MA ANIGAA WAX-YEELOOY LAYGU KAA DUL WAABOO WEHEL LAYGA KAA DHIGAY?

MA ANIGAA WAX-YEELOOY LAYGU KAA DUL WAABOO WEHEL LAYGA KAA DHIGAY?
MA ANIGAA WAX-YEELOOY LAYGU KAA DUL WAABOO WEHEL LAYGA KAA DHIGAY?

Marka aan is idhaaho talaabo hor u qaadba, shan talaabo baan dib u noqdaa, oo waxan is arkaa aniga oo siddii baabuur tiiro ka bixi kari-waayey noqday, oo weli-ba halkii aan geer hore ka gelin lahaa, mid dambe iyo isu raaciyey kii ciida( SAND GEAR), oo uu iska-la kay shubay haadaan jilbis iyo abee-sooyin afka ku soo kala hayaan, ana aan madax-madax u sii quluula-naayo oo yaxaas afka ii sii kala waaxay ilayn wuxu bartay hilib-kagan macaan ee aan walqi-naayo’e, ee uu haad iyo habqale-ba ka haageene, hada-ba waxan halkan idiinku soo gudbi-nayaa masaska ah laba-iyo-luqun-madooba-yaasha aan JABDHANKA u ahay iyo sida la iigu soo halii-laayo ilayn waxan ahay solay dhaylo ahe ( haddii aan ahay shicibka’e ):-

*Hargay-saay ama sii jeeso ama soo jeeso anigaa kuu madax-weyne ah ( waxa yidhi RIYAALE),

*Laba-deena reerka yaw-weyn oo ah waayeel (AXMED SIILAANYO),

*Haddii reer-ku kala dido taloow yey u daran tahay( INA CALI-WARAABE),

* Mar idage alle ha dago, laba jeer idaga-na aniga hay dago (S.GAAL),

*Kaban-maayo nina oo kiishaddii barkaday ee kulayl-ka la jiif ( KORNAYL CAWIL),

*Ma dan baan ka lee-yahay ,hada haysku dareerto mar hadaa-nan helayn ( INA BIIXI),

*Sidaa maysku qabnaa mise waa qasanaa ( S.SULUB),

* Beeni maxay tari bora-maan ka imee ( SAYLICI),

* Wado halaq in maray baa waabay ka leefaye warma-haaga afayso ( INA DHOOLA-YARE),

*Dhaaxaan nin hana-qaad is biday soo hogaan baraye, ee oday haka dhicin salaa-madda ( INA WARAN-CADE),

*Waxaw halis ah badaw hay-jad galay inu halaa-baaye ( CIRO-HA GUDAHA),

*Mid horaa i-damqay oo dooda-haa ma galo ( CIRO-HA BAARLA-MAANKA),

*Ninka duday distoor-kiyo sharciga diinti ka caroowye ( GOLAHA GUURTIDDA),

*Nin shir ka baxoow siigo yare (GOLAHA XILDHIBAA-NADDA),

*Waraabe ciila haw qabin calala haw tuurin baynu ku shayqayn doonaa ( GOLAHA WASIIRADDA),

*Oo xagaan ku hadhaa heegadda haysku shareer-to, ee dab miyaan huriyo bal halkay isla gaadho ( GABOOSE),

*Ma anigaa qadaya, qiiqa waan arkayaaye, qarqarka aan ka lusho, oo waa ciddii ka qax-waysa ( INA-XAASHI),

*Qaxar baan dhigayaa, qayla-daydda dhegayso iyo qorsha-haan degayo ( ISMAACIIL-YARE),

*Ma cid bay iga horaysa, halgankii berriggii, halyey baan ka ahaaye ( LABA-TOLE).

* Dhalan-teed aan soco-naynin iyo ma dhegaysto warkaase, ee kulmiye waan ka dhaqaa-jay ( DHEGO-WEYNE),

* Waxan ahay nin doorkii, ma anigaa nin daba-gala, oo durbaan lay garaacaa? ( DARAWAL),

*Hadaan qaw-lalka buuxsho, oon qurus-kayga ka qaato, ma cid bay qaba-naysa ( BUUR-MADOOW),

*Wadaada-du beerka xaydha leh way cunaane, ilaahay maa ka yaab-taan oo na siisaan ( SH.AXMED YAASIIN),

*Inta nabadi joogtaa nin-ba laba nin leeg-yahay, ee naqa mayska daaq-daan ( CABDI-WARAABE).

*Mar hadaan ka gabayey, oon kadab-kaygi ka qaatay, maxaa iiga kidhiish ah ( KOMISHANKA QARANKA),

Akhriste-yaal halkaas bay ku dhamaatay RIWAAYADDII la magac baxday QALBI GUDHAN MIYAA QOSOL LAGU GODLAA
ee ay soo qaban-qaabiyeen HOOBALDDA WAABRI koox-deeda loo yaqaan XUKUNAL-QARQOOSH.

*.N.B. Ma anigaa midiyo la qarshaa laygu qali-doono?
waa abdirahman jama ahmed,
abdi-shotaly.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: