WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO ISNIIN AH MAR.02 2009

WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO ISNIIN AH MAR.02 2009

Wararkii Wargeyska Ogaal, Isniin Mar.02, 2009.

Xisbiga UCID muxuu ka yidhi dhismaha dawlad-wadaag ah?

“Haddii aanu u aragno in danta iyo Sharcigu ku jiraan in dawlad dhexe la sameeyo waanu aqbalaynaa”

Afhayeenka UCID………Waraysi

Hargeysa (Ogaal)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa caddeeyay inay aqbaleen soo-jeedin uga timi Komishanka iyo hay’adda Interpeace oo jidaynaysa in muddo 91 maalmood ah doorashada Madaxtooyadu dib uga dhacdo waqtigii hore loogu heshiiyay ee 29 March.

Afhayeenka xisbiga UCID Xassan Xusseen (Codyare) oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay inay xisbiyada kale wada-tashi kala gelayaan waxa laga yeelayo iyo ta ay noqonayso dawladda hawsha sii wadaysa muddada doorashada ka hadhay. “Runtii markii hore waanu ka didnay, laakiin markii dambe waxaanu u aragnay inay suurtogal tahay, waayo waxaynu doonaynay in doorasho xor ah oo xalaal ahi dhacdo. Mar haddii Deeqbixiyeyaashii iyo Komishanku si wadajir ah u soo diyaariyeen waxyaabihii xanibnaa, wixii la isku hayayna laga baxay waxaanu u aragnay in aanu sidiisa u qaadano si doorashadaasi inoogu dhacdo, waxaana la yidhi ‘wax aanad hurayn horaa loo yeelaa.’ Sidaa darteed, waanu qaadanay arrintaas qoraalna waanu ugu jawaabnay aanu leenahay waanu aqbalay time-line-kaas (jadwalka kala horaysiinta hawlaha iyo muddaynta cusub).” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka UCID oo la waydiiyay jawaabta ay ka celiyeen soo-jeedintaa hore. Wuxuuna intaa raaciyay; “Laaakiin, waxa daba yaala inkastoo uu maanta (shalay) 1 March 2009 bilaabmayo waqtigani (91 maalmood ee lagu daray doorashada), haddana wixii u muuqata ee ka baxsan xilligii Sharcigu sheegayay waxaanu la qabnaa xisbiyada kale, sababtoo ah halkaa tashi talo qaran baa kasoo baxaysa.

Markaa haddii kuwan loo daynayo muddadaa iyo haddii dawlad dhexe oo ka baxsan loo samaynayo, waa talo noo taala oo aanu xisbiyada kale la qaadanayno sidii uu horeba Xeerku noo jidaynayay ee ahaa in xisbiyadu leeyihiin go’aanka haddii wax korodhsiimo u muuqdaa soo baxaan oo ay xisbiyada iyo Komishanku iskaga imanayaan, taasna waqtigeeda ayaanu ka hadlaynaa oo aanu xisbiyada kale ka wada xaajoonaynaa.”

Waxa uu sheegay inay talaabadan u qaadeen si loo dardar geliyo hawlaha doorashada, wixii hada ka dambeeyana ay xisbiyada KULMIYE iyo UDUB wada-tashi kala gelayaan talaabada la qaadayo. “Talo ayaanu ka gelaynaa oo waxa aanu xisbiyada iyo Komishanka isla garano baa la qaadan doonaa oo ay Golaha Guurtiduna nagu raaci doonaan sida ku qoran qodobka 11-aad ee Xeerka doorashooyinku. Markaa wax aanu annagu UCID ahaan gaar u leenahay maaha oo waa talo qaran.” Sidaa ayuu yidhi Xassan Xusseen oo su’aal laga waydiiyay in dhismaha dawladda dhexe ku xidhnaan doonto mawqifka xisbigooda, maadaama xisbiga Kulmiye caddeeyay in aanu aqbalaynin in Xukuumaddani muddada doorashada ka hadhay sii wado xilka.

“Haddii aanu u aragno in danta iyo Sharcigu ku jiraan in dawlad dhexe oo ka madaxbanaan la keeno, waanu aqbalaynaa oo annaguba fikirkaas waanu qabnaa,” ayuu yidhi.

“Waa xil-gudasho la’aan in mar kale waqtiga dib loo riixo”

Kulmiye oo mawqif adag iska taagey sharci-darro uu kursiga ku sii fadhiyo Madaxweyne Rayaale

“Xisbiga Kulmiye wuxuu ugu baaqayaa Golayaasha Sharci-dejinta, inay masuliyadooda tahay inay dalka ka samata bixiyaan marxaladda siyasadeed ee murugsan.”

Hargeysa (Ogaal) – Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa ugu baaqey Golayaasha sharci-dejinta inay dalka Somaliland ka samata-bixiyaan wax ay ugu yeedheen marxalad siyaasadeed oo murugsan. Islamarkaana, waxa uu Kulmiye ku taliyey in la magacaabo xukuumad ku meel-gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorashooyin.

Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo shalay shir-jaraa’id ku qabtey magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay sheegeen in Xisbiga Kulmiye diyaar u yahay in doorashadii madaxtooyadu ku qabsoonto waqtigii loo cayimay ee 29.3.09. “Ka dib markii Doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee dhici lahayd 15/04/2008 ay waqtigeedii ku qabsoomi weydey XILGUDASHO LA’AAN MADAXWEYNUHU LEEYAHAY AWGEED, ayaa Golaha Guurtidu kordhisay mudadii xilka ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, kordhintaas oo mudadeedu ka bilaabmeysey 16/05/2008, kuna dhammaanayso 06/05/2009, iyadoo laga ambaqaadaayo mudadaas la kordhiyey ayaa Komishanka iyo Asxaabta Qaranku ay yeesheen wada tashi muddo dheer qaatay, ka dibna ku heshiiyeen in Doorashada Madaxtooyadu qabsoonto 29/03/2009.

Hase yeeshee, waxa hada muuqata in aanay qabsoomeyn Doorashadii Madaxtooyadu wakhtigii loogu tala galay 29/03/2009, sida ay Komishanku ka hor cadeeyeen Golaha Wakiilada 24/02/2009,iyo kulankii Asxaabta ee 28/2/2009.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye waxa uu tilmaamey in Madaxweyne Rayaale ka gaabiyey masuuliyada ka saaran diyaarinta saaxad doorasho iyo qodobadii heshiiska Axsaabta iyo Komishanku kala saxeexdeen markii xaaladu sidan oo kale u murugtey badhtamihii sanadkii aynu soo dhaafney.. “Madaxweynuhu in aanu marnaba diyaar u ahayn in Dalka Doorsho ka dhacdo, waxa daliil u ah, heshiiskii saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanku wada gaadheen 9, june 2008, waxa ku jiray Qodob lafdhabar u ah wada tashiga Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumada iyo xisbil xaakimka, kaasoo ah Qodobka 8aad ee heshiiska oo ah.

In la dhiso gudi farsamo oo saddexda Xisbi Qaran ay noqdaan Guddi joogta ah, una xilsaaran kalsooni dhiska Xukuumada iyo xisbiyada wada shaqayntooda.

Iyadoo marka hore uu Distoorku waajibinaayo in nidaamka Dawladnimo ay aasaas u tahay wada tashi iyo isqancin in lagu maamulo arrimaha Dawladeed.

Madaxweynuhu isagoo ku xadgudbaaya Distoorka, isla mar ahaantaasna aan fulineyn heshiiskii 9 june 2008, weli isuguma yeedhin Xisbiyada Qaranka, xisbil xaakimka ayaana diiday in Guddidaas la sameeyo.

Iyadoo Madaxweynaha iyo xukuumadiisu aanay fulinin dhammaystirka qabyadii Xukuumadu ku lahayd asbaabihii keenay dib-udhaca Doorashadii Madaxtooyada 15/04/2008”. Ayuu yidhi Kulmiye, waxaana uu tilmaamay in Golaha guurtidu kordhintii sanadka aheyd ee ay u sameeyeen ay ku muujiyeen in Madaxtooyada looga fadhiyo inay muddada loo kordhiyay ku gutaan dhameystirka hawlaha kaga aadan qabyada doorashada.

“Suurto-gelin la’aanta hawlaha kor ku xusan oo dhammaantood waajibkooda Distooriga ahi dusha ka saaray Xukuumada uu Madaxweyne Daahir Rayaale Madaxda ka yahay, waxay si mug leh u cadaynaysaa in ay jirto XIL GUDASHO LA’AAN iyo in aan Madaxweynuhu mar-naba diyaar u ahayn in ay dhacdo Doorasho MADAXTOOYO, oo nidaamka is-bedelka Dawladeed ku yimaado Doorasho xor iyo xalaal ah u dhacda wakhtigeediina dhacda, balse uu Madaxweynuhu ka door bidaayo in ay Doorashadii bedesho NIDAAM KORDHINEED, XILKANA UU SIDAAS UGU SII NEGAADO, taasina ay meesha ka saarayso, burburineysana hanaankii geedi socodka Dimuqraadiyadeed ee aduunku inagu meeranaayey.” Ayuu Xisbiga Kulmiye ku dooday.

Waxana uu soo qaadey oo kale, qodobada sharci ee hanaanka dawlad-nimo ku dhisanyahay ee is dheelitirka Golayaasha xeer dejinta iyo fulinta. “Waxa kale oo Distoorka Qaranku si buuxda u tilmaamaya, inay Doorasho toos ah ku imanayaan Golaha Sharci-dejinta, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Mudada ay xilka haynayaana ay tahay mudo shan (5) sanadood ah sida ku cad qodobada Distoorka Qodobka 88aad , Qodobka 83aad, faqradiisa 1aad, Qodobka 40aad, Qodobka 42aad.

Habsami u socodka hanaanka Dimuqraadiyadeed waxa lafdhabar iyo tiir-dhexaad u ah nidaamka Doorashooyinka.

Mar kasta oo hakad, baaqasho, iyo ka guur Doorashooyinka ay yimaadaan, waxaynu ogsoonahay inay timaado dib-udhacyo saameeya geedi socodka Dimuqraadiyadeed, horumarka dhaqaale iyo nidaamka Dawladeed oo noqon waaya mid hanaqaad ah.” ayaa yidhi Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye oo hogaankiisu aanu u kala hadhin shirkan jaraa’id ee ay ku muujinayaan mawqifkooda la xidhiidha in dib mar kale loo riixo doorashada, oo maalin kaliya ka danbeeyay Kulan Komishanku ugu soo jeediyay inay ka tala-bixiyaan jid-wal hawleed ay ku sheegeen in laga yaabo in doorashadu 91-maal-mood ka dib dhacdo, marka la baahiyo qandaraaska waraaqaha cod-bixinta, waxay ku soo gunaanadeen qodobadan. “Xisbiga Kulmiye markii uu arkay;-In rajadii geedi socodka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland ay soo oodan tahay.

In Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland aanu diyaar u ahayn in uu fuliyo waajibkiisa Distooriga ah ee kaga aadan qabsoomida Doorashooyinka.

In Madaxweyne Daahir Rayaale uu hadda isu diyaarinaayo in mudada xilka loo kordhiyo, iyadoo hore u kordhistay saddex jeer oo hore.

In Madaxweynuhu ka guuray nidaamkii Dimuqraadiyada ee Doorashooyinka, una digorogtey mudo kordhin in uu xilka ku hayo.

In aanay Madaxweynaha ka muuqan wax ifafaala iyo raja ah shacbiga u suuragelinaaya in ay fuliyaan waajibaadkooda Distooriga ah ee gudashada Doorashada ay u diyaar garoobeen, kana dhursugayeen in la qabto wakhtigii loo qorsheeyey 29/03/2009, taasoo diyaargarowgii iyo hawlgalkii dedaalka xad-dhaafka ahi ku jiray shicib weynuhu u fuliyeen barnaamijkii Diiwaangelinta codbixiyeyaasha, Doorashada oo dib u dhacdaana shicib weynahan Somaliland ay gelinayso moral jab rajo beel ah.

Sidaas daraadeed, Xisbiga Kulmiye wuxuu go’aansaday;-

1. In madaxweynaha JSL ay mudadii IGMASHADA DASTUURIGA AH ee xilkiisu ay dhammaatay .

2. In aanay Suurtagal ahayn in mar afaraad mudo kordhin lagu sameeyo xilka Madaxweynaha.

Maadaama ay Doorashadii Madaxtooyadu ay laba jeer ku dhiciweydey wakhtigii loo qorsheeyey, sababta baaqashaduna ay tahay oo keliya ah xil gudasho la’aan mas’uuliyadeeda uu leeyahay Madaxweynuhu.

Xisbiga Kulmiye wuxuu ugu baaqayaa Golayaasha Sharci-dejinta ( Guurtida iyo Wakiilada ), inay masuliyadooda tahay in dalka ka samata bixiyaan marxaladda siyasadeed ee murugsan.

Sidaasi darteed, wuxuu Xisbiga Kulmiye soo jeedinayaa in la magacaabo xukuumad ku meel-gaadh ah oo dalka gaadhsiisa Doorasho.”

Shaxda Odoroska miisaanida 2009

Cawil muxuu shalay kala kulmay Golaha Wakiillada ?

“Dhawrkii sanno ee aan Wasiirka ahaa mar qudha Cashuur maan kordhin”

Wasiirka Maaliyadda

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa shalay Golaha Wakiilada Somaliland horgeeyay Odoroska Miisaaniyadda Sanadkan 2009, isla markaana ka warbixiyay sababta keentay dib-u-dhac ku yimi waqtigii Miisaaniyadda la horgeyn lahaa Golaha Wakiilada oo muddo-dhaaf ah.

Wejigii fadhiga:

Fadhigii Golaha Wakiilada ee shalay oo uu shirguddoominayay Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Golahaas Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ugu horrayn waxa uu Guddoomiye-xigeenku Mudanayaashii fadhigaa ka xaadiray ku wargeliyey in Wasiirku marti u yahay Golaha, isla markaana uu Golaha ka horjeedinayo Khudbadda iyo faahfaahin ku saabsan Odoroska Miisaaniyadda sanadkan 2009. Waxaana Mudanayaasha loo qaybiyay Diiwaanka Odoroska Miisaaniyadda sanadkan oo uu ku salaysnayd Khudbadda Wasiirku.

Maxaa xigay:

Wax yar uun ka dib markii Wasiirka Maaliyaddu isku dayay in uu hadalkiisa bilaabo, waxa qaylo iyo sawaxan la sara joogsaday Xil. Siciid Maxamed Cilmi oo xubin ka ah Golaha Wakiilada. “Wasiir, meeshani waa Gole Sharci-dejineed oo Xeerar baa u yaala, Xeerarka u yaalaa waxa weeye in aad Golaha horkeento Xisaab-xidhadii Miisaaniyadihii hore.

Wasiir kaama hayno Xisaab-xidhadii 18-kii bilood, Wasiir waxaanu kaa codsanaynaa in aad tixgeliso qoraalka aad qortay.” Ayuu ku dhawaaqay Xil. Siciid. Hase ahaatee, waxa isna sara kacay, isla markaana is-hor taagay Xil. Siciid Mudane kale oo ka tirsan Golaha, kaas oo ka horjeeday aragtida iyo hadalka Xildhibaanka. “Fadhiiso, Adiga ayaan kula hadlayaa ee fadhiiso, haddii kale..” sidaa waxa ku hanjabay Xil. Cabdiraxmaan-Aw-Xoog oo u muuqday mid aragti ahaan taageersanaa Wasiirka.

Intaa ka dib, waxa buuq iyo hugun isla oogsaday guud ahaan Mudanayaasha Golaha ku sugnaa, kuwaas oo kala taageersanaa labada Xildhibaan. Buuqaas ayaa keenay in uu hakad galo hab-sami u socodkii Fadhigii shalay ee Golaha. “Xildhibaanka aan fadhiisani Golaha wuu ka baxayaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Cabdicasiis Samaale oo Munadayaashii isla sara kacay ka codsaday in mudane kastaa Kursigiisa fadhiisto. Inkasta oo munadayaasha badankoodu fadhiisteen, haddana waxa hadalkiisii iyo dooddiisii halkaa ka sii waday Xil. Siciid Maxamed Cilmi, taas oo keentay in Golaha dibedda looga saaro.

Weedhihii Wasiirka:

“Waan ka xumahay buuqan, hase ahaatee Baarlamaannada Dunida oo dhan ayay ka dhacdaa sidan oo kale oo Baarlamaanka aan buuq lahayni Baarlamaan maaha.” Ayuu hadalkiisii ku bilaabay Wasiirka Maaliyaddu.

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu ka hadlay waxyaabaha keenay in waqtiga Odoroska Miisaaniyadda la horkeeni lahaa Goluhu ay waqtigeedii dhaafto. Isla markaana wuu ka cudur-daartay dib-u-dhaca ku yimi. Waxaanu ku sifeeyay qalalaasaha Dhaqaale ee Dunida ka dhacay.

“Miisaaniyadda aanu samaynay ayay tahay in aanu salka u dhigno, waayo Ganacsadihii Cashuurta laga qaadayay ee keensan jiray 10,000 oo Tan, wuxuu keensadaa 5,000 oo Tan. Taas ayaa dawlad ahaan dakhligayagii koobtay. Caymiskii Badda ayaa ku qaaliyoobay oo kacay, Shirkadihii ayaa ku kiciyay markay maqlaan Soomaali oo ay ka shaki qabaan Budhcad-badeedda dunida kharribay.

Duruufahaas ayaa yimi oo dib u dhaca keenay, Wasaarad ahaan waanu idiinka mahad-naqaynaa muddada aad fadhigiina ku kordhiseen iyo dulqaadkiina oo waajibkiina ahaa..Sanadkii 2008 wuxuu ahaa sanadkii noogu cuslaa, balse waanu ka samata-baxnay. Waa cudur-daar rasmi ah oo jira, maaha mid ay Wasaaraddu ku cudur-daaro uun isleedahay.” Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

Xuseen Cali Ducaale hadalkii uu halkaa ka jeediyay waxa ka mid ahaa Weedho u muuqday xod-xodasho Siyaasadeed oo uu ku doonayay in lagu ansixiyo Miisaaniyadda Sanadkan. “Haddaanu Xukuumadda nahay diyaar baanu idiin nahay wada-shaqaynteenuna ma kala maaranto.

Albaabadayadu way idiin furan yihiin in aanu idinla shaqayno oo haddiiba mugdi idinka galo aad noo timaadaan oo aanu idin tusno Xisaabaadka. Doorashaa inagu soo fool dheh oo dhacaysa, taas oo ay Miisaaniyadda ku jirto Kharashkeedii.” Ayuu yidhi Cawil Cali Ducaale.

Wasiirku wuxuu sheegay in Miisaaniyaddii sanadkii 2008 aanay is-daboolin, isla markaana ay dib ugu noqdeen Miisaaniyaddii sanadkii 2007.

Sidaa darteed, wuxuu Golaha ka codsaday in ay ansixiyaan Miisaaniyadda sanadkan. “Guddoomiye iyo Mudanayaal, markii Miisaaniyaddii 2008 ay is-dabooli wayday waxa dib loogu noqday tii 2007 oo lagu daray wixii muhiiim ah, sida Mushaharooyinka iyo gunnooyinka, maadaama ay kordheen Shaqalaha iyo Ciidamadu..Waxaana kordhay 33,092 Qof oo Shaqaale iyo Ciidamo isugu jira, Aniga oo aan xusayn tirada Milatariga kordhay.” Ayuu yidhi Cawil.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dhawrkii sanno ee aan Wasiirka ahaa mar qudha Cashuur maan kordhin, awood aynu ku dhinno-na ma lihin…Sidaa darteed, sida uu dhigayo Qodobka 55aad, faqraddiisa 1aad ee Dastuurka Qaranku, waxaan Golahan Sharafta leh si sharaf iyo maamuus leh aanu uga codsanaynaa in aad ansixisaan Miisaaniyadda Qaranka.”

Intaa ka dib, waxa uu Wasiirku halkaa kaaga dhawaaqay xaddiga ay dhan tahay Odoroska Miisaaniyad sanadeedkan 2009, waxaanu sheegay in ay dhan tahay 290,670,942,070/- (Laba boqol iyo Sagaashan Bilyan, Lix boqol iyo toddobaatan Milyan, Sagaal boqol iyo afartan iyo laba Kun iyo toddobaatan Shilin.) “Odoroska Miisaaniyadda kor ku xusan oo ka kooban Dakhli iyo Kharash qiyaasteedu isku dheellitiran tahay waxa ka muuqda korodh, marka loo eego Miisaaniyadda lagu saleeyay ee 2007, korodhkaasiina wuxuu ka soo jeedaa tirada Shaqaalah, Ciidamada oo aad u kordhay iyo qiimaha Raashinka oo saddex-jibbaarmay. Waxa kale oo raaca Kharashka Doorashooyinka oo isna kordhay.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Odoroska Miisaaniyadda haddii aan tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo waxay noqonaysaa sidan hoos ku qoran;

1-Odoroska Miisaaniyadda Dawladda dhexe:

Odoroska Miisaaniyadda Dawladda dhexe wuxuu ka kooban yahay sidan;

A. Dakhliga Dawladda dhexe:

Dakhliga D/dhexe waxa u sal ah Cashuuraha iyo adeegga kala duwan ee Dadweynuhu bixiyaan..Waxaan rejaynayaa in dadkeenu u soo jeestaan wax-soo-saarka.

Tafaasiisha Dakhliga:

Tafaashiisa Dakhliga sanadkan 2009 waxay ku cad yihiin shaxda hoos ku qoran, waxaananu odorosnay in dakhligani ka soo xeroodo goobaha hoos ku qoran;

SHAXDA 1AAD

B. Kharashka D/dhexe:

Markaanu dhinacyo badan ka eegnay ee Miisaaniyaddii 2008 soo bixi wayday, waxa khasab nagu noqotay in aanu qiyaas ka qaadano Miisaaniyaddii 2007 oo aan Saldhig uga dhigno Odoroska Miisaaniyadda 2009, laguna daro kharashaadkii Daruuriga ahaa ee soo kordhay 2008-2009.

Korodhka Miisaaniyadda:

Ma jiraan kharashyo lagu kordhiyay Miisaaniyadda 2009, hase ahaatee, marka la bar-bar-dhigo Miisaaniyaddii 2007 waxa faraqa kordhay ka soo jeedaa;

1. Korodhka Shaqaalah iyo Ciidamada

2. Korodhka Raashinka Ciidamada

3. Korodhka Raashinka Maxaabiista

4. Kharashka Doorashooyinka.

Waxa xusid mudan in aanu si gaar ah u kala muujino qaybaha Kharashyada Miisaaniyaddu ka kooban tahay;

SHAXDA 2AAD

Qaybaha Kharashka

Waxa shaxdan hoose ku muujinaynaa qaybaha Miisaaniyaddu ka kooban tahay;

SHAXDA 3AAD

2. Miisaaniyadda Dekedda Berbera

Waxa kale oo Miisaaniyadda aanu idiin soo gudbinay ka mid ah Miisaaniyadda Dekedda Berbera ee 2009 oo Odoroska dakhligeedu dhan yahay 25,480,837,338 (Shan iyo labaatan Bilyan, afar boqol iyo siddeetan Milyan, siddeed boqol iyo toddoba iyo soddon kun, saddex boqol iyo siddeed iyo soddon Shilin, Kharashkeeduna dhan yahay 25,480,837,338. (Way is-gooosatay)

Miisaaniyadda Dekedda ee 2009, dakhligeeda iyo Kharashkeedu wuxuu ka kooban yahay sidan hoos ku qoran;

SHAXDA 4AAD

Si kastaba ha ahaatee, maalinta sabtida ayaa guddida Dhaqaalaha Goluhu kulan la qaadan doonaan Wasiirka Maaliyadda, halka maalinta Axaddana uu Wasiirka Maaliyaddu Golaha hor iman doono mar kale si Mudanayaashu su’aalo u waydiiyaan, isla markaana waxa loo ballansan yahay Isniinta in ansixinta Miisaaniyadda cod loo qaado.

Madaxweyne Rayaale oo maanta socdaalaya Ingiriiska

Hargeysa (Ogaal) – Madaxwaynaha JSL Mudane. Daahir Rayaale Kaahin iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay socdaal ugu baxaan maanta Magaalada LONDON ee Dalka Ingiriiska.

Sida lagu sheegay shabakad Intarnetka ah oo afka madaxtooyada ku hadasha Madaxweyne Rayaale socdaalka la filayo inuu maanta ugu baxo dalka Ingiriisku waxa uu qorsheysnaa dabayaaqadii sanadkii hore, hase ahaatee waxa la sheegay in uu sababo aan la shaacin dib ugu dhacay.

Dhinaca kale, waxa jiray war soo baxay todobaadkan oo sheegay in Dawlada Ingiriisku dooneyso inay Madaxweyne Rayaale kala hadasho dib u dhacyada doorashooyinka oo inta badan loo tirinayo dhinaca Xukuumada inuu sababteeda leeyahay. iyadoo todobaadkii aynu soo dhaafney wasiirka Afrika u qaabilsan Dawlada Ingiriisku uu kala gaar ah la yeeshay xog-hayaha arrimaha dibada ee xisbiga Kulmiye, kaasoo saxaafada u sheegay in lagala hadlay arragtida Kulmiye ee doorashada, Islamarkaana shaaciyey in dawlada Ingiriisku ka Codsatay Madaxweyne Rayaale inuu dalkaas

booqasho ku yimaado.

Wafti ka socda Xisbiga UCID iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo xisbigaas ka soo baxay ayaa iyana socdaal ku jooga dalkaasi, kuwaasoo musuuliyiin kala duwan sidoo kale la kulmay.

“Been ay hore ugu heshiiyeen (Xukuumadda iyo xisbiyada) uun baa imika qar-qarxaysa”

Ibraahin Cabdillaahi Xusseen (Dhegoweyne)………Waraysi gaar ah

“Ninka (M/weyne Rayaale) muddadiisii way dhamaataye wixii dambe ee looga gudbayaa dadkay u taalaa, intii meesha joogtayna xalka way….”

“Waa in la helo cid dhexdhexaad ah oo xisbiyadu u sinaato, si ay muddadaa hawsha u sii wado” Axmed Sandoon

Hargeysa (Ogaal)- Muj. Ibraahin Cabdillaahi Xusseen (Dhegoweyne) oo ka tirsan masuuliyiinta urur-siyaasaddeedka UDHIS, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay masuul ka tahay dib-u-dhaca ku yimi waqtigii hore loogu heshiiyay inay ku dhacdo doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Ibraahin-Dhegoweyne oo uu shalay khadka telefoonka waraysi kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in heshiiskii axsaabta iyo Xukuumaddu ka gaadheen markii ay dhamaatay waqtigii xilka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu sabab u yahay in doorashadu mar kale dib u dhacdo. Isla markaana waxa uu ku taliyay in muddada ka hadhay xilliga doorashada xaaladdan cusub xalkeeda loo maro sida Distoorku dhigayo iyo go’aanka goleyaasha Baarlamaanka.

“Waxaanu taageersanahay waxa uu sharcigu qorayo in la raaco, qof walibana meesha Sharci ku fadhiyo. Waxa weeye; qofka muddo ayuu Distoorku siiyay, muddadaas uu ku egyahay maalinta ay gaadhana umadda ku soo celiyo xilka, waxa lagaga gudbayaana waa inuu Sharci noqdaa….Hay’ado Sharci baa inoo dhisan oo laba gole (Baarlamaanka) ah, waana in iyaga iyo Distoorka la raaco. Waa in mar dambe aanay dhicin sharci doorasho oo lagu ciyaaro iyo Distoorka oo lagu ciyaaraa, waana in si dhab ah laysu waydiiyaa waxyaabahan mar walba keenaya dib-u-dhaca, waana inay si xaq ah doorashooyinku u dhacaan.” Sidaa ayuu yidhi Muj. Dhegoweyne, wuxuuna intaa raaciyay, “Been lagu heshiiyay markii hore uun baa imika qar-qarxaysa.”

Mar la waydiiyay waxa ay tahay beenta lagu heshiiyay iyo cida ku heshiisay, waxa uu sheegay in heshiiskii axsaabta iyo Xukuumadda dhexmaray badhtamihii sannadkii hore uu keenay xaaladda xilligan ee doorashada. “Waxa ku heshiiyay wixii dib u dhigay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: