HADDII AY OGOLAADAAN XISBIYADA MUCARIDKA AHI MUDDOKORDHINTAKHASABKA AH WAXAA KU XIGTA KU SHUBASHO

HADDII AY OGOLAADAAN XISBIYADA MUCARIDKA AHI MUDDOKORDHINTAKHASABKA AH WAXAA KU XIGTA KU SHUBASHO
Marka hore waxaan salamayaa Bahweynta saaxafada madaxbanaan ee somaliland, Marlabaadka hadaan fikirkayga ku caabiro, muda kordhinta soo cusboonataay ee aay donaayso in xukuumada maantu aay ku ka dhigaato, cimri dharaar, layaab malaha oo waxaay ogadeen inaanaay maanta marnaba ku guulaysanaayn dorashada fooda inagu soo haysaa oo loo mudeyaay,

Inaay ku dhacdo 29 march taaso ah geed ka Go,aan Hadaba siyaasada meesha ku jirta ayaanaay fahansanaay Xisbiyada mucaaridka Kulmiye Iyo Ucid ayaa waxaay tahaay markii aay socdeen isdiwaangalintu, ee aay ku dhamataay wakhtigii loogu talagalaay, waxaa aay qaylo ka soo yeedhaay Gobolada uu ka soo jeedo madaxweyne riyaale iyaga oo yidhi aanagu manaan is diwaangalin mudaduna nagumaay filnaayn, xukuumadu iyo koomishankuba waay ka warhayeen In hadii 15toban cisho dheeraad a h lagu kordhiiyo, aay muda qaadanayso, kala shandhaynta serverka, gobolada kale ee somaliland wax cabasha kamaay muujin diwaangalinta, raalibanaay ka ahaayeen, lakiin xukuumada ayaa ugu talagashay, si wakhtiga dorashada loogu talagalaay dib ugu dhaco, lakiin kamaay fikirn, in heeshiis hore lawada

galaay 6bilood oo aan cadaalad ahayna loo kordhiyaay xukuumada, Bal hadaba somalida ayaa waxaay ku maah maahda mar idage ala hadago laba jeer idagana aana isu dagaay, Mar hore waa la dagaay labada xisbi mucaarid Marlabaadkana, hadii aay suura gal noqoto Inaay aqbalaan muda kordhinta iyagaa is dagaay baan filayaah,Mida labaad waxaay tahaay kala shandhaynta serverka ee laga saarayo qofkii dhawr goor is diwaan galiyaay gudoomiyaha koomishanku wuxuu sheegaay In markiiba afarboqolkun oo qof uu shandheeynaayo, somaliland waxaa is diwaangaliyaay waa milyan iyo laba boqol, Marka wakhtiga aay qaadanaysaa waabu iska yaryahaay 10 cisho, Imikana waxaa marmarsiiyo aay ka dhigataay xukuumada iyo koomishanku inaanaay suura gal ahaayn, in laga gaadho wakhtiga dorashada hadaan lagu kordhin 91 maalmood, taasina waxaay cadeeynaaysaa In la jahawareerinaayo shacabka, somaliland.

xisbiyada mucaaridkana xaqoodi la duudsiyaay, xisbiyada mucaaridka, Ucid iyo Kulmiye hadii aay mawqif adag iska taagan, inanaay aqbalin muda kordhin Garbaay uleyihiin, lakiin mahaa In eed dusha laga saaro, oo la yidhaado nabadagalyo daro ayaay wadaan, cida maanta nabadgalyada khal khal galinaysaa waa la arkaa waa xukuumada waxaanaay donayaan xaq aanaay lahayn muda kordhina wax suura gal ah maaha, Markaa miyaanaay ahayn in shacbka somaliland ka dhiidhiyaan xukumada cadeysataay Inaay xoog wax ku maquuniso, kolaay dhibatadan waxaa keenaaya waxaa la arkaay wajiga dhabta ah ee xukumada somaliland iyo xisbiga Udub inanaay dalka naf uhayn, markaay arkeen in tageeradii shacabka somaliland u hayeen aay uwareegtaay xisbiyada mucaaridka waxaay donaayaan sidii aay sadex bilood oo danbe olole beelysan aay u gali lahayeen, lakiin hadiiba aay dhacdo in laga yeelo, Waxaa dhacaysaa in dorashadana khasab lagu shubto oo la yeelsiyo xisbiyada mucaaridka sidii dhacdaay dorashadii hore oo kale, lakiin waxaa wanaagsan In labada xisbi mucaarid aay mawqif adag iska taagaan, In loo kordhiyo xukuumadan la hadhaay shacabka iyo dalkaba, kuna adkaysataan mudada loogu talagalaay dorashada oo ah 29 march, hadii aay dhacayso In dib loo dhigo dorashada waa in golaha barlamaanka aay si hayaan xukunka dalka inta laga gaadhaayo wakhtiga dorashada, taas ayaay wax ku xalismayaan, hadii kale waa in aay calool adeygaan xisbiga Udub ee u hogaanka u hayo madaxweyne riyaale, somalida ayaa waxaay ku maah maahda calool adeyg waa ilahaay wehelkii.

Mahad Nuux Muumin
mahad_nuux09@hotmail.com
pakistan islamabad

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: