WALEE HADAAN MEESHAA LAGA GUURIN INAY GOROYO HEERYAYSANI KA SOO DHICI


WALEE HADAAN MEESHAA LAGA GUURIN INAY GOROYO HEERYAYSANI KA SOO DHICI

walee hadaan meeshaa laga guuurin inay goroyo heeryaysani kasoo dhici

maalinba tay udub iyo dawladan waqtigeedi dhacay keenaan tii hore ka daran
waxa maantana lagu shaaciyay warbaahinta waxaa dagaal ka dhacay awdal iyo gabiley
toloow ma waxay la hadlayaan sabi aan waxba kala garanayn
colaadan dawladu abuurtay ee ayagu ay ka danbeeyaan waa qorshihii ugu danbeeyay ee la rabo in kursiga lagu sii fadhiyo cimri dherersina laga dhigo mudo kale oo dadka hantidooda lagu dhaco

waxaa la rabaa qorshe ah in dalkii soo waajahday duruufo colaadeed
sidaana amaanka dalku aanu sugnayn
sharciguna dhigayo in aan la qaban wax doorasho ah ilaa amniga dalka la sugaayo
duruufaha colaadana laga baxaayo
si markaad u eegto nimankani waa niman aad u dadalaya ooo marba la imanaaya filim cusub oo dadka loo dhigo
waxaa maalin kasta laguu dhigayaa shax cusub oo tii hore ka duwan
hadaba waxaan ku waanin lahaa udub iyo inta taageerta filim aan wadan atoorihii ka dhex socon maayo somaliland gudaheeda
waxaa idiin fiican in aydaan
marna komishanka soo isticmaalin
marna hantida umada dad dhaca u keenin
marna colaad ayagu wadaan mujtamaca ku beer laxawsan
marna serverkii computerka ayaa calooshu istaagtay oo waxaa ku dhacay conistapation
waxaaas oo dhan waa la arkay
ee soo badheedha oo idinkoo dawlada ama wasiira ama madaxwayne ah si geesinimo leh
u cadaysta in aydaan kursiga ka dagayn
sidaana ku matala filimka yar ee aad wadaan idinkoo ka atoore ah

waxan dadwaynaha waydiin lahaa
1……maxaa keenay in gudida komishanka doorashadu
hada oo aan waqti hadhin ay u soo bandhigeen in aanay awood u lahayn in ay wax u qabsoomaan?
2……maxay qabanayeen mudadii dheerayd ee sanadka ku dhawayd ee ay uga hadli waayeen qabyada u taaala iyo qarash la,aanta haysa?
waxaa su,aalahan kaaa caawin doona hadalkii gudoomiyaha komishanka JAAMAC MAXAMUUD CUMAR OO DIFAACAYA DAWLADA
mar su,aal la waydiiyay wuxuu ku jawaabay
[dawlada waxba kumay baaqan qarshaadkii diiwaangalinta xageeda kharashka doorashadana way balan qaadeen in boga xisaabaadka lagu shubo ayuunbaa hadhay}hadaba akhristoow gudoomiyaha komishnaka jaamac maxamuud cumar haduu rabo kharashuu hawsha ku galo muxuu u odhan waayay dawladu ilaa imika waxba noomay dhiibin waxna ma hayno hawshuna xagooda ay ka dhutinaysaa
maxay tahay sababta uu u difaacayo ee uu leeyahay waxaa hadhay bogii xisaabaadka lagu shubi laha oo kaliya
muxuu yahay bogani bal hada noo macnee
sadex wiig baa kuu hadhay jaamac halkaad markaa waqti hore soo bandhigi lahayd in dawladu ilaa imka waxba idin soo gaadhsiin ayaabad adigii wali sidaa qanac ku tahay oo aad leedahay dawladu waa fiican tahay xageeda waxana hadhay bogii lagu shubi lahaa oo kaliya, BOGAABA DHAC ma yoomal qiyaamaha ayaa boga wax loogu shubayaa

maxaad u codsan wayday boga aad sheegayso in dawladu ku shubto qarashka ka dibna hawsha wixii aad sii qaban karto aad u wadi wayday?
gudoomiyaha komishanka iyo inta la shaqaysaba waxaan leeyahay masuuliyadii la idiin doortay hawsheedii waa gabteen waana khiyaamayseen dastuurkii iyo umadii iyo somalilandba , hadaba is badh qabta oo cirada idinku taala iyo xaqdhawra oo umada xaqeeda mariya dalkana ka daaya dhibaatada
bogaaaba dhac jaamacoow
guuleed cismaan gahayr
ggahayr@yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: