DAMEERKII IN LA RARTO AYUU DIIDAY (NINKAN IYO DAMEERKAN ISU DHEGEYSO OO DHUUX MARKAA GARTOODANA GAL)

DAMEERKII IN LA RARTO AYUU DIIDAY (NINKAN IYO DAMEERKAN ISU DHEGEYSO OO DHUUX MARKAA GARTOODANA GAL)
Dameerkii In La Rarto Ayuu Diiday.

(Ninkan iyo dameerkan isu dhegayso oo dhuux markaa gartooda gal)

Mrs. Dameer

Wakhtigii wuu is bedelay nin yahaw Maygaag. Waxaan doonayaa in aan ka xoroobo rarkii. Waxaan soo jeedinayaa markaa in faraskan guriga ila jooga la rarto isagaa iga xoogbadane. Waxa kale oo aan tirsanayaa daryeel la’aan badan. Sida la ii rarto wax la iima siiyo bal eeg feedhahayga, halka ninkan faras oo wax allaale wax hawla reerka u hayn hadana la siiyo cunto aad u badan. Waxa intaaba ii dheer weligay la igu ma odhan mahadsanid ama thanks si kasta oon hawl u qabto. Iskaba daa mahadsanide shaabuug ayaa gosha la ii geshaa..Hadaba waxan ka soo war helay urur dameeruhu leeyiihiin oo u dooda xuquuqdooda , markaa hadaad hadal igu soo celiso meel allaale meel aad jaan iyo cidhib dhigtay dib loo arki mayo. Dee isjir.

Mrs. Maygaag.

Horta dameerow intaa aad sheegtayba waa runtaa. Hase ahaatee ma ogtahay in aan lacag ku siistay oo ku leeyahay alle sokedii. Reer kan dhan ee halkan degenina ma laha cid kale oo u ciirsiya oon adiga ahayn. Nin ka faras arintisu waa qodob kale ma doonayo in la soo gesho meesha arintiisa, arinku adiga ayuu ku taaganyahay markaa ha balaadhinin xaajada. Xaga mahad sanid la ima yidhaah aad leedahayna, ninyahaw laba midkoodba mahadsanid laguu odhan mayo. Waa ta koowaade culays badan marka lagu saaro ma fadhiisatid oo ma muujisid inaad itaal ku gu hadhine , danbaabidho iyo haraati iyo xasarad ayaad bilawdaa,markaa waxaan u arkaa nin gardaroonaya oo ka cararaya waxii xaq loogu lahaa iyo waajibkiisii. Talabaad niyaw nin sawaxan badan ayaad tahayoo kaama seexdo markaan aan hurdo oo waad itoosisaa. Qodob kale waxaan ku waydiiyay maxaa afarta adin laguugu sameeyay hadii aan laguugu tala gelin in lagu rarto. Ururkan aad ii sheegaysaana yaanu ku lugoyn hadhaw markay qadhaadhaato wax ba kaa tarimaayaan, yaanay ku lugooyn aqalkaaga ayay kaa saarayaan, belo kuuma dhawee shaydaanka iska naar. Hadaan mardanbe afkaaga aan ka maqlo arinkaas waxaad la kulmaysaa ciqaabtan:

1. Rarka oo laguu kordhiyo
2. gelleeyda oo lagaa sii yareeyo( raashinka)
3. dabarka oo lagaa furin hadh iyo habeen. (Mejocaseeye ayaa laguu dirayaa)

Xaalku markuu halkaa maraayo sheekadii way qadhaadhaatay, garyaqaan baa loo baahday waxaan ka codsanayaa akhristayaasha in ay u garnaaqaan ninkan iyo dameerkan isku xaniban.

By Cali Cawaale Cismaan

Toronto, Canada.

ccawaale@hotmail.co

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: