MILICSIGA DASTUURKA SOMALILAND IYO MADMADAWGA UDUB KALA MAAN

MILICSIGA DASTUURKA SOMALILAND IYO MADMADAWGA UDUB KALA MAAN
Milicsiga Dastuurka Somaliland iyo Madmadawga UDUB kala maan

3/5/2009

Dhismaha dal waxa uu ka bilawdaa seeska ama aasaaska kowaad oo ah in uu dal samaysto dastuur shacbigu ku qanco oo si miisaamman u xaq soora. Dastuurka dal waa in uu ahaadaa markastaba mid hufan, si farshaxan iyo hubsiimo leh loo naaqishay loona dhamaystiray ama loo turxaan bixiyey. Hadaba dalkeena Somaliland ayaa maanta dastuurkiisu noqday mid ku salaysan “la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan”. Cod bixintii shacabku waxay ku ekayd wakhti ee odayaal miyey dooran karaan Daahir Riyaale? Waa khaladka kowaad ee ay shacbigu dugsanayaan taasi. Sababta aan u leeyahay tan ayaa ah hadii qodobada sharciga aynu leenahay ay yihiin qaar la turxaan bixiyey oo hufan may timaadeen in hadba guurti iyo gadhwadeeno loo saaro arrimaha doorashada maanta taagan. May dhacdeen in hadba intii la doono dib loo dhigan karo doorashada.. Maanta may ahayn wakhtigii odayaal ka gaadhi lahaayeen go’aan iyo heshiis in dib loo dhiggo doorashada. Waxay taagnayd maanta, waxa aynu leenahay dastuur ee ha lagu kala baxo.

Dhaliilaha taagan ee dastuuriga ah yaa xilkeeda lahaa in ay naaqishaan dastuurka,saxaan, oo ay dhamaystiraan si sharcigu u noqdo mid qeexaya oo taabanaya dhinackasta nolosha bulshada iyo maamulka guudba? Fikirkayga hadii aan ku cabirro. Dhaliil waxa leh xisbiyada dalka oo dhan. dhaliilna waxa leh dawlada talada haysa,dhaliilna waxa leh golaha sharci dejinta. Bal aan sharraxo sababaha ay ku yeesheen xubnahan aan tilmaamay. 1 Xisbiyadu waxay ahayd in ay akhristaan sharciga gabi ahaanba. Iyaga ayaa xill ka saarnaa in ay soo gudbiyaan oo soo hordhigaan sharciga qodobada ka maqan ama ay tahay muhiim in laga yeesho xeer sharci oo hufan.marka ay quseyso doorasho iyagaa masuuliyadeeda lahaa in ay xeer ka soo saaraan. Waa si aanay doorashadu u noqon mid marba kii haystaa dib u dhiganin. Xisbul xaakinka talada haya maanta wuxuu banneeyey in hadii talada dalka lagala wareego in iyagana hadhawto sidaa iyo si la mid ah laga yeelo oo hadba kii hayaa inta uu doono dib u dhigto doorashada iyada oo xisbi waliba marmarsiiyo keeni doono. Waxaan leeyahay xisbiyada mucaaradku waxay wadnaha iska toogteen kolkii ay aqbaleen dib u dhiccii hore ee mar hadii ay tii horre martay tanina waa halkii uun. Goloaha sharci dejintu waa golihii lahaa shaqada sharciga. Waa golihii shaqadiisa loo igmaday ahayd sharciga, ama dastuurka in ay dhamaystiraan oo qeexaan. Dawladu waxa ay iyaduna ku yeelatay masuuliyada. Xilka waxa shacbigu ugu dhiibtay in ay dhamaystiraan hawlaha qabyada ah ee dalka ka jira gabi ahaanba. Dawladu maaha mid loo doortay in ay kursigaa muunad u ahaato. Balse, dawladu waxay ka faa’iidaysanaysaa khaladaadka sharciga, shacbiga, iyo danaha guud ee dalkan qabyada ka ah. Waxa ay ka faaiidaysanaysaa aqoon darada sharci iyo dulqaadka shacbiga.

Khaladaadka ka soo yeedhaya afhayeenada Daahir Riyaale ee leh, meel kagama taalo in Daahir Riyaale wareejiyo xilka. macnaheedu ma wadanku ha noo afduubnaado baa? Xad gudubka lagu hayo shacbiga, sharciga dastuurka ee udub loo tirinayaa ceebtiin maaha ee waa caadadiin. UDUB waxay wadaa waa astaamaha digtaatooriyada lagana yeeli maayo. Wakhtigii la doortay wuu dhamaaday Daahir Riyaale ee Yaa doortay UDUB ee ay meesha u fadhiyaan ilayn oday kama taliyo dalka ee dastuur one man one vote ayaa Dalka u yaale? Dastuurka qaban waayey maamulka dalku, shacbiga ma qabto, mana aqoonsana shacbigu maamulka Riyaale ee xilka ha iska dhiibo.

Qalinkii: Fuaad Ismaciil Cumar

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: