UCID IYO KULMIYE WAA IN AY RUMAYS-TAAN KOMISHANKA QARANKA!!!

UCID IYO KULMIYE WAA IN AY RUMAYS-TAAN KOMISHANKA QARANKA!!!
UCID IYO KULMIYE WAA IN AY RUMAYS-TAAN KOMISHANKA QARANKA!!!

KULMIYE IYO UCID HA KA NOQDO GO’AANKA AY KA GAADHEEN DIB-U-DHICISTA DOORASHADDA LAGU DHAWAAQAY, waa-na in ay rumays-taan shaqadda ay hayaan KOMISHANKU in uu daacad ka yahay, haddii kale waa ina wax kama jiraan, kalsoo-nidda aad ka rabtaan ummadda reer somaliland, maadaama ay idinka dhaadhici la’dahaysida ay garteen komoishanku, bal sidere baad u ugu qanci kartaan hadhoow marka la qaado ama la foodo ee ay go.aanka cida heshay sheegaan, imika waa in aad caday-saan in aad ku kal-soon tihiin KOMOSHANKA QARANKA iyo in kale inta aan la isla gaadhin-ba doorashadda, maxaad bal ka yeeli lahay-deen bal idinka oo maqala ama la idin yidhaaho dawladda baa waxan ka dambaysa, saw qoryo la isuma qaateen, waxay idin lee-dahay ummadda reer SOMALILAND waa in aad sirasmi ah ugu dhawaaq-daan aqbalaadda taladda KOMISHANKA QARANKU oo bal ha isku dirina iyaka laf-tooda, imka baad ka cabanay-saan riyaale iyo dawlada’e.

Haddii ay degdeg-siinyo door dhalaan,kaad-siinyo-na kiish lacag ah bay dhalaan, sidaas daraadeed, kulmiye ucid waxa u wacan in uu ka waan toobo go’aankiisa ku salaysan dib u dhigista doorashadda madax-weynaha,sabab-tuna waxa ay tahay haddii ay sidaas garteen kuwii ku hayey gacanta ee mansuulka ka ahaa in aanay qabsoomi-karin wakhtiggii loo qoon-deeyey markii hore ee ahaa 29/03/09, isla-na garteen dhamaan qaybihii ku shuqul lahaa ee interprice, komishinka, deeq- bixiya-yaashii iyo labaddii xusbi qaran ee kale ogaadeena waxa ay mush-kuladu tahay oo cid ka dambaysay aanay jirin, laakiinse ay tahay dhib meesha taala oorabata in la xalilo, haddii wax laga qaban waayao-na ay keeni karto khasaare maalinta foodka, soona bixi karto wixii la dhayal-saday ee laga dul booday, taana ay yeelan doonto kulmiye ucid haddii aanay ka waan-toobin go’aankan uu ku dhawaaqay shalay 02/03/09, muranku wuxu sii badinayaa wakhti sii kordha oo ka sii badan inta aad ka dooday-saan. GOLE-YAASHA QARANKU-NA waa in ay degdeh ah arintan meel ugu tiiri-yaan caqli-gal ah, iyaka oo rumaysan waxa wanaagu uu yahay ee ay ka fursan waydo in lagu dhameeyo, khasab-na laga-ga dhigo KULMIYE, UCID, UDUB in ay ku kalsoo-naadaan hay’adaha ay khusayso arintani oo ay faraha iyo bac-bacda joojiyaan.

Waxa dhici kara maaha in ay dhacdo dawlad ku meel-gaadh ah oo la dhiso inta foodka lagu daray oo la rido tan dhisan, waxana ay cadaynaysaa in aad rabtaan kana talinay-saan in aanay jirin dawlad somaliland ahi, wax la aqbali karo-na way ka fog-tahay oo maskax-na geli kara, ta uu sheegaayo GUDOOMIYAHA UCID-na waa waali ka sii daran ta uu sheegaayo SIILAANYO, sida uu ku dhawaaqay INA CALI WARAABE, ee uu yidhi, ha joogeen madax-weynaha iyo ku-xigeenku, oo ha la rido wasiirada oo dhan iyana waa wax aan hore uga dhicin aduunka iyo khal-khal abuur buuxa, taasna cid yeeli karta majirto, ee bal idinku ha isku sii kordhi-nina muda-daad ka dooday-saan ee ah sadex bilood, dhibna ha u bilaabina ummadda, dawlad cayn-kaas tidhi ma jirto ee waxay u dhacday dar ALLE iyo inaka oo aan u lahayn KHIBRAD waxan aan wadno, weliba ay xusbiyadda MUCAARIDKU codsa-deen diiwaan-gelinta in la sameeyo, farsamo iyoaqoon la’aanta inaga haysay siyaa-baha loo qabto awgeed bay ka dhalatay ee maaha wax ay keentay ama doonayso dawladu, sidaa-na waxa cadeeyey KOMISHANKA QARANKA oo ku celce-liyey dhawr jeer iyo inta ka badan, sidaas darteed waa in ay jooji-yaan UCID IYO KULMIYE xaalad abuurka ay wadaan ee ay ummadda welwelka ku ridayaan.

** n.b. Nimaan weedhaadu gelin waran-kaagu ma galo, (ee ha idin galo talada komidshanku).

waa abdi-rahman jama ahmed,
abdi-shotaly.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: