BALLAN-QAADKII BAAJIYAY MUDAHARAADKII GACANLIBAAN OO BEENIYEY

BALLAN-QAADKII BAAJIYAY MUDAHARAADKII GACANLIBAAN OO BEENIYEY

Annaga oo ah gudiga Dhalinyarada Waaxda Gacanlibaax, ee hore u bayaamiyay mudaharaadka lagaga soo horjeedo garoon la’aanta tobanaanka sanno haysata waaxda Gacanlibaax, waxa aanu hore u baajinay mudaharaadkii ahaa ciyaarta ka dhacaysay wadada tagta Berbera.

Kadib markii aanu ballanqaad rasmi ah ka helnay madaxda dawlada hoose ee Hargeysa. Ballanqaadkaas oo ahaa in Sabtidii ku jirtay todobaadkii la soo dhaafay ay dawlada hoose bilawdo samaynta garoonka.

Laakiin ballanqaadkaasi waxa uu noqday mid afka baarkiisa ah, oo aan habayaraatee waxba ka suurogalin. Taasina waxa ay sababtay in Guddigii Dhalinyaradu mar kale abaabusho mudaharaadkii xaqdoonka ahaa ee ay hore u baahisay.

Ahna mid u dhacaya qaab nabadgelyo ah, wakhtiga uu dhacayo, iyo meesha uu ka dhacayaana ma aha mid la baahinayo hadda, qolyaha hore u ballan qaaday garoonkana waxaan u soo jeedinaynaa in aanay mar dambe wax xidhiidh ah nala soo samayn, maadaama oo ay horeba u rumayn waayeen ballantii ay qaadeen.

Guuleed Aadan Axmed
Siciid Maxamuud Gahayr
Xamse Maxamed Ismaaciil

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: