Jawaab Maqaalkii Geelle Gaaxnuug Ee Ciwaankiisu Ahaa (Mar hadaan Gego Cidla Ah …..)

Jawaab Maqaalkii Geelle Gaaxnuug Ee Ciwaankiisu Ahaa (Mar hadaan Gego Cidla Ah …..)

Marka hore waxaan salaamayaa shaqaalaha iyo hawl-wadeenada dhamaan shabakadaha Somaliland ee soo daabaca qoraalkaygan. Marka xigta waxaan jecelahay inaan ka jawaabo maqaal ciwaankiisu ahaa (Mar hadaan Gego Cidla Ah Ka Dhigay Gaaroodi Yeelkiisa) oo uu soo qoray qoraaga Geelle Gaaxnuug laguna soo bandhigay shabakada wararka ee Hormoodnews. Isagoo Qoraagu kaga xogogaal waramay xaalada dhabta ah ee ka jirta gobolka Gaaroodi iyo duufaanada siyaasadeed ee asqeeyay gobolka, ayaad hada moodaa inuu qoraagu meelaha qaar uu yaragallay. Qoraagu wuxuu qoraalkiisa ku xusay in Shacbiweynihii ku noolaa gobolka Gaaroodi ay ukala hayaameen goboladii loo kala qaybiyay gobolka Gaaroodi si loo baabiiyo gobolka facaweyn leh ee Gaaroodi, hada waxaan leeyahay arrintaas iyada ah waxba kama jiraan, cid reer Gaaroodi ah oo meel hoos tagtay anba meelkale udiga rogotay mahayno,mana jirto, taasna waxaan u cuskanayaa dhawaaqii dheeraa ee beelaha deegaanku ku muujiyeen sida weyn ee ay uga soo hor jeedaan in deegaanka Gobolka Gaaroodi la hoos geeyo deegaano kale.

Dhanka kale sida aad adiguba xustay waxa jirta siyaasad cad oo xisbul xaakimka dalka maamula ee UDUB ee uu hogaamiyo Daahir Riyaale sidii loo cidhib tiri lahaa jiritaanka gobolka Gaaroodi,si loo wiiqo loona kala qaybiyo awooda,cududa, dhaqaalaha iyo wax soo saarka gobolka oo hodan ku ah wax soo saarka beeraha iyo xoolaha nool ee laf dhabarta u ah dhaqaalaha dalka. Dhabadan qodxaha badan ee uu Riyaale cagta saaray ee ah qaybi oo xukuna waa ta maantaba dhalisay inay isku gumaadaan labada beelood ee walaalaha ah ee isku deegaanka ah ee gobolka Gabiley Iyo Gobolka Awdal, dagaalkaasna waxa sababay gobolada uu iska magacaabay isagoon wax soohdin ah aan ukala samayn goboladii hore ujiray iyo kuwa cusub ee hada la magacaabay.

Waxaanu ku tala jiraa Riyaale Ilaahay tiisa kama dhigee inuu ummada Somaliland kala qaybiyo isla markaana qaybna uu hoosta gashado oo uu xanaaneeyo, qaybna uu siririyo kuna dilo Gaajo, Silic, Haraad, Dawo La’aan, Jahli, Darxumo taasna waxaan u cuskanayaa isagoo amar ku siiyay dhamaan Haayadaha dalka ka hawl-galla inay gargaarka ay bixiyaan Boqolkiiba 60 uduwaan gobolka Awdal oo uu ka soo jeedo isagoo cadaadis ba’ana ku haya gobolada uu ka mid ka yahay gobolka Gaaroodi/

Waxay la soconaa in Riigii shaqaaqadu ka dhacday in uu Madaxweynuhu beer uu leeyahay kusoo qotay markii lasoo celiyayna uu shaqaalihii ku amray in riiga ay la dulmeeraystaan deegaanada UUBAALE IYO MAAJIDKA, kadibna yidhaahdaan riiga cilad farsamo ayaa haysa oo wuxuu ubaahan yahay Driller weyn oo awood badan, markii baadhitaan lagu sameeyayna ay arrintaasi noqotay mid aanay waxba ka jirin, laakiinse ay ka mid tahay Tabaha qarsoon ee uu Madaxweyne Riyaale ku doonayo inuu ku gadoomiye qaybo ka mid ah bulshoweynta Somaliland, oo aan isagu marnaba aan ogoleyn in biyo macaan loo soo saaro Koonfurta magaalada Hargeysa oo biyo la’aan ba’ani ka jirto. Oo aan ogolayn in biyo loo soo saaro Xaafada Koonfur Galbeed ee magaalada Hargeysa. Oo aan ogoleyn in biyo loo soo saaro xaafada Bari ee magaalada Hargeysa.

Runtii bulshada weynta ku nool Gobolka Gaaroodi kama daahsoona cunaqabataynta aan loo aabo yeelin ee uu ku hayyo maamulka Riyaale iyo xisbiga UDUB-Ba waana mid ay ka wada dharagsan yihiin shir qoolada siyaasadeed ee uu la maagan yahay Riyaale. Gobolkuna waa gobol facweyn oo ab ilaa ab taariikh weyn oo soo jireena ku dhexleh bulsho weynta Soomaaliyeed iyo Somalilandba, waana deegaanka kaliya ee hal abuur kasta oo Soomaaliyeed markuu maanso tirinayo uu kusoo hal qabsado, waana gobol meel dheer kaga jira Suugaanta Soomaaliyeed,waxaana deegaankani uu kaalin laxaadle kasoo qaatay halgamadii kala duwanaa ee loo soo maray Somaliland.

Dhanka adeegyada bulshada.

Gobolku waa ka aradan yahay dhinaca adeega bulshada ileen waa gobol Hangool Faraaro Leh uu la hortagaan yahay Madaxweynihii wax uqaban lahaaye, waxa kaliya oo deegaanka ka jiraa waa xarumo Caafimaad oo yar yar oo ku yaalla tulayawga hoos yimaada Caasimada Gobolka, sidoo kale Magaalada Sallaxley ayaa iyaduna leh CMH ay ka hawl-galaan 1-Hal Dhakhtar. 2-Laba Nurse.3-Saddex Ummuliso iyo Hal Suuxiye oo dhamaantood hawshoodu ubadan tahay tabaruc mararka qaarna dadka deegaanku taakuleeyaan.

Dhanka Wax Barashada.

Deegaanka Gobolka Sallaxley waxa ka jirta waxbarasho tayo leh, adigoo tuulle kasta ku arkayo arday waxbaranaysa oo inta qol yar loo dhisay macalin anba laba Macalin loo qabtay, arrintaas oo uu suurta galiyay Ururka Wadaniga Ah Ee Gaaroodi. Ururkan oo la aasaasay horaantii sannadkii 2000 ayaa dadka deggan deegaanka gobolka Gaaroodi in badan ku wacyigalinayay inay xooga saaraan dhinaca waxbarasha iyo wax soo saarka khayraadka dhulka. isagoo ururkaasi ku dhiirigaliyay dadka deggan deegaanada hoos yimaada Sallaxley inay iyagu marka hore wax qabsadaan, kadibna ay iyagu gargaar ufidin doonaan oo ay wax la qaban doonaan, laakiin tuulaha aan malcaamad marka hore aan aasaasin oo aan macalina qabsan ucadeeyay in aanu ururku waxba laqaban doonin, taasina ay dhalisay in tartan ka dhex dhaca tuulayawgii oo qolla waliba tidhaahdo tuulada heblaayo intaas oo caruura ayay malcaamad ku hayaan macalina wey uqabteen ee inaguna aynu is abaabulno.

Magaalada Sallaxleyna waxa ka dhisay Dugsi leh Dugsi Hoose/Dhexe iyo Dugsi Sareba waxaana suurta galiyay ururka Gaaroodi, Dugsigan oo ah mid Boarding ah ayaa ardayda ku jirta lagu qiyaasaa 400 oo arday inay Boardingka seexdaan. Deegaanka gobolka Gaaroodina iftiinka wax barasho aad iyo aad ayuu usareeyaa Qaaxnuugow Ilaahayna ajar iyo xasanaad haka siiyo Inamada iyo Odayaasha naf iyo maalba uhuray ee suurta galiyay dhacdadan waa ururka Gaaroodiye.

Hadaba anigoo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Sallaxley isla markaana deggan magaalada Sallaxley waxaan leeyahay geellow warbixintaanu aad iyo aad ayay uqurux badan tahaye waxaan kuugu daray intii aad dhex muquuratay anba aad ka tagtay.

Ugu dambeyntii qolooyinka dawlada ku jira ee udhashay deegaankan anba Jiidan waa kuwo dayacay deegaankoodi iyo dadkoodii laakiinse kuwaas waxaan kaga ciil baxayaa marka ay timaado doorashadan soo socotaa, markay UDUB dhacdo ee ay UCID anba KULMIYE xukunka qabtaan wey ka shubayaan kuwo cod iga helayana maaha.

Nagiib Ismaaciil.
Sallaxley.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: