TALABA CANAAD-KA BAAN KA AQAAN MIYAA XAALKU?

TALABA CANAAD-KA BAAN KA AQAAN MIYAA XAALKU?
AQAAN MIYAA XAALKU?

Waraabii diyada loo qabsaday, waagii nebi yuusuf,

wala-haan ku dhaar-taye, khalqigu sheegay waa kaniye,

werwer baa i dilay, oo waxa i helay wiirsi joogto-ahe,

waagii berya-ba waxan arkaa, waali dihi-nayde,( tima-cade),

Markaan is idhaaho wax taran-saba saw tii-alle meel ma sii taal oo xagga kale iskama rogto, wareer iyo humbaa-layn, hadal tiro aan meel haysan ma mijo xaabiso danaha ummadda, oo in gaar ahi is ma hor taagto wixii la samayn lahaa, aniga oon cid gaar u jeedin ee guud ahaan uga hadlaaya, maxaa keenay in fooda la isla galo, oo mid-ba-mid faraha ku fiiqo iyo eedo la isu abuuro, ma CANAAD iyo isu FIIRSASHO aan wax soo kordhi-nayn baa faa’iido dhalaysa, RUUGAGA OO LA ISU AASTO, WALLEE LA IMA MARO, IYO CIRKA SOO DUMI, miyaanay ka wacnayn in dhanka toosan laga eego, la ilaaliyo magaca iyo danaha dalka iyo dadka reer SOMALILAND, afla-gaado, cay, iyo isku taagni goormaa la dhaafi doonaa, tan imika taagan sadex bilood baa isku haysaane ma laga yaaba inta aad wada tirsa-naysaan in aad iska halay-saan wakhti intaaas ka badan, mase ka feker-teen dhibaa-tada aad ku keenay-saan SOMALILAND ee dib u dhaca keeni kara dhinaca aqoon-siga, ama wiirsi o aad inagu GALGA-LATAAN, maxaa hoos ugu eegi way-deen ummadda dhibta aad ku abuuray-saan ee ah werwer-ka iyo niyad jabka ku imanaaya, ee ay ku beerayso waxa maalaa-yacniga ah ee aad isku haysa-taan, ma kursi-giina ayuun baa idin hor orday, oo sidaas baad ku rabtaan in la idin doorto, ma ogto-hiin haddii aad joojin waydaan khal-khalka aad wadaan in ay noqon doonto maah-maah-ddii ahayd KARIS XUN ADNA WAX KU LID, waxay idin ku lee-dahay ummaddu si degdeg ah heshiis wada jira ah u sameeya haddii kale idin-kaa CIRKA ROOB KU OG ee na wada dhaafa.

Waxa la yaab leh ummada aan ilaa imika waxay diidayso iyo waxa ay rabto aan kala gara-nayn oo kolba sida duunyo bahal aragtay dhan isugu yaacaysa, oo nin dan lihi go’a u ridaayo si uu u didiyo, sida ay sheega-yaan afrta (4) TUDUC ee kor ku qorani, weliba labada(2) ugu sareeyaa ay tilmaa-mayaan in khal-qigan nooli ee aan ka mid nahay wakhtigan aan joono uu yahay kii ugu liitay, oo aynu ku jirno kii uu ka faanay waraabahu markii uu u dhaara-nayey NEBI YUUSUF ( c.s.w.s) AABIHII ee uu waydiiyey DHURWAA MA ADIGAA CUNAY WIIL-KAYGGII? ee uu DHURWAA ku jawaabay waa-taan ka MICIIN HOOSEEYAA QARNIGA 14NAAD in aanan ka war hayn wiil-kaaggii NEBI YUUSUF(C.S.W.S),waa taas ta uu ka gabyey TIMA-CADE dad ma nihin, sida ku cad, SUURATUL YUUSUF, SUURATUL ANBIYAA, IYO SUURATUL ASXAAB waxay inoo sheegayaan, in markii ay caruurtii ay walaala-ha ahaayeen NEBI YUUSUF ceel ku rideen, ay soo qabteen dhurwaa yar oo ay dileen, dhiigii-siina marma-riyeen maryihii NEBI YUUSUF, dabeed-na ay u geeyeen AABA-HOOD oo markii uu yidhi mee YUUSUF ? ay ku jawaa-been waxa CUNAY DHURWAA oo waa kaas dhiigii-sii ku yaal dhar-kiisii,waraabii ama dhurwaagii markii uu su’aalay baa wuxu isaga oo ooyaaya ugu jawaabay DHAARTA KOR KU QORAN kass oo ah kan aynu ku jirno taariikhda ISLAAMKU waxay tahay1430 kii HIJRADDA, waa wakhtiggii uu sheegay DHURWAAGU,ka dib-na waa kii ciidan ooman u keenay ilaahay oo ay ka soo saareen, TIMA-CADE waa-kii lahaa casiis-kii nebi yuusuf, caruurtuu la dhashay markay ceel ku rideen, ciidan ooman u keenay, ee cajuul uga saara-yoow casii-soow waa mahadaa,

Waxan u soo qaatay maanta oo cad in aynu nahay ummadaa uu wraabuhu iska sarey-siiyey ee aan xumaan iyo been mooyee ka talin wax wanaag ku shuqul leh, bal u fiirsadda waxa imika ka taagan SOMALILAND ee ku saabsan DOORA-SHADDA gashay tirati-raynta iyo UUGAA-BINTA GUUBAA-BADA ah ee dareenka dadka lagu kicinaayo, oo ay wadaan-na kuwa isku haysta KURSIGA oo aan isu dhaamin ummada iyo dalka-ba, waxase ka sii daran oo ka xun kuwa SHICIBKA ah ee war-baahinta isku sii diraya,kuwaas oo la isticmaa-laayo, dagaal gelina lagu samay-naayo oo nin dan wataa SIIDHI u garaa-caayo, mid ku dhex tuurayaa DAB iyo BAARUUD ay ku basbee-laan, ma odhan karno waar badda isku la dhaca anaku ma rabno dagaal ooga’yaal( war lords), qas-na gelin raba haddii ay tahay dawlad iyo mucaarid intuba, waxad moodaa in sir la in aka hayo, oo ay-naan ka hadali karin, in aynu sida ay rabaan ee afka ay inoo geliyeen ku dhawaaq-no mooyee, naga fadhiista la odhan karin, waxan idiin sheegayaa, in aan mid-na inoo hayn naf iyo wax tar, ee ay inagu fusha-nayaan tooda ay xusul-duubka ugu jiraan, bal dib u xasuuso, oo mucaarid iyo muxaafid intuba hore bay inoo soo mareen, oo la waayey,marka laga reebo intii ay u socdeen kursiga oo ah ilaa shirarkii xusbi-yadda, maanta-na mar kaad doora-taan halkii ay ka bixi jireen bay marayaan oo waa hubaal inta weli-ba FOODA LA ISU-KIIN GELIYO SIDDII LABA WAN OO ISHIRDI-YAAYA, waxan la yaabay kuwa u shaqay-naaya ee mareegaha ku qoraaya iska horkeen-ka, dagaal-kana ula soo kala safan, miyaa loo daayo HAY’ADAHA ku shuqulka leh ee maamula laguna kalsoo-naado, maxaa keenay isu tiriska iyo cayda shicibka ku soo dhacaya ee dhega-ha loogu ridaayo hayaay iyo wareey miyaan laga dhamaan karin.

* N.B Nimaan waxa jooga garanini waxa soo socda ma garto ee dib isugu noqda.
waa abdirahman jama ahmed,

abdi-shotaly.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: