SIDEEBAA LOOGU AAMINI KARAA NIMANKA DIIDAN 91 MAALMOOD IN AY MAAMULAAN DALKA?

SIDEEBAA LOOGU AAMINI KARAA NIMANKA DIIDAN 91 MAALMOOD IN AY MAAMULAAN DALKA?

Sideebaa loogu Aamini Karaa Nimanka Diidan 91 Maalmood in ay maamulaan Dalka?

Sida la wada ogsoon yahay waxay dhawaan Komishanka Doorashooyinku shaaciyeen mudada rasmiga ah ee ay ku qabsoomayso doorashada Madaxtooyadau, taasoo ah 31/May/09. iyadoo mudadii hore loogu asteeyay oo ahayd 29/03/09 oo heshiis loo dhan yahay ku gaadheen Asxaabta Qaranka iyo Komishanka doorashooyinku, iyadoo hore loogu heshiiyay in haddii doorashadu ku qabsoomi waydo 29/03/09 ay saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanku ay dib uga heshiisyaan maalinta dambe.

Haddii aynu dib u eegno duruufihii ay ku qabsoomi wayday wakhtigii loogu tallo galay , waxa ka mid ah hawshii Diiwaan gelinta, Kala saarista dadkii is diiwaan geliyay , kharashkii lagu hawl geli lahaa oo aanay weli bixin deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo farsamooyin dhinaca cilada ah.

Bishii hore waxa dalka yimid wefdi ka socda deeq bixiyayaasha, kuwaasi oo cadeeyay in aanay suurta gal ahayn in doorashadu ku dhacdo wakhtigii loo asteeyay ee 29/03/09, sidoo kale Komishanka doorashooyinku waxa ay toddobaadkii hore ka hor cadeeyeen in aanay doorashadu wakhtigii loogu tallo galay aanay ku qabsoomaynin duruufo badan iyo dhaqaale awgeed, sidoo klae waxa ay Komishanku in badan ku cel celiyeen in aanay xukuumad iyo mucaarid toona shaqo ku lahayn hawlaha dib u dhigista iyo Mudaynta doorashada oo ay Komishanka iyo saddexda xisbi Qaran ay heshiis ku gaadhayaan muddaynta maalinta la qabanayo doorashada.

Haddaba, Maalmihii ugu dambeeyay waxa komishanka doorashooyinku ku hawlanaayeen in ay isugu yeedhaan saddexda Xisbi Qaran oo ay wada tashi uga yeeshaan mudada cusub ee ay Komishanku shaaciyeen oo ah 91 Maalmood in lagu daro wakhtigii hore oo ku beegan 31/05/2009.

Kulankan saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ay wada yeelanayeen Komishanka iyo xisbiyada Qaranku , waxa ka soo qayb galay Xisbiyada UDUB iyo UCID, balse waxa lama filaan iyo argagax ku noqotay Komishanka markii Xisbiga KULMIYE qaadacay ka qayb galka kulanka iyo maalinta loo asteeyay oo ah 31/05/2009, taasi oo ku timid sifo dastuuri ah.

Diidmada uu ku kacay xisbiga KULMIYE , ayaa naxdin iyo wel wel badan ku abuurtay Bulshada reer Somaliland gudo iyo dibadba iyo dhamaan Bulshada Caalamka ee daneeya arrimaha Somaliland.

Waxay dad badani aaminsan yihiin in mowqifka diidmada ah ee KULMIYE oo ah 91 maalmood oo kaliya in aanay diyaar u ahayn in ay doorasho ka dhacdo dalka oo ay diyaar u yihiin in ay qas iyo jahawareer iyo weliba Nabad gelyo darro dalka ka abuuraan oo ay weliba dalka si inqilaab ah ku qabsadaan.

Waxa wax lala yaabo ah in Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Siilaanyo ku doodayo hadalo aan dastuuri ahayn oo meel alla meel ay dastuurka kaga qoran tahay aanay jirin in Golayaasha Sharci dejintu soo dhisaan Dawlad ku meel gaadh ah oo dalka ka talisa, qodobka 83-aad, faqradiisa 3-aad waxa uu sheegayaa in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay bedeli karaan Madaxweyne iyo ku xigeen la soo doortay, waxa ay isweydiintu tahay Gudoomiyuhu miyuuna akhrisan tollow Dastuurka Dalka u yaala? Waaba Yaab!.

Haddaba, waxaan u sheegayaa Bulsho weynta Somaliland iyo cid kasta oo jecel wanaaga iyo horumarka dalka in ay ka foojignaadaan nimanka aaminsan ee sugi kari la’ 91 maalmood, waxaan leeyahay nimanka intaa sugi kari waayay , miyaa lagu aamini karaa in ay maamulaan dalkan curdinka ah?.

Alla Mahad leh

Khadar Maxamed Xuseen
Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: