JAWAAB QORAALKA INDEERKAY XASAN GAAXNUUG BY: AXMED QOORGEES

JAWAAB QORAALKA INDEERKAY XASAN GAAXNUUG BY: AXMED QOORGEES
Marka hore waxaan salaamaya saaxiibkay Xasan Gaaxnuug kaas oo ka hadlay arimo badan oo xaqiiqa aadna u bayaanshay dhamaan dhibaatada haysata Reer Gaaroodi.
Qalinkii:Axmed Muuse Qoorgees(2/28/2009)

JAWAAB QORAALKA INDEERKAY XASAN GAAXNUUG BY: AXMED QOORGEES

Marka hore waxaan salaamaya saaxiibkay Xasan Gaaxnuug
kaas oo ka hadlay arimo badan oo xaqiiqa aadna u bayaanshay dhamaan dhibaatada haysata beesha geeroodi
balse ina soo waydiiyay reer gaaroodi waxa ugu wacan dhibkan haysta.

Anigu mudoba waan ogaa cidina ima barin ama iima sheegin ee waayaha iyo waqtiga ayaa i baray iyo anoo soo taabtay xaqiiqda taala somaliland idina waydin ila eegi.

Waqtiyadii hore waxaynu ahayn niman isku xidhan oo isku duuban oo talo wadaaga ninkii taariikhdeeda rabaana wuu doonan karaa waxna ka waydiin karaa aabihii sidii ragii hore ahaa, uma baahna inaan ka hadlo sidii ragii hore ahaa
aan kuu sheego dhibka ku haysta.

1, Somaliland waxaa taala qabyaalad, reer Gaaroodina taa ma yaqaan gar iyo gardaraba waa la isku raacayaa, laakiin adigu taa ma haysid bal hada qodobkaa oo kaliya iswaydii waxaan filayaa inaad naftaada qancin doonto bal ardaaga aad ka tahay reerka is waydii imisa ardaa oo kale ayaad nafta u bixinaysaa, ama aad jeceshahay , hada dhab isku waydii
imisa ardaa ayaad dooda ku raacaysaa,, talada ku raacaysaa, gar iyo gardaraba ku raacaysaa waxaan qabaa in aanad u baahnayn wax kale oo aan ku siiyo
hadalka guntiisu waa kaa ha loo noqdo qabiilkeenii iyo sidii aynu ahayn waqtiyadii hore, sax iyo qaladba aan isku raacno, waakaa sida kaliya ee wax loo maarayn karaa
bal hal su,aal oo kaliya reer Gaaroodi ha is waydiiyo
reer kasta oo maanta jooga Somaliland wuu ogyahay cida uu foodka siinaayo
waxaa marba hadal iyo buhuu bahaa lagu horwado , hadana reer kastaa wuxuu lagalay gorgortan halka uu codka siinayo
intaas oo wasiir na sii intaas oo maareeye nasii waxaa noo qabo waxa jirta muwaafaqo reer kastabaa la qaatay ciduu u foodayo
inagu yaynu u foodaynaa, ma kawada tashanay , ma isku raacnay cidaa u fooda
suurto gal ma tahay maanta in reerka oo dhami meel maro ama arin isku raaco

dhamaan siyaasiyiinteena dawlada iyo mucaaradkaba bal u fiirso waxaad moodaa in aanay kaba dhalan qabiilkan ay yihiin waxay haystaan wado aan maanta la marayn oo qaldan
bal u fiirso siyaasiyiinta kale ninkastaa reerkiisa ayuu dhex joogaa maqaaxida ayuu shaaha kula cabaa , turubka ayuu la ciyaaraa, wuu la kaftamaa kuweenu ma kusoo dhex galaan

waxaan odhan lahaa hadaynu QABYAALADA qaadano in uunbaynu rajo leenahay markaasaynu kii ina soo eega inaguna eegaynaa kii ina la dagaalama la dagaalamayna inagoo u dhan

waxaan aad u yaaba marka aan la fadhiyo dad kale ee ay xataa hadalka isu qabyaaladaynayaan ee hadaad mid doodaan inta kalena qabiil ku raacayso
adna kaagii uu fadhiyo meesha ee iska inuu ku taageeree adiga afka laguu galinaayo oo uu iyaga kaa raacayo

aan ku celiyee xadhiga qabiilka ayaa la garaacayaa inaguna aan ka garaacno kaas
wax kastana isu raacno markaas ayaana la is jeclaanayaa oo la midoobayaa

Axmed Muuse Qoorgees
qoorgees-maqosle@hotmail.com
london

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: