QURAANKA KARIIMKA AH IYO SAYNISKA CASRIGA AH QAYBTII 2 AAD

QURAANKA KARIIMKA AH IYO SAYNISKA CASRIGA AH QAYBTII 2 AAD
Akhristeyaal waxaan idiin soo gudbinayaa qormadii labaad ee ka hadlaysay Quraanka Kariimka ah iyo Sayniska Casriga ah.

Mawduucan maantana waxaan ka soo xigtay Dr Zakir Naik, oo ah aqoon yahayn Muslim ah una dhashay dalka India, iyo buugaag kale oo aan akhriyay. Waa tan
Quraanka iyo Fikradda Atomka(Atomicity)

Intii aanu Quraanka Kariimka ahi soo dagin.Aadmiga adduunka korkiisa ku nooli waxa uu aaminsanaa fikrado qaldanaa oo ay ka mid ahayd in uu Atomku yahay waxa ugu yar ee jira.Isla markaasna aanay jirin walax ama saxar ka yar atomka oo caalamka laga helaa.
Atom waa eray Giriig ah oo micnihiisu yahay “Undivisible” ama kii aan qaybsami Karin.Waayo waxa la rumaysnaa in aan atomka loo sii jajabin Karin saxaro ka sii yar yar jimidh ahaan.Fikradan Atomicity waxa keenay sida la sheego Philosopher Giriig ah oo la odhan jiray Democratus oo noolaa 500(Shan boqol oo sanno) Dhalashadii Nabi Ciise ama Taariikhda Miilaadiga ah ka hor.

Laakiin Quraanku markii uu soo dagay.Ayuu Ilaahay ka waramay in aanay Ilaahay waxba ka qarsoonayn.Oo wax kastaaba ay u muuqdaan Waynaha.Waxaasi ama Atom ha ahaadeen ama wax ka sii yar ha ahaadeene.Isaga oo Ilaaha arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi:

“Kuwii gaaloobay waxa ay dhaheen nooma imaanayso saacada(Qiyaame).Waxaad tidhaahdaa sidaas ma aha.Ee Eebbahay ayaan ku dhaartee way idiin iman doontaa.Eebahay waa wax maqan oge, wax darro(Atom) le egna kagama qarsoona samooyinka iyo dhulka iyo wax ka yar iyo wax ka wayn midna.Wax walbana kitaab cad ayay ku sugan yihiin” Aayada 3 Suuratu Saba.

Haddaba aayadaas Quraanka ah waxa ku xusan in aanay Ilaahay ka qarsoonayn Atom, iyo wax ka yar iyo wax ka wayn toona.Atomka wax ka wayn waa la garan karayay xilligaas laakiin aqoonta gaaban ee bani aadamku may gaadhin in ay ogaato in ay jiraan wax ka yar atomku.Waxaana la rumaysnaaba in Atomku yahay shayga u yar ee uu Matter ku ka samaysan yahay.

Matter ku waa wax kasta oo cuf(Mass) leh, oo culays(Weight) leh oo meel madhana buuxin kara(Volume).Shay kasta oo adduunka kor yaalla oo buuxiya saddexdaas shardi waa maatar.Maatarkana waxa loo qaybiyaa 1.Wax nool iyo 2.Wax aan noolayn.
Haddaba goorma ayaa la ogaaday in ay jiraan qurubyo ama saxaro ka yar yar atomku?
Markii la sameeyay waynaysooyinka casriga ah(modern microscopes) ayay suurtogashay in waxbadan laga ogaado Atomka.Waynaysadii koowaad ee shay waynayn karta 30 jeerna waxa la sameeyay 1590 waxaana sameeyay nin la odhan jirey H Jansen.

Haddaba markii koowaad ee la ogaaday in jiraan waxyaabo yaryar oo Atomka ka sii yari waxa ay ahayd 1897 sanadkaas ayuu Saynisyahan magaciisa la odhan jiray Joseph John Thomson uu daahfuray in ay jiraan saxaro yar yar oo leh danab taban(negative charge) kuwaas oo ku dul wareega bu’da(nucleus) atomka.Saxaradan oo aan lahayn cuf badan ayaa uu ku magaacabay electrons.

Markii la ogaaday in ay atomka ku jiraan saxarro danabsan oo negative ahi ayaa la isku dayay in ay jiraan saxaro eh danab togan(positive charge) oo miisaama ama dheelitira danabkaas taban ee electronska.Waayo danabku sidiisaba waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo kala ah tabane iyo togane.Hadii meel laga helo danab tabane ahna waxa la helaa danab togane ah.

Sanadkii 1906 ayay saynisyahano magacooda la odhan jiray Rutherford Iyo Marsden ay daahfureen in ay bu’da atomka ku jiraan saxarro togan oo ka qaybqaata samaynta cufka atomka.Saxaradaasna waxa uu ku magacaabay protons.Barotoonadu waxa ay leeyihiin danab togan (positive charge).Tiro ahaana waxa ay leeyihiin tiro la mid elektaroonada marka aanu atamku falgal samaynin.Ee aanu ama bixin, ama soo qaadan, ama qaybsan elektaroono kale.Isleekaanshaha tirade barotoonada iyo elektaroonada atamkuna waxa ay atamka danabkiisa ka dhigtaa mid dhexdhexaad (neutral) ah.

Daahfurkii saxarada atomku way sii socotay oo sanadkii 1932 ayuu Saynisyahan la odhan jiray James Chadwick uu daahfuray in ay bu’da atomka sidoo kale ku jiraan saxaro aan danab lahayn oo dhexdhexaad ahi(neutral particles).Waxaanu saxaradaas ku magacaabay neutrons.Nuyuutaroonadu waxa ay ka qayb qaataan samaynta cufka atomka.

Haddaba miyaan la odhan Karin “Quraanku waxa uu sheegay in ay jiraan wax atomka ka yari 1400 sanno ka hor.Sayniskuna waxa uu arrintaas ogaaday in ka yar 130 sanno ka hor?”.Dabcan waa la odhan karaa.Quraankana waxa soo dajiyay Ilaahay oo og wax badan oo illaa hadda inaga qarsoon.

Ilaahay isaga oo mar kale sheegay in ay jiraan wax ka yar atomku ayuu yidhi:
“Wixii xaal ah ee aad ku sugan tahay. Wixii Quraan ah ee aad akhrin.Wixii camal ah ee aad falaysaan(qabanaysaan)waan idinla joognaa(ognahay) marka aad dhex galaysaan.Kagama qarsoona Eebahaa darro (atom) wax leegi dhulka iyo samada toona iyo wax ka yar darro iyo wax ka wayniba kitaab cad ayay ku sugan yihiin”. Aayada 61 Suurat Yuunus.

Ilaahay waa mid waa mid wax walba la socda.Iska daa wax adduunka kor yaalla ee waxa uu ogyahay waxa aynu laabteena ku qarinayno.

Rabbanaa La Tu’aakhidnaa In Nasiinaa Aw Akhda’naa.

Siciid Maxamuud Gahayr
Hargeysa
saedmgahair@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: