HADEY OGOLADAAN MUCAARIDKU KORDHIN DANBE IYAGAA GACANTOODA ISKUBIREEYAY, FAALO MUNIIR AHMED EGAL

HADEY OGOLADAAN MUCAARIDKU KORDHIN DANBE IYAGAA GACANTOODA ISKUBIREEYAY, FAALO MUNIIR AHMED EGAL

HADEY OGOLADAAN MUCAARIDKU KORDHIN DANBE YAGAA GACANTOODA ISKUBIREEYAY, FAALO MUNIIR AHMED EGAL

Komishanka Doorashooyinka iyo hay’adda Interpeace ee wakiilka deeq-bixiyeyaasha uga ah Somaliland, ayaa Axsaabta Qaranka u bandhigay iney kordhinayaan 91 Maalmood tasoo kahor’imanaysa doorashadii Madaxtooyada oo qorshuhu ahaa inay dalka ka qabsoonto 29-ka March 2009, Hadaba waynu kalaqaadeyna Marka hore Xisbiyadu ha’ogaadan in Sharcigu yahay iney doorashadu dhacdo 45 casho marka xilka Madaxweynuhu kahadhsan yahay.

Ilaa hadda cidi garan mayso waxaa kadan beyndoona kordhintan, Komishanka Doorashooyinku may cayimin maalinta ay doorashada Madaxtooyada ka qaban karaan dalka iyo sida ay u waafajinayaan jadwalkoodan cusub ee 91-ka Maalmood ah, kaas oo marka loo eego muddada ka hadhay sannadkii xukuumadda loo kordhiyay inay xilka hayso oo ay ka hadhsan tahay muddo ka yar laba bilood iyo 15 maalmood, waxay taasina tahay adhi qulux kama ilbaxo malinba mashruuc ay xukuumadu karaali tahay ayaa losoo dhigaya kadib waxaa logu sheegaya bad baadada waddanka iyo sida ugu sax san ee doorasho lagu qabanaayo.

Kordhintii tan kahoreysay waxaa lagusheegay mid kama danbeys ah waxaa kaloo kujiray qodobo aanlagu dhaqmin Waxaa kamid ahaa qodobadaa, In lasameeyo guddi dhex ah oo Xukuumada ka-ilaalisa iney sidey doonto ugu tagri fasho hantida Qarranka kadhaxeysa sida warbaahinta haykalka Dawlad nimo Lagacagta cashuur bixiyaasha ee danaha gaarka lagu istic maalayo, may dhicin waxaa fulinteeda diidey oo lahaa Madaxweynaha Waddanka markay komishanku waxtigii hore qabteen ee ahaa 29’’march.

fulinteeda cid bay masuuliyadi ka saaran tahay oo ah dawladda iney dhameeys tirto dhamaan agabka iyo suurtagal nimada wixii dorahso lagu gaadhayo,Markay wax rasmi ahi soo baxeen ee Komishanku mawqif cad istaageen,ee layiri doorashadu akhtigaas bay dhacaysaa guddina haladhosi dawladduna wixii loo baahnaa iney bixiso oo fuliso madhicin malinkasta waxay lahayeen Wasiirada Xukuumad iyo Madaxweyn’nuhuba doorashadu waxay dhacaysa wakhtigii looqabtay, maantana waxay leeyahiin waxaanu tageer sannahay kordhin danbe dee meeshu maha shinbirayow heesa waxaa laga hadlaya waa masiir ummadeed waa ayihii waddanka malinba iney Mucaradku iska gadhaan arrin aan shacabka rajadooda dhawraya u cuntamin runtii waxay noqonaysa walaac weeyn.

Waxay xukuumadu isku deyday iney xilka kaxayuubiyaan Gudoomiyaha Guurtida Somaliland si’ay markaa ugu suuro gasho Mudo kordhin iyo imri dherer tii markay fashilantay waatan maanta timi korodh siimo ay gadh wadeen kayahiin Komishanka Doorashooyinka iyo hay’adda Interpeace ee wakiilka deeq-bixiyeyaasha uga ah Somaliland, Manay cadeeyn wakhtiga goorta goobta iyo cida dadka iyo dalkaba doorashada gadhsiinaysa kaliya waxay soo walwaleen qaata wakhtigaa iyo kororsimadan markay siida tahaqay may oran doorashadii wakhtiga kudhicimayso wakhtigiina wuu kadhamanaya Madaxweynaha iyo kuxigeenka halaga tashado cidii waddanka doorasho gadhsiin lahayd may oran taas, Lakiin yagood modo iney dhinac qudha kasocdaan ayay yirahdeen qata 13 weeks taasi Shacabka iyo waddankaba iyo caqliga saliimkaba ucun tamaysa maha.

Dadka Qurbajooga oo ah dad runtii markasta xogbadan uhaya waddankoda ayaa meel kasta kaga sheekaynaya waxay kudan beyn doonto arrinta katagan waddankoda iyo wuxuu xaal noqon doono waxay sicadho badan kuu oranayaan maanta Xisbigii Mucarad isku sheegaya ee qata kordh-siimo danbe waa qiyaanole aan runta usheegayn Shacabkiisa.

Maanta Dowlada dalka katalisa ma’ogola doorasho xor iyo xalaal ah deeq bixiyaashas alle inoo sakhirey waxay kharashka doorashada bixinayaan %75 Xukuumaduna %25 waxaa miisaniyada lagu daray sanadkii hore ee 2008 hadana Wasiirka maliyadu wuxuu yidhi hada ayay kujirta lagacatii doorashadu manuu sheegin halkay martay miisaniyadii hore ee ay kujirtay lacagta doorashadu.

Shacabka iyo waddanku manta wuxuu ubahan yahay runtii gurmad Qarran, Xisbiyada Mucaaridkana manta ha’ogaaden hadey qatan korodh siimo danbe runtii waxay noqon doonta mid niyad jabisa shacabka iyo dadka rajo kunoolka ee malinkasta nawilaya Isbadal waddanka kadhaca.

Dhagaha shacabka Somaliland waxay manta maqli karaan uun doorasho loo dareero iyo Xukumada oo Xilka umada uga degta si loo gadhsiiyo waddanka doorasho xor ah oo xalaal ah wixii kaleba waa biyo coldhaanshay.

Allow Guule Somaliland

Muniir Ahmed Egal

Uk/Birmingham E-mail muniir10@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: