QUNBULADAHII MUDANE RIYAALE DHIGAY AYAA TII UGU HORAYSAY KU QARAXDAY WALAALAHA GABILEY IYO BOORAMA

QUNBULADAHII MUDANE RIYAALE DHIGAY AYAA TII UGU HORAYSAY KU QARAXDAY WALAALAHA GABILEY IYO BOORAMA
Waxaan baaq u dirayaa muwaadiniyiinta walaalaha ah ee Gabeliy iyo Borama inay ka feejignoodaan qunbuladaha qorshaysan ee ku salaysan siyaasadda gabawday,lana adeegsaday deegaanka muranka la geliyay si aad uga jeedsataan danaysiga doorasho ee laydinka fushanayo.

Waxan tacsi u dirayaa dhamaan shacabka Somaliland, ehelada,asxaabta geerida innagu timi ee labada marxuun, allaah waxan uga baryayaa denbi dhaaf iyo inuu ka waraabiyo jana fardawsa.

Xukun oo qaybi waa dhaqan siyaasadeed oo aad u liita, haatana badi aduun weynahu ka gudbay,waxa se ayaan darro ah xisbul xaakimka ka taliya Somaliland oo weli adeegsanaya habkaas oo aan la jaan qaadi karin halganka ay Somaliland ugu jirto ku dhaqanka dimuqraadiyada ku salaysan shareecada islaamka. Waxaynu ognahay muddadii uu hogaanka dalka hayay xisbul xaakimku hormoodna u yahay Madaxweyne Riyaale inuu dalka ka fuliyay dhibaatooyin kala duwan oo abuuri karaayay isku dhac shacabka dhexdiisa ah,laakiin awooda allaah(SWT) iyo shacabka oo duuduub u liqay ayaynu kaga soo gudubnay.

Falka maanta ka dhacay labada gobol ee ood-wadaagga leh, Gabiley iyo Borama, waxay ku salaysantahay siyaasadda gurracan ee uu adeegsanayo xisbul-xaakimku,una marayo jid qardo-jeex ah,kuna doonayo inuu ku hantiyo codka shacabka Somaliland.Waxa la magacaabay gobolo tiro badan,lamana kala xadayn deegaanada gobolada la magacaabay ee ood-wadaaggu ka dhaxeeyo iyo kuwii horee jiray ee ood-wadaaga la leh kuwa la magacaabay.

Waxaa halkaa ku cad inay jiraan deegaano ay dawladu muran gelisay sida deegaanka waqooyiga Gabiley,deegaanka waqooyiga Hargeysa,deegaanka ballaadhan ee Sallaxley kana tirsan gobolka Maroodi-jeex,haatana xisbul-xaakimku ku dhawaaqay inuu deegaanka Sallaxley hoos tagayo gobolka dhowaan Mudane Riyaale magacaabay,deegaan bariga Ceerigaabo haatana xisbul xaakimku ku dhawaaqay inuu ka tirsanyahay gobolka Sool,deegaanka Xaji-salax oo ka tirsanaa gobolka togdheer haatana Mudane Riyaale ku dhawaaqay inuu hoos tegayo gobolka uu dhawaan magacaabay ee Oodweyne, iyo deegaano aan la kala xadayn oo u dhaxeeya Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Dhamaan deegamadan dhibta lagu xayday waxay ula jeedada xisbul-xaakimku ka lahaa tahay “Qaybi oo Xukun” balse waxay dhalin karaan isku dhac dhex mara shacabka Somaliland.

Akhristow xaajo qaran markay taagantahay,maaha in lagu asqoobo ula jeedooyinka xisbiyaysan ee shacabka loo tusaayo horumar qaran.Jidadaka gurracan ee la kulanka beelaysan loona marayo hiigsiga talada dalka,Suldaan bararka la adeegsanayo laguna bahdilayo Suldanada qadiimiga ah ee beelahu xilka u igmadeen iyo deegaanada gorodda laysu geliyay ma waxay ka tarjumayaan horumar qaran!

Muddada labada jeer loogu kordhiyay Madaxweynaha,waqtiga doorashada ee lagu xayiray “Interpeace” ayaan Serverka weli ka shaqaysiin,xil-gudasho la´aanta Madaxweyne Riyaale ee kaga gaabsaday hubinta hab-socodka diyaarinta iyo hawl fulinta komishanka doorashooyinka,erayada aan saldhigga lahayn ee Mudaxweynaha iy kuxigeenku ku tiraabeen ahna “Doorashadu way qabsoomaysaa” maxay ka tarjumayaan! Maanta ma taagna xaajo xisbiyo ee waxa taagan xaajo qaran. Maalinta ka danbaysa 06/05/09 waxay ku beegmaysaa dawladda oo waqtigeedii ka dhamaaday,doorashadii oo aan la guda gelin,waana arrin qaran oo aanay jirin culays ka baaxad weyni.Waxa hadaba shacabka ku waajib ah inay dib uga joogsadaan ismaqiiqan xisbiyaysan ee ka tarjumaysa olalaha doorasho ee u dhaxeeya xisbiyada qaranka,loona soo jeedsado wax ka qabadka xalinta qaran ee dalka saamaynta culus ku haya,si deggan oo caqli fayaw ahna loogu wajahi lahaa.

Dhibaatooyinka ay abuurayaan goloftanka xisbiyadu iyo talaabooyinka gurracan ee ay haatan adeegsanayaan xisbulxaakimku waa inayna gibil saarin habsocodka iyo jiritaanka Somaliland.

Shacabka Somaliland waxan uga digayaa qunbuladahii Mudane Riyaale kala dhex dhigay shacabka inay ka digtoonaadaan,fiiro gaar ahna loo yeesho falalka lagu jaho-wariiranayo habsocodka dimuqraadiyada iyo qabsoonka doorashada fooda innagu soo haysa,insha allaah waqtigii allaah ugu talo galay ayay qabsoomiye.

Somaliland guul.

Hassan Gaaxnuug
gaaxnug08@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: