JAWAAB MAQAALKII MAR HADAAN CIDLA KA DHIGAY GAAROODI YEELKEED


JAWAAB MAQAALKII MAR HADAAN CIDLA KA DHIGAY GAAROODI YEELKEED

Salaan aad u qiimo badan akhyaarta togaherer waad ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee umada u caawiseen warka wixii jirana ula socodsiiseen

marka xigtana dooda xasan gaaxnuug furay ee qoorgeesna uga dabo qaatay ayaan ana ku darayaa fikirkay
qoorgees oo aanu isku baranay qoraalada walina aanan arag muuqaalkiisa balse aanu kuwad xidhiidhno badiyaa emailka ayaan si gaara u salaamayaa
waa xaqiiq in xasan gaaxnuug sheegay dhibka taagan ee maalin kasta inagu sii fidaaya
waxaanse aad ugu qushuucay jawaabtii qoorgees
dawada aynu garan waynay caba oo naftiina ku daweeya . waataa maanta qoorgees inoo cadeeyay, ee ma cabnaa mise bukaanka ayaynu iska haysanaa
waa run inay jirto qabyaalad cadaana oo aan geedna loogu gaban
inaadeer qoorgeesoow walaahi nafta waan kuu bixin lahaa ifka intaan ku noolahayna waxaan ahay nin ku garab taagan
ma ilaabi karo hadaladan aad maanta soo qortay oo ah xaqiiqda jirta
waa run in reer kastaaba ogyahay halka uu u foodayo ayagoo la galay shuruud xisbiga ay u foodayaan , inay dhawr wasiir ka helaan in 5 ceel oo biyo ah loo qodo in gobol iyo 3 degmo la siiyo. waa runtaa inay jiraan waxaas oo dhami
laaakiin xageena shuruudbaad sheegaysaaye maba ogin wax lakala macaashayo

insha allah qoorgeesoow marbaynu wada fadhiisan oo sheekaysan
dhawr jeerna waxaan ku idhi aan ku casumo laakiin waxaad ii sheegtay inaad safar u baxayso
waa runtaa oo gar iyo gardaraba dadka dalka inala joogaa way isku raacaan
laakiin inagu ninba meel ayuu joogaa
anigu waan ku jiraa hadafkaa iyo in loo noqdo qabyaaladii iyo qabiilkii kaas ayay awoowyaasheen ku ceesheene
guuleed cismaan gahayr
ggahayr@yahoo.com
uk

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: