WEJIGA DHABTA AH EE KULMIYE.

WEJIGA DHABTA AH EE KULMIYE.
AWaxaan salaamayaa dhamaan bahda saxaafadda soomaaliland ,waxaan kaloo salaamayaa dhamaan shacabka soomaaliland ee nabadda iyo dimuqraadiyadda u hiiliya meel kasta oo ay daafaha dunida kaga nool yihiin.
Akhristayaal waxa shalay (Jimce 27/02/09) shabakadda wararka ee hadhwanaagnews ku soo baxay maqaal uu ku saxiixan yahay nin la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cali Ubaxle, sheegtayna inuu yahay xidhiidhiyaha UDUB UK.

Maqaalkaas oo xambaarsanaa war xaqiiqada ka fog oo been abuur ah. Muwaadinku wuxuu hadalka u dhigay in ay London ku kulmeen garabka UDUB ee dimuqraadi doonka,dikteetar diidka ah, isagoo weliba iclaamiyey abaabul banaanbax lagala hortago madaxweynaha jamhuuriyadda soomaaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin oo ayaamaha foodda inagu soo haya booqasho rasmi ah ku iman doona dalkan UK.
Muwaadinka xagjirnimadu la taraartay wuxuu ilaaway in UDUB aanay laba garab ahayn ee ay tahay hal xisbi oo dhamaan taageerayaashiisu yihiin ul iyo diirkeed, wada dimuqraadi doon,dikteetar diid ah.

Akhristoow sida ku cad sawirkan sare Mr Ubaxle waa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE,xilliga sawirkan la qaadayna wuxuu ku guda jirey howshii uu xisbiga u hayey oo ah isku xidhka taageerayaasha KULMIYE iyo wefdiyada ka socda kulmiye ee booqashada ku yimaadda UK.

Sida sawirka ka muuqatana waa soo dhoweyn loo sameeyey musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye Mr cabdi raxmaan saylici. Xafladaas oo ka dhacday magaalada Birmingham ee UK.

Akhristoow miyaanay wax laga yaqyaqsoodo ahayn is been fariin ilaa xadkaas ah? maxaa muwaadinkan ku kalifay isagoo xisbi taageere u ah inuu sheegto taaytal xisbi kale. Mise barnaamijka ololaha doorashada kulmiye ayay ku jirtaa in kolba shaadh dadka loo gashado si loo majaro-habaabiyo shacabka daacadda ah.

Wiigan dhexdiisa ayay ahayd markii xubin sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye dacwad ka dhan ah xukuumadda soomaaliland,xisbiga UDUB,guddida doorashiiyinka qaranka iyo madaxweynahaba uu u gudbiyey wasiirka horumarinta iyo iskaashiga qaybta afrika u qaabilsan ee wasaaradda arimaha dibadda ee UK.

Maantana waakan Mr Ubaxle leeyahay mudaharaad aan samayno.
Akhristoow miyaanay tani minjo xaabin jiritaanka qaranimada soomaaliland ahayn? Jawaabtaas adaan kuu daynayaa daljrka dahsoonoow, waxaanse kuugu darayaa “PREVENTION IS BETTER THAN CURE” KA HORTAGU WUU KA FIICAN YAHAY DAWEYNTA.

allaa mahad leh.
Guul soomaaliland
jaamacducaale09@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: