MAR HADAAN CIDLA KA DHIGAY GAAROODI YEELKIISA

MAR HADAAN CIDLA KA DHIGAY GAAROODI YEELKIISA
Sallaxley waa tuule guun ah,waxay u jirtaa caasimada Somaliland (Hargeysa 42mile, waxaanay kaga beegantahay dhinaca koonfur.
Qalinkii:Hassan Gaaxnuug(2/28/2009)

MAR HADAAN CIDLA KA DHIGAY GAAROODI YEELKIISA

Sallaxley waa tuule guun ah,waxay u jirtaa caasimada Somaliland (Hargeysa) 42mile,waxaanay kaga beegantahay dhinaca koonfur.Wadada isku xidha Hargeysa iyo Sallaxley waxa loo yaqaanay “Waddada Cadd”.Waxaa dhisay gumaysigii Ingriiska.Waxaanay gumaysiga u ahayd xundhurta isku xidhka maamulkiisa.

Haddaanad aqoon u lahayn deegaanka hoos yimaadda degmada Sallaxley aan tilmaan kaa siiyo.Markaad dhinaca xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia halacsato,ka soo bilaw Balligubadle ilaa iyo Daba-gorayaale,halkaa waqooyiga uga kac ilaa iyo OOdweyne,uga sii gudub waqooyi-galbeed ilaa iyo Aw-barkhadle,halkaa uga sii baqool ilaa Hargeysa. Dhulka baaxadaa leh ayaa hoos yimaada degmada Sallaxley,waxaanu ka koobanyahay 32 tuule.Muwaadiniyiinta reer Somaliland ee dega deegaanka ballaadhan waxay ula baxeen Gobolka Gaaroodi. Dib ula soo noqoshdii gooni isu taaga Somaliland ka hor deegaankaasi waxuu hoos iman jiray gobolka waqooyi galbeed ee magaalo madaxda u ahayd Hargeysa.

Dabaylaha siyaasadeed ee ay maanta dawlada Somaliland ku dhaqanto,hormoodkana ka yahay xisbul-xaakimka talada hayaa ee UDUB ayaa saamayn weyn ku yeeshay tirtirida gobolkaa ballaadhan ee GAAROODI kadib markii madaxweyne Riyaale uu ku talax tegay hab-maamulka loo yaqaano “Qaybi oo Xukun”,dalkana u qaybiyay gobollo tiro badan oo ku culus baaxadda dalka Somaliland. gobolladaa cusub ee uu Madaxweyne Riyaale magacaabay ayaa lagu burburiyay deegaankaa gobolka GAAROODI ee hoos yimaada degmada Sallaxley. Waxa loo qaybiyay ama lagu kala daray gobollada Maroodi-jeex,OOdweyne.Saaxil iyo gobolka Hawd.Nasiib darrada ku habsatay gobolka Gaaroodi waxay u horseeday inuu isu gediyo deegaanku lama degaan,loogana hayaamo gobolada la kala raaciyay.Waxay baylahi ku dhacday waddadii caddayd ee xundhurta u ahayd isu socodka gobolka Gaaroodi ee u dhaxaysa Hargeysa iyo Sallaxley.Waxa dhamaan burbursan adeegyada bulsho ee deegaankaas,waxa sii bidhaamaya oo keli ah waa dugsiyada ku yaal Sallaxley oo ay dhiseen,maamulaanna ururka samafalka ah ee la yidhaa “HAERDO”.

Waxa hadaba isweydiin mudan dawladu haba qaybiso gollka Gaaroodi ee maxay u go´doomisay,ugana dhigtay gegoda cidlada ah! Waxaynu la soconaa dhamaan gobollada Somaliland inay dawladda dalka ka talisaa isku hawlisay wax-ka-qabadka horumareed ee dhinacyada kala duwan ee nolosha.Taas oo keentay inay danayso gobollada qaarkood oo mashruucyo tiro badan ka fulisay.Halkaa hadaan ku hakado ma isweydiin karnaa “Maxay dawladu uga dan leedahay dhismaha iyo horumarka gobollada qaarkood iyo tirtirka gobollka Gaaroodi”. Akhristoow adiga ayaan jawaabaha kuu dhaafay.

Hadaan dhinaca kale jaleeco waxa masuuliyada la wadaaga xubnaha dawlada ku jira ee u dhashay Sallaxley,Daba-gorayaale,Qoton,Aw-barkhadle iyo Toon ee ka tirsan dawladda,golaha guurtida,golaha wakiilada,golayaasha D.hoose ee Hargeysa iyo golaha deegaanka hoose ee degmada Sallaxley. Waxa marag ma doon ah masuuliyanta u dhalatay kuna dhalatay gobolka Gaaroodi ee ku kala baahsan waaxyaha aan magacaabay inaanay ka qarsoonayn dhibaatada iyo go´doonka gobolku ku jiro,indhana ka daboolan karin baylahda,biyo la´aanta,iyo burburka ku habsaday waddada cad. Waxbarasho la´aanta,xarumo caafimaad haba sheegin,beerana hadalkoodaba daa.Waxa kale oo aan aad ula yaabay aqoonyahanka iyo maalqabeenada u dhashay gobolka Gaaroodi ee Hargeysa ugu muuq dheer waxay indhaha uga lalinayaan ee aanay dan uga lahayn gobolka laga dhigay gelgelinta gorayadu ka hayaantay.

Hadaba gobolka Gaaroodi arag oodaha dhacameed ee ay dawladda xisbul-xaakimka UDUB hogaamiyo saareen kuna kala qoqobeen,hal-hayka laga hayo xisbiga UDUB-na uu yahay “Mar hadaan Gego Cidla ah ka dhigay Gaaroodi yeelkiisa”. Hadii Gobolka Gaaroodi quus ka joogo UDUB,maka leexan doonaan xisbiyada kale ee Kulmiye iyo UCID siyaasadda gurracan ee ku habsatay! Hadiiba midkood kuba guulaysto doorashada fooda innagu soo haysa.

Somaliland midnimo iyo horumar.

Hassan Gaaxnuug
gaaxnug08@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: