soomaaliya wada hadal la galaan. Reer kulmiye waxa iskaga khaldan xisbi ama shaqsi ku mucaarad iyo qaran ku mucaarad.

Muwaadiniinta soomaalilaneey xisbiga xikmadiisii ka badin weydey intan kor ku qoran iyo inkaloo badan, kana aradan xushmadda diblomaasiyadeed,miyaa daah inaga saaran yahay inay rabaan inay jar dheer ka tuuraan Soomaaliland?

JAWAABTU WAA MAYA.
RUNTII KULMIYE WUU KU DHACAY IMTIXAANKII DIMUQRAADIYADDA. WAA XISBIGII KOOWAAD INTA TAARIIKHDA DUNIDU QOREYSO EE DALKIISA KU MUCAARADA.
KULMIYOOW KALA BARO NIN IYO GEED.

DIBIRADU DADKA WAY UGA DARTAA.
NINKII SOO JOOG LAGA WAAYONA SOO JIIF BAA LAGA HELAA.
Somaliland guul
Wabilaahi tawfiiq.
jaamacducaale09@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: