JAWAAB CELIN) GODOB TALISKA AYAA DEMBIILE AH !!!!!

JAWAAB CELIN) GODOB TALISKA AYAA DEMBIILE AH !!!!!
JAWAAB CELIN) GODOB TALISKA AYAA DEMBIILE AH !!!!!

ILLAAHOOW ha igaga tegin eexasho, aqoon daro-na ha igu cadaabin waa murti soomaaliyeed, uu yidhi qof u daacad ah ummada loo xil saaray, arkay-na kuwo la mid ah oo meel daran wax ku wada, waxay ay sii xumee-yaan mooyee, wanaag ku daya oo dhexdhe-xaad ka noqda aan ku talo jirin, ee dhan is kala safan, taas oo aan xal iyo nabad mid-na aan keeni karin, abuur-tana GODOB, NACAYB,NAC, CUQDAD, AAMIN-KA-BAX, WAREER IYO ISU FIIRSASHO uu dhan-ba-dhanka kale eeda saaro, waxan uga socdaa maqaal-kan oo aan kula hadlayaa rag badan oo maal-mahan aad moodo in ay garan la’ yihiin dhinac ay igu tiri-yaan, dhinaca SIYAASADDA, BEESHA AAN KA SOO JEEDO, IYO CIDA AAN TEEGEERO, kuwaas oo ii soo diray e-mail-lo gaadhaaya ilaa 15, kana kala tirsan, KULMIYE, UDUB, UCID, qaar-na ay kala yihiin beela-ha SOMALILAND oo yidhi cabdi-shotaly hadaad tahay waan garan la’nahay geesta aad u janjee-dho , waayo dhinac kasta waad ugu DHUFA-NAYSAA DHEN-GEDA XEEGADA ee bal micna-haaga noo sheeg, waa tahay ee horta marka hore kuli-giin waad mahadsan tihiin, waa su’aalo aad u wacan oo ka wanaagsan kuwo beri-hore soo caytami jirin, hada-ba waxa la yidhi WAX IS WAYDIINI MA XUMEE, WAX IS WAYDAARIS BAA DARAN ee jawaabtii iga hooya.

Hadaan la rog-rogin rag baan helin baa la yidhi,ee ninka reer SOMALILAND u kala eexda, dhaways-ta, kala gura sina-ba haddii ay tahay, xusbi,beel , nin jeclaysi, laga helo taageero xag-jirnimo, khald ku raaca, waxan u haystaa in aanu ahayn MUWAADAN,ee uu yahay QARAN dumis aan dan ka lahayn dalka iyo daka SOMALIAND oo MUJRIM ah ujeedo gaara wata laakiin aan rabin waxa ay ku midha dhalayso ee wanaag iyo is raac ah,ee hoosta ka wada kala qaybinta, hayb-soocida ku dhisan isku-na qari-naaya waxan ahay taageere xusbi, kuwo qool ugu jira reer, oo bilaa hadaf ah, beesha aan ahay baa gacan-saar la leh xusbi-gaas oo keli ah ayuu u daba socdaa, dar baa iyana jira ah nin caabud kaas uun sida lo’da ku daba fayla, qaar kale oo kolba dhanka DUFANKA leh u roora oo iyaku DHEEF-RAADIS weli-goodna aan xagga sheegin ee QAFIL iskaga xidhan yahay, muftaa-xiina uu mid iska haysto markuu doono FURAYO, marna uu iska XIDHAYO oo ah qod-kaas SAYLADDA jooga siddii la doono-na laga yeeli karo oo HOGAAN LOO SAMAYS-TAY ilayn isagu ma laha MASKAXE maamusha’e.

Anigu waxan dhexdh-xaad u ahay, dhaarna u maray in aanay i kala xigin SOMALILAND ee aan xaqa u kala sheego iyadda oo aan la igu adeegsan, cidna aan ka xadhig xidhan, ee halkii aan ku arko khalad meel kasta oo uu ka soo jeedo haddii ay yihiin xusbi,beel, wasiir, muxaafid, mucaarid aan si toos ah u abaaro oo afkayga iyo awood wixii aan lee-yahay mid-na aanan kala hadhin, sidaas awgeed baad dhawr jeer u arga-teen aniga oo wax ka sheegaaya xusbiyo kala duwan, oo dadka xag jirka ahi is yidhaa-haan wuu idin taageeraa, mar kale-na ay u fahmaan wuu idinka soo hor jeedaa, dadka qaar-kiina ay ii arkaan in aan ahay bilaa QAWL ama ruux aan HADAF lahayn, hada-ba akhri-stoow dan kama lihi wax kasta oo ay igu sheegan XAG-JIRKU iyo kuwa la MAAMULAA ee ha iska daba socdeen kuwa ay afka ugu jiraan ee sida xoola-ha u kala DABAALA. waxan ku soo af jarayaa maqaal-kan gabay-ggi ALLE ha u naxariisto’e QAASIM ee ahaa waxan ahay QADHAADH IYO MACAAN intii ugu dambaysay oo aan is idhi waxay ku haboon tahay maqaal-kan ee iga qabo:-

Ninkii maalmo badan, soo jiray ee madaxu boosays-tay,

ee ina rag masa-nuunin jiray, wuu i maan garane,

nin wal-boow waxaad maagto,ee muhato laab-taadu,

ee aanad madadaa-laddii, igala maar-maynin ,

iska soo mar waa kuu mubaax, marin-kaad doontaaye.

* N.B Anigu meel kuma musbaarni, ee waan madax-banaanay>

waa abdirahman jama ahmed,
abdi-shotaly.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: