JAWAAB KU SOCOTA BARKHAD MR GABOOYE EE DOODA UU FURAY MAXAA NALOO DULMIYEY

JAWAAB KU SOCOTA BARKHAD MR GABOOYE EE DOODA UU FURAY MAXAA NALOO DULMIYEY
Dooda gabooyaha runtii arintani maaha mid si fudud halkan loogu faaleyo ama website la iskaga soo qoro waxaan filayaa in ay ka qoto dheer tahay hadal la isku waydaarsado shaashadaha
Qailinkii:Mustafe Casoowe
(2/28/2009)

JAWAAB KU SOCOTA BARKHAD MR GABOOYE EE DOODA UU FURAY MAXAA NALOO DULMIYEY

Salamu calaykum dhamaan umada somaliland meel kastoo ay joogaan

Jawaab celin hadalka barkhad ee dooda gabooyaha runtii arintani maaha mid si fudud halkan loogu faaleeyo ama website la iskaga soo qoro waxaan filayaa in ay ka qoto dheer tahay hadal la isku waydaarsado shaashadaha
oo rag computerka dul fadhiya shaqo ka dhigtaaan ama camal ka dhigtaaan
ama kuba faakihaystaan ayagoo waqtiga isku dhaafinaaya
waxaan odhan lahaa mr barkhad arintan aad wadaa waa mid umad badan ku abuurtay xanuun waxaad ku ruxaysaa waran caloosha kaga yaal oo aaad ku dhaqdhaqaajinaysaa
waxtar baad isleedahay ee waxyeelo ayaad umdii galisay
waxa maalin dhawayd anagoo baska saaran na waydiiyay laba dhalinyaro ah oo soo akhristay hadalkaa
ayaa na su,aalay waa maxay gabooye iyo aji?
maxayse ajigu u xaqiraan gaboooyaha?
intaanaan uga jawaabin su,aashii ayaanu waydiinay oo ku nidhi
idinku keebaa tihiin ma aji mise gabooye?
ka dib waxay nagu yidhaahdeen mayee anagu isaaq ayaanu nahay
intaa markay noogu jawaabeen ayaan aniga iyo saaxiibkay is eegnay dhooshana ka qosolnay , waxaanu ogaanay in aanay aqoonba u lahayn gabooye wax la yidhaa iyo aji wax la yidhaa
bal hadaba mr barkhadoow maxaanu ugu jawaabnaa caruurtaa sidaa wax noo su,aalay?
umaaanu jawaabin caruurtii, waayo ma hayno waxaanu ku jawaabno
sababtoo ah cilmiba uma laha waxaan aad qortay
anaguna bari mayno cunsuriyad iyo kala qaybinta umada
halkiina baskii markay sii dagayeen ayaa midi yidhi lakiin maxa noogu sheegi waydeen ajiga iyo gabooyaha
saaxiibkay ayaa yidhi adeer waa xabashi inaga maaaha
wiilkii kale ayaa yidhi ma labaduba
ana waxaan idhi haa labaduba waa xabasho

markaa barkhadoow inaga daa doodan oo caruurta yar yar ha inaga barina jahligii dadkii hore ku dhaqmayeen
wixii oo sii baaba,aya ayaad adigii soo fadhaysaa oo ciida ka rogaysaa
bal niyoow mar labaad doodaan ka fiirso oo sid kale wax u qabo

wax is badalaya soomaaliya ma jirto meel kasta sidaa ay ku tisqaaday ayay ahaanaysaa umad is caqli dhaanta oo sida aduunyada kale indhaha kala furta ma nihin
markaa waxaad dhaaminaysaa foosto madhan
adigaaba dadkii xasuusinaaya oo quluubtoodii soo kicinaaya una sheegaya in ay jirto dhibaato haysata dadka gabooyaha
anigu waxaan ku odhan lahaa qabiikaad doonto ee soomaaliya sheego kuna biir
waayo dad badan oo kaa horeeyayba waa la qarameeyay meel kasta ha ka yimaadaane
xataa xabashi ayaa qabaailka soomaalida ku jirta
in kasta oo aanad ahayn nin taageersan somaliland jiritaankeeda hadana hadaad nooga baahato caawimo iyo talo shacabkaaga waanu caawinaynaa
laakiin anaga muuse dhariye ayaa hargaysa jooga waana qabiil la siman qabiil kasta oo somaliland degan wax la fadho iyo dhibaato ma jirto xagayaga
waa xagiinaa iyo soomaaliya kuwa dhibaatada had iyo jeer la yimaada

mustafe casoowe
mustafecasoowe@yahoo.com
liverbool uk

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: