UDUB-OW MA KULA TAHAY RUBBAD AYAAD CODKAYGA KU HELI

UDUB-OW MA KULA TAHAY RUBBAD AYAAD CODKAYGA KU HELI
Doorasho si xasilooni iyo nabad ah dalka way uga qabsoomi doontaa hadii allaah raali ka noqdo.Waxaanan xisbiyada qaranka u rajaynayaa inay si xilkasnimo ku jirto isula meel dhigaan,kana fogaadaan waxyaabaha iyo talaabooyinka carqalad ku noqon kara habsocodka iyo u diyaar garawga doorashada.

Hadaan u daadego dulucda qormadan gaaban,waxan ahay muwaadin daneeya ugu horayn geedkii aan ku dhashay tuulada uu ku yaal,degmada ay ka tirsantahay,gobolka Gaaroodi oo ay tuuladu hoos timaado,iyo dalkayga Somaliland.Waxan aad ugu farxaa markaan maqlo talaabo yar oo horumar ah laga hirgeliyo Gobolka Gaaroodi,waa xaalad caadi u ah qof kastaa inuu sidaas dareemo.Waxqabadka horumar ee dalkaygana kaba sii culus oo markaan maqlo ama aan saxaafadaha ka akhristo jidhidhico ayaa oogadayda ku dhamaata,waa xaalad qaran oo wadani walba oo lexojeclo ka qaba dadkiisa iyo dalkiisa uu dareemayo. Maalin dhowayd waxaan saxaafadda Somaliland ka halacsaday Riig laga qotomayay goob cidla ah oo ku taal tuulada la yidhaa Sharmaarke,kana tirsan gobolka Gaaroodi,waxaana sawiradooda ku xardhay xubno wasiiro ah oo ka soo jeeda gobolka Gaaroodi,Maroodi-jeex iyo Awdal. Kolka aan guud ahaan ka eego waa talaabo wacan oo waddiniyiinta gobolku aad ugu oomanaayeen biyo laga soo saaro deegaanka. Marka aan dabaylaha ku ladhan talaabadaa eegana waa mashruuc ku salaysan ololaha doorashada ee ay xisbul-xaakimku beryahanba ka hirgelinaayay deegaanada gobolada Saaxil,Awdal,Maroodi-jeex,Gabiley iyo Gaaroodi.

Waxaa weli qalbigayga ku sii mudan isku day dhawr jeer Riigii Carabku ku taakuleeyay Somaliland inuu ceelal biyood u qodo oo meelo kala duwan laga qotomiyay,kana mid ahaayeen Masalaha oo Hargeysa dusheeda koonfureed ah,isla goobtan maantana Riigga laga qotomiyay ee Sharmaarke oo aanay ahayn markii ugu horaysay ee Riig la geeyo Sharmaarke. Waxa kale oo caqliga fayaw qaadi karin guud ahaan gobolka Gaaroodi oo hore dawladda Somaliland ee uu hogaamiyo xisbiga UDUB dayacday baahida biyo la´aanta ragaadisay gobolka,una egtahay xisbul-xaakimku inuu ka saaray khariidadiisa wax-qabad,waxaanad tusaale u soo qaadan karnaa “Waddada Cad” ee Hargeysa iyo isku xidha degmada Salaxley,aadna muhiim ugu ah ganacsiga iyo wax soo saarka gobolka gaaroodi iyo Maroodi-jeex. Waxa kale oo aad tusaale u soo qaadan karnaa dugsiyada h/dhexe, Sare ee Sallaxley,ahna dugsigii ugu horeeyay dugsiyada jiifka ee laga hirgeliyo Somaliland laga soo bilaabo dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland oo aanay haba yaraatee xisbul-xaakimka dalka ka taliyaa aanu gacan ka geysan marka laga reebo dhawr macalin oo ay gunnadooda wasaaradda waxbarashadu bixiso.

Maxay hadaba maanta uga gol-leeyihiin xisbul xaakimka wasiirada ka soo jeeda gobolka gaaroodi inay Riig dul qotomiyaan waddaniyiin ugu yaraan sannad abaar ba´ani ku habsatay,waxna ayna ka qaban. Waqtigan abaartu jirto,biyahuna aad hoos ugu fogaadaan,jiraana goobo kale oo ka biyo dhow Sharmaarke waa maxay danaha uu xisbul xaakimku ka leeyahay! Goob-raadinta biyaha iyo cimilada la joogaaba waxay ka mid yihiin marka si dhab ah biyo soo saar lagu talo galo.

Xisbul xaakimka qudhiisa ayaa ka markhaati ah inaan gobolka Gaaroodi aan wax mashaariic ah laga fulin,weliba dagaaladii xoraynta dalka iyo kuwii sokeeyaba si culus u saameeyeen gobolka. Xisbul xaakimku waxuu ka xishoon waayay xataa jidkaa “Waddada Cad” ee ay marayaan inay iska hagaajin waayaan. Markaa waxan leeyahay UDUB-ow ma kula tahay rubbad ayaad codkayga ku heli!

Waxan u soo jeedinayaa dhamaan 3da xisbi qaran hadaan ahay Gaaroodi codkaygu maanta waxuu ku xidhanyahay “Waddada Cad”,ceelal biyood,xarumo caafimaad iyo horumarinta waxbarasho xisbiga ay ugu jirto waxqabadkiisa haduu ku guulaysto doorashada.

Somaliland midnimo iyo guul.

Hassan Gaaxnuug
Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: