Layligu Biyahuu Daadiya, Lahashadu Jarbay Ka Rida Liibantu Waa Ma Is Af-garana: Yaa Jabiyey Dasuurkeena, Yaan U Jeedin Qaranimo, Jihadeese La Maraya

Aqoonta iyo sal-balaadhnidu waa mida aadamaha ku hagta is afgarad ku dhisan hufnaan, istixgelin, qadarin, iyo ilaalinta karaamada mujtamaca dabcana xigmadda qoraalkaygani sadaradiisa dacal saarani xanbaarsanyahay waxay ka turjumayaan xaaladda baahsan, beegan isla markaana la bogsiin karo ee dhex taall wakhti xaadirkani ardaayada ku hirdamaya golaha siyaasadda Somaliland.
taariikhdu akhristow kaagama baahna dib u eegis iyo daah-fur labaad laakiin yar iyo weyn si wanaagsan ayeynu uga dheregsanahay hilinkii dheera ee lagu yagleelay qarranka nabadda iyo caanaha ku naaloonaya ee Somaliland oo runtii abaalkeeda cid kale aanay sheegan karin marka laga reebo shacabka gobta ah ee Somaliland oo iyagu dhexda u xidhay sidii ay qol-qoladooda ugu joogi lahaayeen nabad.
Laakin akhriste nabad iyo caano lama heli karo haddii aan la helin isku tanaasul, is ixtraam iyo weliba hogaan caadil ah oo aan aqoon beenta iyo ballan furka, haddii aan la helin hogaamiye siyaasadeed oo afka ka dhawra xanafta, xafiiltanka iyo xinka siyaasadda, haddii aan la helin muwaadin dhawra maamuuska, milgaha iyo magaca qarrankiisa, masuuliyiintiisa iyo meeqaamka shacabka uu ka midka yahay.
Aan usii dego dulucda qoraalkayga eh miyaanay su’aashu noqonayn horta yaa khaladka lahaa, horta yaa saxsana, horta halkay sartu ka qudhunsantahay miyaanu reerku kala danbayn, miyaanu ogsoonayn meesha uu marayo.
Xukuumadda dalka ka talisa ee uu hogaanka u yahay Daahir Rayaale Kaahin waxaa la doortay wakhti hadda laga joogo 6 sannadood oo dhaw dhaw haddaanan khaldanayn waxay ku beegnayd bishii April ee sannadkii 2003-dii.
Haddaba muxuu dastuurku ka odhanaya astaynta muddada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, qodobka 88-ad ee dastuurka qarranka Somaliland faqradahiisa koobaad waxay odhanaysa sidani:

1.            Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka bo dhaariyo.

akhriste dastuurka kuma qorna madaxweynahu wuxuu xilka haynaya muddo 5 sanno ka  badan, dastuurka kuma qorna Madaxweynahu wuxuu xilka hayn doona 6 sanno ama 7 sanno, taasi macnaheedu waxay tahay Madaxweyne Rayaale wuxuu xilka ku fadhiya muddo dheeri balse haddana aynu usii gundo degno dastuurka qarranka eh wuxuu odhanaya

qodobka 83-aad faqradiisa 5-aad ee dastuurka Somaliland haddana wuxuu odhanayaa

  • Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto
u fiirso sababaha qodobkani cuskanayo, haddii ay suurtoobi waydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka: akhriste su’aashu waxay tahay wakhtigii sannadka ahaa ee Madaxweyne Rayaale wakhtiga loo kordhiyey ma nabadgelyo darro ayaa dalka ka jirtay mise xil-gadasho la’aan, wakhtigani aynu joogno ma nabadgelyo darro ayaa jirta mise xil-gudasho la’aan waa xaaran khaayinimo qarran ah in si khaldan loo macneeyo dastuurkani ummaddu u codaysay, oo kolba dadka reer Somaliland sifo aan jirin loogu macneeyo.
dastuurka Somaliland si cad oo waafiya ayuu u caddaynayaa sababaha uu Madaxweynaha ama ku xigeenkiisu ay u waayi karaan xilka Madaxweynaha ama ku xigeenka qodobka 96-aad faqradiisa 1-aad xarafka t) wuxuu odhanayaa Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Mad axweynaha lagu s00 oogo dembiyada kala ah:­
b. Khiyaamo Qaran (High Treason) ama

t.             Ku xad gudub Dastuurka.

u fiirso haddana akhriste xarafka T) ku xad gudubka dastuurka, marka Madaxweynahu odhanayo ha la ii kordhiyo xilka qarranka iyadoo aanay jirin nabadgelyo darro ama xabbad iyo dagaal socda oo saamaynaya nolosha dalku miyaanay ahayn ku xad gudub dastuur, dastuurku wuu sii wada ciqaabta uu Madaxweynaha ama ku xigeenkiisu mudanayaan wuxuuna odhanayaa  Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madax­bannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.

3.            Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca.  Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.

Haddii intaasi oo qodob aynu iska indho tirno macnaheedu waxaa weeyaan wax qarran ah oo  Somaliland la yidhaahda ma jirto waxaynu ku noolahayna waa indho sarcaad ee adeer inagu kala kaxeeya, haddii kale si loo hello cadaalad iyo sinaan waa inaanay cidina dastuurka ummaddu dhigatay ka saraynin, Madaxweyne walla madaxweyne ku xigeen walla hogaamiye xisbi, dastuurkaasi waynu u simanahay, haddii loo sinaan waayo nabadgelyo jiri mayso, wada hadal jiri maayo, is dhegaysi jiri maayo, marka ciddii caanaha si fiican ugu dhamaysayey adiga og, nabaddu waxay nabad ku tahay marka dastuurka la ilaalinayo, dawladdu waxay ku jirta markay dastuurka ilaalinayso, cidii ku xad gudubtana dastuurku wuxuu odhanayo waa in ciqaabtiisa la marsiiyo.

Sida aynu dastuurka ku arkayno waa xaaran meelna aan kaga qorayn in koomiishanka doorashooyinku ay wakhti kordhin karaan sababta uu dastuurku u cuskaday darteed, weliba iyaga haayad ahaan koomiishanku xaq uma laha inay kordhiyaan cidda kordhin kartaa waa golaha guurtida Somaliland, golaha guurtida Somaliland xaq u malaha inay kordhiyaan iyadoo aanay jirin xaalad ammaan darro ah sida dastuurka ku qoran.

Anigu ka suxufi ahaan ka Somalilander ahaan waxaan usoo jeedinaya cidda ay khusayso danta Somaliland oo ah

1. Koomiishanka Doorashooyinka Qarranka

  • Inay faraha kala baxaan waxaan dastuurku u jidaynin haayad ahaan
  • In ay raacaan dastuurka Somaliland isla markaana qodobka dastuuriga ah ay sidiisa u qaatan
  • In ay ilaahay ka baqdaan oofiyana dhaartii ay alle dartii u mareen inay cadaalad iyo garsoor ugu garnaqayaan shacabka iyo axsaabta

2. Xisbiyada Somaliland Gaar Ahaan Kulmiye

  • In Ay Afkooda ka dhawraan xumaan iyo inay xilka ku doonaan waxaan dastuurkaasi u farin
  • inaanay keligood isku koobin in xaq ka maqanyahay ee ay ogaadan in xaqa ay u socdaan uu yahay ka ummadda Somaliland
  • in ay xisbiga Kulmiye kala tashadaan arrintani haddii ay sifo kasta ku diidan yahiin, cidda keliya ee ay khusayso, dastuurku meelna kagama qorna in ay koomiishanku awood leeyahiin xallinta ama fara gelinta arrintani, waxaan u arka kulankii Kulmiye la yeeshay Koomiishanku inuu isaga laftigiisu ahaa mid dastuurka lagu jabiyey.

3. Xukuumadda Madaxweyne Somaliland Daahir Rayaale Kaahin/Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin

  • Waxaad qaloociseen oo aad sharaf disheen oo aad karaamadii ka qaadeen dastuurkii ummaddu u codaysay, idinkoo kolba dhinac u jiidaya waar ilaahay ka baqda, ilaahay ayaa sumcad iyo magac laga doona, ogaada inaydaan hogaanka qarranka aydaan ku waarayn, ogaada shilimaadka ummadu lahayd ee aad ugu takri falaysaan magac iyo maamuus ku doona wallaahi idinkoo ka madaw oo ka calala xun oo ka fool xun in berri markhaati la idiinka noqon cid idiinku naxariisan doontana aanay jirin, wallaahi cadaw idiinma ihi balse waxaan ka xumahay oo aan ka murugaysnahay sidaad shacabkii idin doortay u niyad jabinaysaan u bahdilaysaan u sharaf dilaysaan.
  • in ka badan 100 jeer oo aan imika ahayn oo aan shallay ahayn ayaad dastuurkii ummaddu dhigatay u burburiseen oo aad cagaha ula dhacdeen miyaydaan islahayn dastuurkani wuu idin qaban maalin aan maanta ahayn, sharaftii umaddu lahayd ayaad meel kaga dhacdeen shacabkii cid fayoobi ma jirto, shakhsi alla iyo shakhsigii aad is tidhaahdan idiin nasteexo maaha xabsiyada ayaad ku guraysaan suxufi, siyaasi, sheekh, caalim, waar ilaahay ayaan idinku dhaarye dadka u tudha oo isku tudha oo xishooda oo alla ka baqda.
  • Waxaad tidhaahdaan hebel hadalkiisu nabadda ayuu wax yeelaya, wallaahi idinka nabad wax yeelaya oo nabadda u cadaw ah oo nabadda ku warran ah, waar hooy jooga oo allaha weyn ee idin abuurtay ka baqda, waxaad tidhaahdeen xisbigayaga cid nagula tartamaysa ma jirto, waxaad ka dhigteen kii ina siyaad barre ee hanti wadaagii kacaanka oo kale, wallaahi idinkoo fool xun ayaad ummadda ka bixi doontaan.

4. Shacabka Somaliland

  • Waxaad mooda shacabyahow inaad tahiin sida ciyaarta khamaarka lagu dheelo oo kale oo idinka kolba dhinac wax la idinka tusayo, adduunyada dadka ku nool oo idinla qayrka ahi xaqa ayey u hiiliyaan u fiirsada wixii adduunyada ka dhacay Ukraine, USA, Thailand, u fiirso wixii ka dhacay qarnigani  ummadda ayaa diiday kuwii ku tacadiyey oo tidhi idin dooni mayno, waxaanu rabna inaan lagu xad gudbin dastuurkayaga, mucaarid iyo muxaafidka ku kala doorta kii idin dan ah, ninka odayga sheeganaya ee idinka iibinaya nabadda wax la yeelaya ee dastuurka jabiya iska dhax qabta oo ku yidhaahda idinkoo cod dheer ku hadlaya waxaanu wax ku nahay waa dastuurkaasi oo la raaco, haddii aad raacdan xeerarkaasi dastuurka ku qoran wax idinka xumanayaa ma jirto, haddii aad diidan cidii ku xad gudubta dalku waa hubaal inuu gaadhi doono meesha uu higsanayo.
  • shacabyahow ha ku doorsanina masiirkiina ummadnimo laaluush iyo shilimaad ilaahayban idinku dhaarye ku bedela oo ku diida damiirkiina kii aad aragtaan inuu nafahiina iyo ta dalkiina khatar ku yahay, ku doorta kaad u aragtaan inuu wanaag idiin horseedayo maskaxdiina oo xor ah oo aan la gashan laaluush.

Ilaahay ayaan uga beryaya shacabka somaliland inuu ka bad baadiyo dhib kasta oo soo food saarta iyo dhammaan ummadda muslimiinta ahba

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Hadhwanaagnews, London Office
diridhaba@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: