URURKA ARDAYADA S/LAND EE YEMEN OO HAMBALYO U DIRAYA URURKA JEEGANTA EE LAGAGA DHAWAAQAY SOOL

URURKA ARDAYADA S/LAND EE YEMEN OO HAMBALYO U DIRAYA URURKA JEEGANTA EE LAGAGA DHAWAAQAY SOOL

Ururka ardeyda Somaliland ee dalka yemen oo hambalyo iyo taageero u diraaya uruka dhawaan lagaga dhawaaqay g/sool

sida aad la wada socotaan waxaa dhawaan lagaga dhawaaqay gobolka sool ee magaala madaxda Laascaanood urur siyaasadeed oo cusub kaas oo la magac baxay isbahaysiga (JEEGAANTA)

waxa uu urukani wax ka qaban doonaa sidii uu uga qayb qaadan lahaa talada siyaasadeed ee dalka Somaliland.

hadaba ururka ardeyda somaliland ee dalka yemen waxa uu hambalyo iyo taageero u dirayaa urur kaas oo uu u arko in uu yahay rajada keliya ee ay leeyihiin maanta bulshada reer somaliland guud ahaanteedba gaar ahaana gobolada sool iyo sanaag waayo waxaad wada ogtihiin in gobolka sool uu in badan ka danbeeyo gobolada kalee somaliland

ururka ardeyda somaliland ee dalka yemen waxa uu ka codsanayaa dhamaan shacabweynaha reer somaliland in ay hiil iyo hooba la garabtaagnaadaan oo ay taageeraan ururka cusub ee JEEGAANTA

waxaanu idin leenahay sida aad sheegteenba noqda kuwo cadaalad iyo sinaan wax kaga qabta siyaasadda dalka

waxaan ku soo gabagabaynayaa waxa aan aad iyo aad ugu rajaweynahay inaad wax ka qaban doontaan waxyaabaha ay xukuumadu ku guuldaraysatay inay wax ka qabato

xasan x.aadan amxed

g/golaha dhexe ee ururka ardeyda JSL ee dalka yemen

xasanxyz@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: