DADWEYNAHU DOORASHAY RABAAN DAWLADUNA DURBAAN KALE AYAY TUMAYSAA

DADWEYNAHU DOORASHAY RABAAN DAWLADUNA DURBAAN KALE AYAY TUMAYSAA

DADWEYNAHU DOORASHAY RABAAN DAWLADUNA DURBAAN KALE AYAY TUMAYSAA


FAST FACTS

Allaah (SWT)ayaa mahad oo dhan iska leh. Waxa maanta sida cadceedda u cad shacabku inay ka midaysanyihiin jiritaanka gooni isu taagga Somaliland. Wadani waliba waxuu gaadh ka yahay ilaalinta qaranimada Somaliland. Waxa keli ah oo nabada khalkhal gelin karaa waa hadii shacabku dareemo dhacdooyin ku lid ah doonistooda qaranimada Somaliland.Waxa se ka qarsoon dagaalada hoose iyo dabinnada kaga imanaya dawladaha shisheeye ee ay u haystaan inay ka taageerayaan aqoonsiga jiritaanka gooni isu taagga Somaliland iyo jidadka hadimo ee ay isticmaalaan dawladahaa shisheeye ahna unugyada,ururada,hay´adaha caalamiga ah ee dalkan Somaliland gudahiisa ka adeega.

Wadaniyow,maanta kaama qarsoona waanad ogtahay dalku inuu ku jiro gacanta hay´adaha samafalka ee UN-ta iyo hay´adaha EU-da. Taliska dalka ee aad doorateen ayaa go´aankaa qaatay,idinkuna indhaha ayaad ka daboolateen ilayn cidhiidhi dhaqaale ayaa laydinku fuliyaye.

Haddaba maanta waxaad ku mashquusheen riwaayadan laydin hordhigay ee muddaynta doorashada.Distoor waa hore gud lagu riday ayaa haatan boodhka laga tumayaa,macnaha qodobadana weji aan meesha ku jirin laydinku sheegaya,hada afkan Somaliga ah ee qof kastaaba ku afbartay kuna ababay ayuu ku qoranyahay distoorku. Waliba qodobana waa laydiin magacaabayaa qaarna waa la dedayaa.Waxaad moodaa riwaayadan hortiina la keenay indhahiina oo shan ah in shacab kale oo aduunka ka mid ah loo dhigayo.

Haddii ay dawladdu ka tarjumayso doonista shacabka way ogtahay inuu dhamaaday waqtigii shacabku codkooda ku siiyeen ee 5ta sanno ahaa,hadana waxa dhamaaday waqtigii xisbiyadu u kordhiyeen golaha guurtiduna u ansaxiyay oo ahaa sannad.Horta halkaa ayaa distoor ahaan iyo sharci ahaanba muddadii loo igmaday ay ku dhamaatay waxii ka danbeeya 6da april 09.Taa shacab iyo dawladba waa la ogyahay,cidii muran gelisaana waa cid aan lexo jeclo ka hayn jiritaanka Somaliland.Waxa intaa soo raaca qabsoonka doorashada oo dib loo riixay dhawr jeer,haatana lagu dhawaaqay inay qabsoonto 31/5/09 inkastoo weli wada-tashigii socdo. Kolkaa mudda gaaban ee u dhaxaysa dhamaadka sharci ahaan ee muddadii dawlada kuna egg 6da april 09 ilaa iyo bilawga doorashada oo ah 31/5/09 hadii lagu heshiiyo,layslana qaato miyaynu iska indho tirnaa inuu dalku geli doono dawlad la´aan,mise waxaynu aqbalaa dawladu inay sharci darro muddadaa maamulka sii waddo oo inna gaadhsiiso doorashada. Taasi ma caddaalad-baa,miyaanay xaq darro ku jirin hab-tartartanka xisbiyada oo dhinac yahay xisbul-xaakimka.

Waddaniyow,aniga shaki igagama jiro inay dawladaha reer galbeedku,UN-ta oo adeegsanaya hay´adaha iyaga ka socda iyo gacmo wadaniyiinba ah,ha noqdaan dawladda ama ururada shacbiga ahe waxay inoo taageerayaan ee ay nabada iyo doorashadaba dhaqaale ahaan iyo talo ahaanba inoola garab taaganyihiin inay ku salaysantahay halganka ay ugu jiraan xasilinta,nabadaynta iyo dib-u-dhiska dalkii laysku odhan jiray Somaliya balse waxa nasiib darro ah inay shacabka Somaliland taa iska indho tiraan.Maalin horana maqaal ayaan ka qoray arrintan halista ku ah qaranka Somaliland,cinwaankiisuna waxuu ahaa “Somaliland Waxa Loo Dabray Somaliweyn, Dhacdooyinka Cusubina Waxay Qaawiyeen Qaranka”.

Bal hada maantana wadaniyow dhugo ula jeeddada iyo hawlaha ay “Interpeace” u hayso wadamada iyo UN-ta ku hawlan inay dib ugu tafaxaytaan soo celinta dalkii laysku odhan jiray Somaliya,waxaanan ka soo xigtay webka ay leeyihiin Interpeace:

Local partners: Academy for Peace and Development (APD) in Hargeisa, Somaliland; Puntland Development and Research Center (PDRC) in Garowe, Puntland; Center for Research and Dialogue (CRD) in Mogadishu
Goal: To advance and underpin the consolidation of peace throughout the Somali region through consensus-oriented, integrated approaches to state building and peacebuilding.

Impact/Results
The following results were achieved during the first phase of the Democratization programme:

• Free, fair and safe Parliamentary Elections in Somaliland: The National Electoral Commission of Somaliland, with the support of Interpeace, planned and conducted transparent and credible elections that conformed to the national electoral law and the constitution. These elections also improved understanding of the democratization process throughout the entire Somali region and engaged some key actors from the south in the period leading-up to the elections;

• Exposition of the values of the democratization process in Puntland;

• Construction of a new building for the House of Representatives in Somaliland and the renovation of the parliamentary structure in Puntland. One of the unintended but significant outcomes of this process was Somalilander interpretation of these events as meaning that a well-run, fiscally responsible election allowed for the construction of the beautiful new Parliamentary building;

• Enactment of a Voter Registration Act and the development of a voter registration process to register Somaliland citizens in advance of the upcoming presidential elections in late 2008.

Waddaniyow,hadaba hadaanad hore u fahamsanayn ama aanad ogayn hawlaha ay Interpeace ka wado kana fuliso Somaliland waa kuwaa xagga sare ku cad,mana aha wax cid kale qortay ee si furan ayay ugu baahiyeen website-kooda,waxaana u saldhig ah inay kaga dhabeeyaan gaadhista iyo dhamays-tirka nabadaynta goboladii hore laysugu odhan jiray Somaliya,kadibna laysugu yimaado gole wada-hadal,laguna meel mariyo nidaamka Federal-ka loo yaqaano. Tani ayaa u sal ah dib dhaca dhawrka jeer ku yimi doorashada madaxtooyada Somaliland,maantana iyadaa u sabab ah riixitaanka dhawrka jeer ku dhacay muddaynta doorashada ee haatan muranka aloosay.

Waa ayaan darro ku habsatay dalka,hogaamiyaasha xisbiyada qaranka,golayaasha baarlamanka,iyo aqoonyahanku inay daah saaraan ama garanba waayaan godka lagu hagaayo shacabkan daacada ah iyo dalkan ay qaranimadiisa doonistooda iyo codkooda ku meel mariyeen.

Waddaniyow,dhinac walba kuu iftiimiyaye qalbiga dejiya,riwaayadaha laydiin dhigayana ka fiirsada,xasiloonida,nabada iyo jiritaanka Somaliland cidda u guntan waxyeeladeedana si hufan oo wadajir ah uga feejignaada,jiitina iskaga daboola. Waxaan ku soo afjarayaa xaqiiqadan aan qarsoonayn ee cidda wadaa dalka ku hayso cinwaanka aan qormadan uga dhigay “Dadweynahu Doorashay rabaan,Dawladuna Durbaan kalay tumaysaa”.

Somaliland midnimo iyo guul.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: