DOODII FURNAYD MAXAAN KU MUTEYSTAY HEYB SOOCA & GABAYADA AY KA TIRIYEEN ABWAANIINTA BEESHA GABOOYE

DOODII FURNAYD MAXAAN KU MUTEYSTAY HEYB SOOCA & GABAYADA AY KA TIRIYEEN ABWAANIINTA BEESHA GABOOYE

marka ugu horeysa waxaan salaamaya ,salaan qadariin & xushmad ku dheehantahey dhamaan shaqaalaha websetka ,gaar ahaan ,maamulka shabakada, salaan tas mid lamidana waxaan ku salamayaa dhamaan akhristaha sharafta & qiimaha badan , waa barnaamijkii doodeydii aheyd (maxaan ku muteystey heyb-sooca) dood furan ,qeybtana waxaan ku eegaya ,abwaaniintii beesha gabooye , ee la heyb soocayey ,anigoo baadhitaan & daraasado kala duwan ku sameeyey ,gabayadii & maansaooyinkii ay tirinayeen abwaanadii beesha gabooye iney ka aamuseen oo aaney kagaba hadal hal abuurkooda maanso ,& iney kaga hadleen oo ay jiraan gabayo & maansooyin ay ku diidanayen dareenkoodana kaga hadlayaan ,takoorka & dulmiga quursiga heyb-sooca ee lagu hayeyy beeshooda dulmanaha la quursadey, nasiib wanaag waxaan soo heley gabayo & maansooyin fara badan oo ay kaga hadlayeen hal abuurka suugaanta soomaaliyeed abwaaniintii beesha gabooye ,oo aan qaarkood hada halkan idiinku soo bandhigey kuwa kalena aan markale insha alah soo bandhigi doono, intii aan kujirey baadhistan dheer ayaan waxaan heley gabayo run ahaantii ,dareen damqasho & xanuunba leeh oo lagu diidanyahey dulmiga ay ka tiriyeen abwaanadii beesha gabooye qaar ka mida oo run ahaantii ah kuwo dhankastaba wax ka tilmaamaya ,xaataa haddii ay qaarkood gabooyuhu ka dagaalamen uu kaga hari waayey duudsigii & xaqiradiiba waxaanad kaba arki kartaan gabeygan ugu soo horeeya oo ku dareen siinaya dhankastaba ,gabeygan waxaa la yiraahdaa (ALLAHAYOW TALAAMIIN MA IIGA TALIIN WEYDEY )micnaha gabeygani ,wuxuu ku tusaaya ,abwaanka tiriyey inuu waxwalba markuu sameeyey aaney wali kaba hariin dulmigii kadiibna uu gabeygan ka tiriyey isagoo waliba ilaahey akshato u dirsanaya ,micnaha ,gabeygan magaciisuna yuu yaheyba kalmad akshato ah ,wana kan gabeygii , gabeygan waxa tiriyey abwan caana oo layiraahdo ,(ABWAAN XIRSI SAMATAR GEED) ALLAHAYOW TALAAMIIN! Talaamiin waa magac waayadii hore looyaqaanay Soomaalida isla weyn ( Aji). Waayadii hore ayaa la oran jirey dadku waa Tumaalo iyo Talaamiin. Maantana waa Gun iyo Gob, Boon iyo Bilis, Aji iyo Midgaan, Nasab iyo Nasab dhiman iwm. Abwaanku wuxuu shucuurtiisa ku cabirayaa sida uusan marna uga nabad gelayn Soomalidan isla weyn. Wuxuu la yaabay sida aan naxariista lahayn ee ay ula dhaqmayaan dadkan Islaamka sheeganayaa dad kale oo la jinsi ah oo weliba la diin ah iyo sida ay u ciseeyaan una sharfaan dadyowga kale ee Ajaanibta ah. Wuxuu ku bilaabay Abwaanku isagoo Alle Baryaya: Tunka ka fuulay tiir bira kuxidhay toogtayoo dilaye Tumudkaan shaqaystana midbaw taagan meelaha-e Tuxuushkooda xumi aniga way tudh leeyahaye Waa doqon tolkii igu arkaan tumi karaayaaye Allahayoow Talaamiin miyaad iiga talin wayday Talyaaniga Nasaaraa haddaan yaabaso u gaysto Ooy meesha ila taaganyiin toogashay qorane Iblays bay tusoo duulku way igu talaalmeene Adigoo tabaaleysan oo tuugsi gacal mooday Hadduu nirig mid kuu tuuroo kuguba taageero Todobaatan sano ayuu waxaad tabacday sheegtaaye Allahayow Talaamiin miyaad iiga talin wayday Haddaan toban kunoo ila talaa toos u garanaayo Talantaali baan jabin lahaa kii istaagaba-e Tugriguna ma quudeen halkaan maalintaa tago-e Allahayow Talaamiin miyaad iiga talin wayday Meeshaan tagaba waa tuban yihiin igana taagroone Tabtii aan samaystana baray igaga tuuraane Haddii dunida meel aanay tegin aan toos ugaranaayo Toddobaatan baan dhixi lahaa toogadaan qabo-e Allahayoow Talaamiin miyaad iiga talin wayday (gabeygaas waxaa ttiriyey abwaan xirsi samatar geed) HADDII aan intaas kaga gudubno gabeygii (allahayow talaamiin miyaad iiga talin weydey) ee uu tiriyey abwaan ,xirsi samatar giiled waxaan kaloon halkan ku xuseynaa gabeygii abwaanka weyn ee,< boobe cabsiiye>,ee la magacbaxey , (TIIRAANYO) waxaanu abwaanku gabeygan u tiriyey laba ariin oo kala ah ,mida koowaad(guubaabo uu dadka baraarajunaayey) & mida labad oo la sheegey inuu abwaanku muda ka gaabsadey hal abuurka maanso ,oo aanu wax gabayadii looga bartey aanu tirin mudo ,markaas ayaa waxaa layiri waxaa dhowr jeer dadku wey diiyeen ,sababta uu u joojiyey gabeyadiisii ,markaa sidaas ayuu ku tiriyey gabeygan ayaa isagoo dadka wax dareen siinaya inaaneyba maanta la eekeyn inuu gabeyba tiriyo , Abwaanku wuxuu guubaabinayaa dadkan la quudhsado inay isu yimaadaan oo ay isku duubnaadaan. Wuxuu gabayga guubaabada ah ku tusaaleynayaa in ay haboon tahay in beesha la quudhsadaa fahanto taariikhdooda iyo meesha ay ka soo jeedaan ee aysan iska qaadan sheeka xariirta uu Ajigu(Talaamiin) isugu sheekeeyo. Wuxuu yidhi Abwaanku: Teeroon Tumaal iyo Midgaan tuur isaga keeno Oo aan Yibraa taar u diro togaga maaxaaya Teeroon tamuuxaa niman ka badan tiirsho garabkayga Teeron tol kay ururiyoon talada gaar siiyo Teeroy tacliin tiyo san cadu kay isukutoosto Talaa miinta teeroon kabaxo taabka nagu haysta Teeroon Talaamiin u diro toban kun oo wiila Taariikhda teeroon hubsado nalaga toodheeyey Tumunbaa isaarane anaan gees isaga tuurin Tirin mayo maansooyinkaad igu taqaaniine Tiiraanyadayda aan qabee hay tagliifina Inta ay taraareen ragbaa saada tiigsadaye Anigana taydu Soomaali bay iigu taalaaye Inaynu tiir ka soo wada baxniyo turuqyadii Aadam Ooynu isku tiig nahay jidhkaa laga tilmaamaaye Ma cirkaydin tegi Eebahay baysku keen tolaye Waxaa tiriyey Abwaan Boobe Cabsiiye GABEYGAN abwaan boobe cabsiiye ,waxa kale uu uu ina tusaya si saxa oo cilmiyeysan ,dadkan ugu faanaya ,nasab ama gob , ee ajigoow inaaney cidina meel gaar ka imaane aynu ka wadanimid tagoogtii nabi aadan ,bal hadaba halkeebeyduun tagi ,ajiyoow ,kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk la soco qeybaha danbe ee gabayadii dulmiga & takoorka quursiga heyb-sooca ,kaga hadlayeen abwaanintii beesha gabooye , hal abuurka suugaanta soomaaliyed oo taxane ah , haddii alaah awooda lihi ogolaado , waxaana idiin soo diyaariyey idiina soo bandhigayey , MUJAAHIIDKA WEYN AHNA QORAAGA WEYN (barkhad xaaji cabdi ,mr gaboye) email:abokoriye1@hotmail.com, email:mrgaboye@hotmail.com, ontario canada

doodii furneyd (maxaan ku muteystey heyb-sooca ) & gabayadii ay ka tiriyeen abwaaniintii beesha gabooye

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: